Waa maxay caabuqyada galmada la isugu gudbiyo, sidee ayaadse naftaada uga ilaalin kartaa?

STI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caabuqa Galmada La isugu Gudbiyo (STI) waa caabuq qofka uu qofka kale ugu gudbiyo galmo.

In ka badan hal milyan oo caabuqan STI ayaa maalin walba laga diwaan geliyaa guud ahaan dunida, sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO).

Caabuqyadan aalaaba ma muujiyaan calaamado wayna adag tahay in baarid lagu helo. Marka caabuqu uu qudhiisa qabsado cudurrada qaar uuna muujiyo calaamado gaar ah, markaas ayaa lagu qeexaa Cudurka Galmada La isugu Gudbiyo (STD).

STIs caadi ahaan waxay faafaan inta ay galmadu socoto, balse mararka qaar waxaa sababa kara jirka labada qof oo is taabta.

Caabuqyadan STIs qaarkood ayay hooyadu u gudbin kartaa ilmaha inta ay uurka leedahay, dhalmada, amaba naas-nuujinta.

Qaababka kale ee laga yaabo in STIs ay u faafaan waxaa ka mid ah dhiig isu shubidda, amaba in cirbad la wada wadaago.

STIs ayaa isu beddeli kara xanuunno halis ah oo uu ku jiro kansarka, xanuun gumaarka hoose oo joogto ah, ilmaha oo minka bannaankiisa ku beerma, iyo dhalmo la’aan.

Waa maxay noocyada STI?

Waxaa jira in ka badan 30 bakteeriyo kala duwan, fayrasyo iyo ilma qabato la isugu gudbin karo xiriir galmo.

Shakhsiyaadka ayaa sidoo kale markiiba qabi kara dhowr nooc oo STI ah.

Noocyada ugu badan ee STIs waa syphilis, gonorrhoea, chlamydia iyo trichomoniasis. Caabuqyadan dhammaantood waa la daweyn karaa.

Waa maxay calaamadaha?

STI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caabuqyada galmada la isugu gudbiyo caadi ahaan waa kuwo aan calaamad lahayn amaba waxaa laga yaabaa calaamado yar inaad isku aragto.

Waa suurtogal inaad caabuqa qabto adigoon ogeyn.

Balse xitaa calaamad la’aan, caabuqyadan ayaa la isugu gudbin karaa galmada waana kuwo dhibaato sababa.

Haddii ay calaamado jiraan, waxaa ka mid noqon kara:

  • Dheecaan aan caadi ahayn oo xubinta taranka ragga iyo dumarka ka soo baxa
  • Barar amaba finan kasoo baxa agagaarka xubinta taranka
  • Xanuun amaba kaadi marar badan ku qabata
  • Cuncun amaba guduud aad ku aragto agagaarka xubinta taranka
  • Finan amaba barar agagaarka afka
  • Ur aan caadi ahayn oo kasoo baxda xubinta taranka haweenka
  • Cuncun halka ay saxaradu kasoo baxdo, barar, amaba dhiig
  • Xanuun gumaarka ah

Maxay STIs u yihiin wax inta badan la arko?

Sanadkii 2020, WHO ayaa ku qiyaastay inay jiraan ilaa 374 milyan oo caabuqyo cusub ah oo ugu yaraan mid ka mid ah afarta nooc ee ugu badan ee STIs ah: trichomoniasis (156 milyan), chlamydia (129 milyan), gonorrhoea (82 milyan) iyo syphilis (toddobo milyan).

In ka badan 490 milyan oo qof ayaa lagu qiyaasaa inay la noolaayeen fayraska xubinta taranka sanadkii 2016, iyo qiyaastii 300 oo milyan oo qof ayaa loo maleynayaa inay qabeen infekshanka human papillomavirus (HPV), oo ah kan ugu badan ee haweenka u sababa kansarka mink aiyo kansarka afka oo laga helay ragga isu galmooda, sida ku xusan xogta WHO.

Condom

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Galmadu waa baahi dabiici ah. Waa sida wax cunid ama cabid, waxay qeyb ka tahay dabeecadda aadmiga," ayay tiri Dr Teodora Elvira C. Wi, oo ah hormuudka Barnaamijyada Global HIV, Hepatitis iyo STIs ee WHO.

"Waxaad sameyneysaa galmo marka aad galmo sameysana way kugu dhici karaan STIs. Taasina waa sababta ay aad ugu badan yihiin tirada caabuqyada."

Dr Wi ayaa sidoo kale tilmaantay in xaqiiqda ah in maaddaama STIs aysan aalaaba calaamado lahayn, dadku waxay isugu gudbin karaan iyagoon ogeyn.

Khatarta qaadidda STI ayaa kordheysa sababtoo ah isbed beddelka dhaqanka galmadii caadiga ahayd, dadka ayaa si fudud ay ugu suurto gashaa sameynta galmo iyo inay dhowr qof la sameeyaan markiiba, iyo isticmaalka baraha la isku shukaansado oo soo badanaya, sida ay sheegtay Dr Wi.

Inkastoo daraasado dhowaan la sameeyay ay muujinayaan in tirada da’yarta doobabka ah ee galmada caadiga ah sameynaya ay hoos u dhacayso, waxaa jira sidoo kale hoos u dhac isticmaalka kondhomka.

Dr Wi ayaa carrabka ku adkeysay in marka aysan jirin daaweyn HIV, ay dadku iska ilaalin jireen sameynta galmo, gaar ahaanna iyagoo aan isticmaaleyn cinjir.

Waxay sheegtay in dadka qeybo badan oo dunida ah ay aaminsan yihiin inay iska baari karaan HIV, ay daawo qaadan karaan kadibna la daweyn karo. "Sidaa darteed, isticmaalka cinjirka ayaa hoos u dhacay," ayay tiri.

Sanadkii 2022, 1.3 milyan oo qof ayaa laga helay caabuqa HIV, sida ay muujineyso xogta WHO.

In ka badan 600,000 oo qof ayaa weli sanad walba u geeriyooda fayraska sababtoo ah ma oga inay qabaan HIV umana socoto daaweyn, amaba waxay daaweynta bilaabaan goor dambe, ayuu yiri ururuka.

Sidee ayaad naftaada uga ilaalin kartaa STI?

Condom

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Fadlan isticmaal cinjir. Taasi waa waxa kaa difaaci kara inaad qaaddo STI," ayay tiri Dr Wi.

"Haddii aad galmo la sameyneyso qof aadan aqoon amaba galmada caadiga ah ay tahay, waxaad u baahan tahay inaad mas’uul ka noqoto tan. Waxaa kuu fiican inaad barato isticmaalka cinjirka iyo sida loogu raaxeysto."

Isticmaalka saxda ah ee cinjirka ayaa aad u yareyn kara, balse gebi ahaanba ma cirribtiri karo, khatarta qaadidda amaba faafinta STIs sida ay sheegeen khubarrada caafimaadka.

Haddii uu qof xasaasiyad ku qabo maaddada latex ee ku jirta cinjirka, waxaa lagula talinayaa inuu isticmaalo kuwa polyurethane.

Waxaa intaa dheer, gaar ahaa haddii calaamadaha STI la arko, waa muhiim inaad degdeg ugu tago dhaqtar si lagaaga baaro oo lagaaga daweeyo.

"Ha aadin farmashiga halkaasoo aad iskaa isu daaweyneyso sababtoo ah kuma caawineyso. Haddii aan si buuxda lagaaga daweyn, waxaa laga yaabaa inay khatar xun kugu yeelato, sida dhalmo la’aan," ayay tiri Dr Wi.

"Inaad iska indho tirto STIs waxay saameyneysaa caafimaadkaaga: waxay sababi karaa cudur gumaarka ah, dhibaatooyin uurka ah iyo qiyaastii hal ilaa labo milyan oo kiisas cusub oo dhalmo la’aan ah sanadkiiba waxay ka dhasheen caabuqyada gonorrhoea amaba chlamydia ee haweenka aan laga daweyn," ayay tiri.

Syphilis-ta uurka ayaa sababta in ka badan 355,000 oo dhibaatooyin dhalmada ah sanadkiiba iyo 143 ilmaha iyagoo meyd ah dhasha iyo 61,000 oo uurka ku dhinta, HPV-na waxay sababtaa qiyaastii 342,000 oo dhimasho ka dhalata kansrka minka ah sanadkiiba, ayay intaa raacisay.

STI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa maxay noocyada daaweyn ee loo heli karo STIs?

STI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Caabuqyada galmada la isugu gudbiyo ee ay sababto bakteeriyo amaba il ma qabato ayaa lagu daweyn karaa qallajiyeyaal, balse wax daawo ah ma laha STIs ay sababaan fayrasyo, sida herpes amaba HPV.

Daawooyinka ayaa wax ka tari kara calaamadaha hoosna u dhigi kara khatarta inuu caabuqu faafo, sida kastaba.

Waxaa sidoo kale jira tallaal looga hortagi karo HPV iyo hepatitis B.

Dr Wi yaa sheegtay in WHO ay u kuur galeyso horumarinta tallaalka gonorrhoea, tallaal wax ka tari kara fayraska xubinta taranka ayaa sidoo kale lagu howlan yahay, iyadoo la adeegsanayo habab la mid ah tallaallada mRNA loo isticmaalay Covid 19, ayay tiri.

Dr Wi ayaa sidoo kale sheegtay inay jirto tallaabo horeyba loogu qaaday soo saaridda tallaalka chlamydia iyo sidoo kale baaritaan aasaasi ah oo ah suurtogalnimada soo saaridda tallaalka syphilis.

Maxay dowladuhu sameyn karaan si looga hortago STIs?

STI

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inta badan dunida, maalgelinta barnaamijyada dowladda ee ka hortagga iyo xakameynta STIs waa xaddidan yihiin.

"Sababo la xiriira takoorka ku xeeran STIs, ahmiyad lama siiyo. Faa’iido siyaasadeed ma laha adeegyada maalgelinta STI, codad kagama hananeysid doorashada," ayay tiri Dr Wi.

Waxay intaas ku dartay in dowladuhu ay tahay inay fududeeyaan helidda adeegyada caafimaad ayna maalgelin ku sameeyaan horumarinta aaladaha lagu baaro laguna daweeyo noocyada ugu badan ee STIs.

"STIs gebi ahaanba waa la dayacay iyagoo ah xanuunno faafa. Waxaan u baahannahay inaan yareyno takoorka ku xeeran oo aan ula macaamilno sida caabuqyada kale," ayay tiri.