Sidee ayay Muslimiinta Koonfur Afrika u badbaadiyeen Qur'aankan la qoray boqollaal sano ka hor?

Qur’aan – uu si qurux badan u qoray in ka badan 200 oo sano ka hor imaam u dhashay dalka Indonesia oo gumaystihii Holland u soo masaafuriyeen cidhifka koonfureed ee Afrika – waa dhacdo ka mid waxyaalaha ay ku faanaan Muslimiinta Cape Town, kuwaas oo si feejignaan leh ugu dhex ilaaliya masaajid ku yaalla degmada taariikhiga ah ee Bo Kaap.
Dadka wax ka dhisayay ayaa ka helay boorso waraaqo ah oo taal afaafka hore ama qiblada Masjidka Auwal, xilli ay jebinayeen taas oo qayb ka ahayd dib u cusboonaysiintii lagu samaynayey badhtamihii 1980-maadkii.
Cilmi-baadhayaashu waxay rumaysan yihiin in Imam Abdullah bin Qadi Abdus Salaam, oo loo yaqaan Tuan Guru, ama Macallinka weynaa, uu quraankaaas ka qoray xusuustiisa wakhti ka dib markii loo soo dhoofiyay Cape Town isagoo maxbuus siyaasadeed ah, oo ka yimid jasiiradda Tidore ee Indonesia 1780, ciqaab ahaan, kaddib markii uu ku biiray dhaqdhaqaaqa iska caabinta ahaa ee ka dhanka ah gumaystaha Nederland.
"Waxay ahayd goob aad u boodh badan, waxay u ekayd qibladaasi, meel aan qofna gelin in ka badan 100 sano," Cassiem Abdullah, oo xubin ka ah guddiga masaajidka, ayaa u sheegay BBC.
"Dhisayaashu waxay sidoo kale heleen sanduuq qoraallo diimeed ah oo uu qoray Tuan Guru."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qur’aanka kariimka ah ayaa tan iyo markaas ka dhex muuqda Masjidka Auwal oo uu aasaasay Tuan Guru sanadkii 1794-tii, xiligaas oo uu ahaa Masjidkii ugu horeeyay ee lagu dhiso meesha aynu maanta u naqaan dalka Koonfur Afrika.
Seddex isku day oo lagu doonayay in lagu xado qoraalkan qiimaha badan oo aan lagu guuleysan ayaa guddiga ku kalifay in ay 10 sano ka hor ku xidhaan daas aan xabadu karin oo kaas oo la dhigay qiblada masjidka.
Inta badan nuqulladan ayaa la rumeysan yahay in u qoray xilli uu u dhexeeyay da’aadda 80 ilaa 90 sano, waxaana guusha uu gaadhay loo arkaa mid aad u cajiib badan maadaama luuqadda Carabidu aanay luuqaddiisii koowaad.
Sida uu sheegay Mr Morton, Tuan Guru waxa lagu xidhay jasiiradda Robben laba jeer – markii u horraysay intii u dhaxaysay 1780 ilaa 1781 isaga oo 69 jir ah, iyo marlabaad intii u dhaxaysay 1786 iyo 1791.
“Waxaan aaminsanahay in sababihii uu u qoray qur’aanka kariimka ah ay ka mid ahayd in uu niyadda ka kiciyo addoomaha ku xeeran, waxa uu gartay in haddii uu kitaab qur’aanka qori lahaa uu dadkiisa ka wacyigelin karo, isla markaana uu barayo karaamada isla markaana ay baraarurin u noqonayso. "ayuu yidhi Mr Morton.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta