Cilmibaaris: Maxay dadka qaar u xanaaqaan marka ay gaajeysan yihiin?

Gabar xanaaqsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Degganaanta goorta lagu gardarreysto waxay u baahan tahay isxakameyn, waxaana jirta aragti Cilmu-nafsi oo muddo dheer la aaminsan yahay, taas oo ah in isxakameyntu ku tiirsan tahay heerka Gulukoosta ee dhiigaaga ku jirta.

Marka aad gaajeysan tahay waxaa kugu yaraanaysa Gulukoosta, taas oo ka dhigan in dulqaadku kaa dhamaan doono inta ay gaajadu kusii hayso.

Waxaa jirta daraasad ay seynis-yahannadu lamaaneyaal is qaba siiyeen boombalo lagu matalayo lamaanahooda. Muddo 21 habeen ah ayey habeen walba seynis-yahannadu cabbirayeen heerka gulukoosta ee dhiigooda ku jirta, waxayna lamaanayaasha siiyeen biinan ay u sheegeen in ay ku dhejiyaan boombalada lagu matalayo lamaanahooda iyaga oo tirada biinanka ku salaynaya heerka uu qofku is leeyahay xanaaqaagu wuu gaarsiisan yahay. Waxay ka dhigan tahay qofka aad u xanaaqa wuxuu biinan badan ku dhejin doona boomabalada lagu matalayo lamaanihiisa marka la barbar dhigo kan wax yar xanaaqay amaba aan dhirfinba.

Lamaanaha ay dhiigooda ku jirtay gulukoosta ugu yar ayaa boombalihii ku dhejiyay biinanka ugu badan.

Cadho gaajo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidey gaajadu u saameysaa dabeecaddaa?

Gaajadu waxay saameysaa qaybta maskaxdeenna u qaabilsan dareennada sida, murugta, xamaasadda, xanaaqa iyo weliba kalsooni darrada.

Waxaa jira cadeymo daraasadeed oo badan oo muujinaya in gaajadu kaa dhigayso qof si xun oo aan wanaagsanayn u arkaya wax walba. Hadda waxay cilmi baarayaashu isku dayayaan in ogaadaan waxa dhabta ah ee maskaxda ku keena isbadbaddelka dabeecadda.

Marka tamartu kugu yar tahay, dhowr isbeddel ayaa ku dhaca jidhka iyo maskaxda kuwaas oo saameeya habka aad u fikirto, dareento, una dhaqanto. Qaar badan oo ka mid ah isbeddelladan waxaa sababa laba hormoon oo jidhkaagu soo daayo marka aad gaajaysan tahay, labada hoormoon waxaa la kala yiraah ghrelin iyo cortisol.

Ghrelin:

Marka calooshaadu madhan tahay, waxay soo daysaa hormoon la yiraahdo "ghrelin." Hormoonkani waxa uu calaamad u diraa qayb maskaxda ka mid ah oo kaa dhigaysa inaad u malaynayso, "Waan gaajaysanahay, waxaan u baahanahay inaan helo xoogaa cunto ah."

Cilmi-baadhayaashu waxay baranayaan habab cusub oo ghrelin-ku u kiciyo meelo badan oo maskaxda ka mid ah. Dhab ahaantii wuxuu saameyn weyn ku leeyahay shaqada maskaxda. Daraasaduhu waxay muujinayaan in korodhka heerarka ghrelin ay si toos ah u saameeyaan:

  • Dareenka, oo ay ku jiraan calaamadaha niyad-jabka iyo walaaca
  • Is xakamaynta oo hooseysa
  • Dabeecada abaal doonka (si la mida sida qof balwad hayso)
  • Ku liidashada waxbarashada iyo xasuusta
  • Dareenka la xidhiidha walaaca nafsiga ah
  • Wareegga hurdada/soojeedka oo qasma

Si kale haddii loo dhigo, ghrelin waxay qabataa wax ka badan inaad ku fikirto "Waan gaajaysanahay." Waxay saamaysaa dariiqyada maskaxda ee xoogga badan, kuwaas oo beddela sida aad dareemeyso, u fakarto, iyo sida aad u aragto adduunka.

Haweenay xanaaqsan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cortisol:

Marka sonkorta dhiigaagu ay hoos u dhacdo, jidhkaagu wuxuu soo daayaa "hormoonada walaaca" - sida cortisol iyo adrenaline. (Ghrelin sidoo kale waxay sababtaa in jidhkaagu soo daayo hormoonnadan). Hormoonnada kacdoonku waxay door muhiim ah ka ciyaareen badbaadada bini'aadamka - waxay kiciyaan dariiqyo ka dhigaya sonkorta dhiiggaaga inta caadiga ah ilaa aad ugu dambeyntii wax cunto.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay sidoo kale saameyn weyn ku leeyihiin niyadda iyo dhaqanka. Gaar ahaan, waxay kiciyaan jawaabta "difaac-didmo- qobow" oo ah saddexda nooc ee nooluhu u falceliyaan marka ay halis dareemaan. Xitaa haddii markii u dambeysay ee aad wax cuntay ay dhowr saacadood oo kaliya kasoo wareegtay, maskaxdaadu waxa ay u aragtaa in xaaladdu tahay khatar nololeed oo degdeg ah. Taasina waxay keeni kartaa dareenka cabsida iyo argagaxa, isbeddelka diiradda iyo feejignaanta, iyo isbeddel degdeg ah oo ku yimaad dabeecadda.

Cilmi-baarayaashu wali ma hubaan sababta ay dadku gaajada ugu kala nugul yihiin. Si la mid ah waayo-aragnimada dadka ee caafimaadka dhimirka, dhammaanteen waan ka yara duwanahay sida maskaxdeennu uga jawaabto isbeddellada heerarka hoormoonka. Laakiin cilmi baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay si loo fahmo sababta dhabta ah ee dadka qaarkiis ay ugu nugul yihiin dhacdooyinka hunguriga ah marka loo eego kuwa kale.

Akhbaarta wanaagsan ayaa ah in marka ugu dambeyntii aad wax cunto, heerarka hoormoonka inay ku soo noqdaan sidii caadiga ahayd, waxaadna dib ugu noqotaa dareenkaaga caadiga ah.