"Yaxaaska" oo ku guuleystay doorashadii dalka Zimbabwe

Yaxaaska

Xigashada Sawirka, Reuters

Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa mar labaad loo doortay xilka madaxtinimada isagoo helay 52.6% codadkii la dhiibtay, sida ay sheegeen guddiga doorashadu.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa ku andacoonaya inay dhacday ku shubasho codbixineed oo baahsan, goob joogayaal caalami ahna waxay sheegeen in codbixintu ay ka hoos martay heerarka dimoqraadiyada.

Mr Mnangagwa waa madaxweynihii labaad ee Zimbabwe. Afgembigii dalkaas ka dhacay sannadkii 2017 ee ka dhanka ahaa hoggaamiyihii ruug caddaaga ahaa ee Robert Mugabe ayuu xilkaku helay.

Dadka reer Zimbabwe ayaa weli wajahaya sicir barar sare, saboolnimo iyo jawi cabsi.

Markii ugu horeysay ee uu noqday madaxweynaha, Mr Mnangagwa - oo loo yaqaan "Yaxaaska" naxariis la'aantiisa awgeed wuxuu ballanqaaday in uu bilow cusub u horseedi doono dadkiisa.

Laakiin Zimbabwe ayaa bishii hore ku sugnayd mid ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee sicir-bararka adduunka bishii Luulyo maciishadda ayaa sare u kacday 101.3% tan iyo sannadkii hore. Shaqo la'aanta ayaa sidoo kale weli ah mid baahsan, iyadoo 25% kaliya dadka Zimbabwe ay hayaan shaqooyin rasmi ah.

Ballanqaadkii Emmerson Mnangagwa ee ahaa in uu dammaanad qaadayo xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale u muuqata mid mugdi ku jirta, iyadoo wax yar iska beddeleen arrintan tan iyo markii uu xilka ka tagay Mugabe.

"Yaxaaska"

Xigashada Sawirka, Reuters

Dadka dhaleeceeya ayaa sheegaya in 80-jirkani uu aamusiyay mucaaridkiisa, isla markaana uu ku gacan seyray tabashooyinka mucaaradka lagasoo bilaabo ololihii ilaa cod bixinta, taasoo dabcan la filayey inuu ku guuleysto.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Guddiga doorashada Zimbabwe (ZEC) ayaa sheegay in musharraxa isbaheysiga isbedel doonka ah ee Nelson Chamisa oo ahaa caqabadda kowaad ee Emmerson Mnangagwa, uu helay 44% codadkii la dhiibtay.

Emmerson ayaa helay in ka badan 2.3 milyan oo cod, halka Nelson uu helay 1.9 milyan oo cod, sida ay sheegtay ZEC. Dadka u soo baxay codbixinta dalka oo ku dhawaa 16 milyan ayaa ahaa 69% ee tirada guud ee dalkaas, guddiga doorashada ayaa sidan sheegay.

Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in doorashada lagu shubtay, balse maxkamadda dastuuriga ah ayaa taageertay natiijada.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga CCC ayaa soo dhigay barta X - oo hore loogu yiqiin Twitter - in xisbigu diiday "natiijo kasta oo si degdeg ah la isugu keeno iyada oo aan si sax ah loo xaqiijin".

Promise Mkwananzi, oo ah af hayeenka xisbiga, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in CCC uusan saxiixin "beenta" natiijada kama dambaysta ah "ma aqbali karo natiijada".

Waxa uu sheegay in xisbigu uu dhawaan ku dhawaaqi doono talaabada xigta ee uu qaadayo.

Kormeerayaal ka kala socday Midowga Yurub, Barwaaqo-sooranka iyo 16-ka waddan ee urur goboleedka Koonfurta Afrika (SADC) ayaa sheegay inay qabaan walaac badan oo ku saabsan codbixinta, oo ay ka mid yihiin mamnuucidda isu soo baxyada mucaaradka, arrimaha diiwaanka doorashada, eexda warbaahinta dowladda iyo cabsigelinta codbixiyayaasha.

"Doorashooyinka waxaa ka buuxay wax is-daba-marin waxayna niyad jabisay dadka Zimbabwe," Rejoice Ngwenya oo ah falanqeeye siyaasadeed ayaa u sheegtay AFP.

Isku soo wada duuboo doorashada ayaa ahayd mid aan rabshado ka dhicin, balse xubnaha isbahaysiga CCC ayaa lagu xukumay wax ay ku tilmaameen eedeymo been abuur ah oo la doonayay in lagu wiiqo xisbiga. Isbahaysigu waxa uu sheegay in booliisku ay mamnuuceen dhowr jeer shirarkooda tan iyo bishii Luulyo, iyo ku dhawaad 100 kulan tan iyo markii la aasaasay bishii Janaayo ee sannadkii hore.

Horaantii bishaan, 40 xubnood oo ka tirsan CCC oo uu ku jiro musharax xildhibaan ayaa la xiray xilli ay olole ka wadeen caasimadda Harare.

Dilkii dhawaan loo geystay taageere CCC, oo lagu eedeeyay taageerayaasha xisbiga Zanu-PF ee Emerson Mnangagwa, ayaa sii kordhisay walaaca laga qabo xuquuqda.

Dadka dhaleeceeya Madaxweynaha ayaa si joogta ah loo xirxiraa oo maxkamad la horgeeyaa iyaga oo lagu eedeeyay in ay aflagaadeeyeen madaxweynaha – qofka gala dambigan ayaa lagu ciqaabaya ciqaabaya hal sano oo xadhig ah ama ganaax ama labadaba. Nin ku sugan Harare ayaa dacwad lagu soo oogay bishii April ka dib markii lagu eedeeyay in uu maqlay sarkaal booliis ah oo sheegaya in Emerson Mnangagwa uu ku guuldareysan doono doorashada soo socota.

Codbixinta doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka ayaa lagu waday inay qabsoonto maalinta Arbacada ah, balse goobaha qaar ayaa dib loogu dhigay Khamiista, maadaama ay soo dib dheceen qaybinta kaadhadhka codbixintu.

Doorashada Emerson ayaa la macno ah in xisbiga Zanu-PF uu Zimbabwe xukumayay 43 sano, tan iyo markii uu dalkaasi xornimada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1980-kii.

Xisbiga ayaa sidoo kale lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay tartanka baarlamaanka, isagoo helay 136 ka mid ah 210-ka kursi, iyadoo CCC uu helay 73. 60 kursi oo kale ayaa loo qoondeeyay haweenka waxaana lagu soo magacaabayaa saami qaybsi.