Sinikiwe Kademaunga: Gabadha aan gacmaha iyo lugaha toona laheyn ee nolosha guusha ka gaartay

Sinikiwe Kademaunga

Xigashada Sawirka, Instagram/Sinikiwe Kademaunga

Sinikiwe Kademaunga oo ah gabadh ku dhalatay gamco la'aan iyo lugo la'aan isla markaana dadka dhiirigelisa ayaa dabayaaqadii sanadkii hore baahisay sawirrada ku saabsan arooskeeda.

Gabadhan oo u dhalatay dalka Zimbabwe ayaa la wadaagtay caalamka sawirada arooskeeda bilo ka dib markii ay shaaca ka qaaday ninkii uu xiriirka kala dhexeeyay markii ugu horeysay oo ay ku soo bandhigtay barteeda Instagram-ka sanadkii hore.

Dhanka kale, Febraayo 1, 2021, Sinikiwe waxay ku dhawaaqday inay filayso inay dhasho ilmaheedii ugu horreeyay xilli ninkii ay u dooneyd sawirkiisa ay ku baahisay boggeeda Instagram-ka.

Sinikiwe Kademaunga

Xigashada Sawirka, Instagram/Sinikiwe Kademaunga

Waa tuma Sinikiwe Kademaunga?

Sinikiwe Kademaunga

Sinikiwe Kademaunga waxay u dhalatay dalka Zimbabwe, waxay ka shaqeysaa arrimaha bulshada, waa gabadh wax ku qorta Internet-ka, waxay dhiirigelisaa dadka oo ay la taliso.

Sinikiwe waxa ay ku dhalatay cudur ka horjoogsanaya korriinka addimada laakiin curyaanimadeeda wax dib u dhac ah uma horseedin, nolosha ayay heer ka gaartay.

Hadal dhiirigelin ah oo ay ka jeedineysay teleefishinka BTV ayay ku sheegtay in markii ay dhalatay, qoyskeeda ay ku adkaatay inay aqbalaan inay tahay naafo.

Waxay sheegtay in markii ay yareyd nolol adag ay soo martay, gaar ahaan markii ay la ciyaareysay carruurta kale, dadku aad ayay u fiirin jireen, carruurta qaarna way ku qosli jireen, caqabadahaas oo dhanna waxay ka dhigeen inay noqoto qof dadka ka duwan oo hal abuur leh.

'Wax xiriir ah kama dhexeeyo naafanimada iyo faqriga'

Sinikiwe Kademaunga ayaa hadalkan sheegtay mar ay wareysi siinaysay BBC-da sanadkii 2019.

"Qofka dumarka ah ee naafada ah dhibaato weyn ayaa lasoo derista, laakiin si aan uga gudbo caqabaddaas, mar walba waa inaan naftayda u sheegaa inaan gaari karo wax kasta oo aan ku riyoonayay"

"Runtii ma arko naafanimadayda marka laga reebo markaan ku jiro xaalado gaar ah ama xaalado mar walba i xasuusiya naafanimadayda."

Sinikiwe waxa ay sheegtay in ay aaminsantahay in ay tahay qof dumar ah oo gaari karta yoolkeeda iyadoo aan la isku xirin naafanimada iyo faqriga.

"Ilaahey wuxuu i siiyay maskax, wuxuu i siiyay wax walba oo aan u baahanahay si aan u noqdo qof cajiib ah oo aan sameeyo wax kasta oo aan ku haminayo".

Dhinaca kale, Sinikiwe Kademaunga waxay gabdhaha u sameysaa waji qurxinta (Makeup) , xitaa iyada oo sameystaa howshaas inkasta oo aysa laheyn gacmo.

Sinikiwe Kademaunga

Waxay sheegtay in haddii dadku ay noloshooda ku tiirsanaadaan dadka kale, ay luminayaan kalsoonidooda.

Markii hore, Sinikiwe waxay sheegtay inay ku dhibtoonaysay inay aqbasho naafanimada balse ay ka soo gudubtay caqabaddaas markii ay runta aragtay.

"Waxaan is weydiyay, iskama baddali doontid waxa aad tahay, haddii aad ku sii socoto nolosha noocan, waxaad noqon doontaa qof aan faraxsanayn inta noloshaada ka dhiman".

Sinikiwe waxa ay sheegtay in ay sidoo kale doonaysaa in ay dhiirigeliso dhalinyarada naafada ah sababtoo ah waxay ogtahay nolosha adag uu la kulmo qofka naafada ah.

Markaa waxay doonaysaa inay tusaale u noqoto dadka naafada ah si ay noloshooda wax uga baddalaan.

"Wax kasta waad sameyn kartaa, ka fakar nolosha, haka walwalin waxa ay dadka kale kaa aaminsan yihiin" ayay tiri Sinikiwe.