Maxay muhiim u tahay in la baaro dhiigga caadada ee haweenka?

Dhiigga

Xigashada Sawirka, QVIN

Maalin walba, ilaa 800 oo milyan oo qof oo daafaha dunida ku nool ayaa ku jira toddobaadka caadada.

Marka la eego nambarkaas, waxaa yaab leh in wax yar uun laga ogyahay dhiigga caadada qudhiisa.

Sara Naseri, oo ah dhaqtarad, ayaa rajeyneysa inay arrintaas beddeshi iyadoo sameysay shirkad daryeelka caafimaadka ah oo lagu magacaabo Qvin. Waxay aaminsan tahay in tijaabada dhiiggan dumarka bishii ku dhaca ee la iska indho tiray ay wax weyn ka tari karto caafimaadka.

In la taageero fekerkeeda waqti ayuu qaadan doonaa, si kastaba, maaddaama uusan jirin baaritaan badan oo lagu sameeyay dhiigga caadada.

Iyadoo weli ku jirta jaamacad caafimaad ay ka barato, Dr Naseri ayaa keliya heshay hal daraasad oo laga sameeyay dhiigga caadada, warbixin sanadkii 2012 la qoray ayaa lagu xusay 385 borotiin oo gaar u ah dhiigga caadada.

Sidoo kale waxaa dhiiggan ku jira maaddooyin kale oo muhiim u ah uur-qaadista.

"Dhiiggi waa waxa ugu badan ee la adeegsado," ayay tiri Dr Naseri. "Waxaan is iri: 'Haweenka dhiig baa ka yimaada bil walba. Maxay tahay sababta aysan cidna dhiiggan ugu adeegsan ujeeddooyin caafimaad?'"

Dhiigga

Xigashada Sawirka, QVIN

Qoraalka sawirka, Aasaasaha Qvin Sara Naseri ayaa aaminsan in dhiigga caadada loo adeegsan karo ujeeddooyin caafimaad

Kooxda Qvin ayaa isku dayeysa inay wax ka qabato dulduleellada ka jira baaritaanka iyagoo daraasado ballaaran ku sameynaya si loo qiimeeyo haddii ay jiraan xiriirro micno leh oo ka dhaxeeya dhiigga caadada iyo dhiig laga soo qaaday xididka amaba farta.

Natiijooyin hore ayaa jiray balse daraasado dheeraad ah ayaa loo baahan yahay.

Haddii la caddeyn karo xiriir ka dhaxeeya, tijaabinta dhiigga caadada ayaa noqon kara hab muhiim ah oo lagu ilaaliyo laguna baaro xaalado guud oo caafimaad.

Tusaale ahaan, haddii waxyaabaha calaamadda u ah kolastraoolka iyo heerarka sokorta ay isku mid yihiin, baaritaanka dhiigga caadada ayaa loo adeegsan karaa mid bil walba lagula socdo xaaladaha wadnaha amaba sokorta.

Si kastaba, waxa muhiimka ah ayaa ah inaysan jirin habab aan habbooneyn oo wax lagu baaro laguna eego xaalado saameyn kara hannaanka taranka haweenka.

Inaysan jirin baaritaan lagu sameeyay xanuunnada taranka haweenka ayaa keenay gaabis dhanka baaritaanka ah, iyadoo la helo karo habab dhow ah oo daaweyn ah, iyo baaritaanno aalaaba xanuun badan oo dhibaato ku ah bukaanka.

Dalka UK, keliya 2.1% oo lacagta baaritaanka caafimaadka ayaa loo qoondeeyay xaaladaha taranka, iyadoo baaritaan la sameeyay ay sheegeyso in 31% haweenku ay xaalado aad u daran kala kulmaan caafimaadkooda taranka.

Kala bar wax ka yar kuwa ay xaaladahan soo wajaheen ayaa raadsada caawinaad caafimaad.

In la baaro caafimaadka dhiigga caadada ayaa la micno ah in diidmo badan gorgortan laga galo iyo waxyaabaha ay bulshadu ceebta u taqaanno.

Shirkadda fadhigeedu yahay magaalada Berlin ee Theblood ayaa la daalaa dhacaysay inay hesho sheybaar ay heshiis la gasho oo baaritaan ku sameeya dhiigga caadada.

"Waa inaan wax walba hoos kasoo billowno, billowga ugu horreeya. Sheybaarradu waxay baarayaan candhuufta, kaadida amaba saxarada balse ma jiro wax lagu baaro dhiigga caadada," ayay tiri aasaasaha Theblood, Miriam Santer.

Dhiigga

Xigashada Sawirka, FEINSTEIN INSTITUTES FOR MEDICAL RESEARCH

Qoraalka sawirka, Peter Gregersen iyo Christine Metz ayaa wada sameeyay daraasadda Rose
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr Christine Metz, oo wax ka dhigta Machadka Baaritaanka Caafimaadka Feinstein ee Jaamacadda Northwell Health ee Jasiiradda Long, New York, ayaa aaminsan in "arrinta yaqyaqsiga" ay qeyb weyn ka tahay sababta baaritaan yar uun hore loogu sameeyay dhiigga caadada.

"Marka aan dooneyno inaan tijaabinno dhiigga caadada si baaritaan loogu sameeyo, waxaa isoo maray dhaqaatiir badan oo inoo sheegay inaysan bukaannadooda weydiin Karin inay sidaa sameeyaan," ayay tiri. "[Balse markii] aan [baaq soo dhigno] baraha bulshada, waxaan helnay ilaa 6,000 oo qof oo diwaankeenna ku jira. Waxaa cad, inay ka xoroobeen arrinta yaqyaqsiga."

In la baaro dhiigga caadada weligeedba ma ahayn mid qeyb ka ah dhaqanka caafimaadka haweenka.

Endometriosis waa mid ka mid ah xaaladaha ugu badan ee caafimaadka haweenka. Waa mid aad u xanuun badan waxayna timaaddaa marka xiidmo caadiyan ku jira minka ay ku beermaan bannaanka xubno kale. Waxay saameysaa ilaa 10% haweenka iyo gabdhaha. Baaritaanka ayaa qaadan kara 12 sano waxaana keliya lagu ogaan karaa qalliin.

Haatan ma jiraan daaweyn waxtar leh oo lagula tacaalo xaaladdan endometriosis.

Christine Metz waxay ka tirsan tahay koox wadda Rose (oo ah daraasad lagu sameynayo xaaladda Endometriosis) taasoo ah in la eego dhiigga caadada si wax looga qabto xaaladdan.

In lacag loo helo daraasadda dhiigga caadada ayaa ahayd mid adag. "Mar walba ayaa la ii sheegaa': 'Oh, waa inaad ka shaqeysaa kansarka. Lacag badan ayaa loo hayaa.' Waana run. Maba jirto lacag arrintan loogu talogalay. Way mudan tahay in loo dagaallamo mar walba si loo helo balse aad iyo aad, ayay u adag tahay," ayay tiri.

Shirkadaha sida Qvin iyo Theblood ayaa daraasadahooda lacag ku bixinaya, iyagoo isku dayaya inya muujiyaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ee isbeddel loo sameyn karo ay tahay muujinta in baaritaannada dhiigga caadada ay muhiim tahay.

Si kastaba, mid walboo iyaga ah wuxuu qirsan yahay in arrintan loo bandhigo maalgashadayaasha ay la micno tahay sharraxaadda waxyaabaha aadka aasaasiga u ah ee dhiigga caadada, sida habka loo isticmaalo suufka caadada.