Haweeneyda baddashay taariikhda xuquuqda dadka naafada ah ee Mareykanka

Judy Heumann

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy Heumann

Judy Heumann markii ay jirtay 18 bilood, waxaa ku dhacay cudurka dabeysha, wuxuu cudurka u horseeday inay naafo noqoto. Inta badan nolosheeda waxay adeegsan jirtay baaskiilka dadka naafada ay ku socdaan.

Waxay ka hor timid faquuqa iyo dhibaatooyinka lagu hayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxayna markii dambe ka mid noqotay hogaamiyeyaasha u doodo xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool Mareykanka.

Xitaa waxay mar dacwad la tiigsatay guddiga waxbarashada ee New York si ay usii wadato waxbarashadeeda, waxay sidoo kale dacweysay shirkad diyaaradeed oo u diiday in ay rakaabka ka mid noqoto, waxay taariikh weyn ku leedahay Mareykanka.

Waxay lataliye u soo noqotay labo madaxweyne oo Mareykan ka soo taliyay.

Sannadkan, markii jariiradda Time Magazine ay soo bandhigtay 100 haween ee taariikhda ka dhigay dunida, waxaa ka mid ahayd Judy iyo Michelle Obama.

Wuxuu dadaalkeeda iyo kartideeda u horseeday in loogu magaca "Chingona" oo micneheedu yahay "Haweeney awood leh". ereygaas waa luqadda Mexican Spanish ah, waxaana ugu yeeri jiray seygeeda.

Dagaalladii ugu horreeyay

Judy Heumann waxay soo martay dhibaatooyin badan, barnaamijka BBC-da ee Outlook ayay dhawaan u warrantay.

Judy oo yar xilli ay la joogtay hooyadeed

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy oo yar xilli ay la joogtay hooyadeed

Waaliddiinteeda ahaayeen Yuhuud, waxay kasoo jeedeen Jarmalka, waxay u qaxeen Mareykanka, waxay kusoo barbaartay magaalada New York halkaas oo ay dhibaatooyin dhanka nolosha kala kulantay.

Iyadoo shan jir ah ayaa iskuul la geeyay, waxayna: tiri "Maamulihii iskuulkii aan wax ka dhigan jiray wuxuu igu yiri, ma garanayo luqadda Hebrew."

Hooyadeed ayaa markii dambe guriga wax ugu dhigi jirtay, afar sanno ka dib waxay hooyadeed geysay iskuulada dowladda gaar ahaan iskuulada ay wax ka bartaan ardeyda qaba baahiyaha gaarka ah.

"na looma ogoleyn in aan la qadeyno carruurta kale ee aan naafada ahayn, marka laga reebo hal maalin toddobaadkiiba, gebi ahaanba waxaan aheyn dadka la faquuqay".

Judy Heumann xilligii ay dhiganeysay kuleejka

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy Heumann xilligii ay dhiganeysay kuleejka

Sida xun ee loola dhaqmay

hadda oo ay 70 sano jir tahay, waxaa mar kasta maskaxdeeda ka guuxayaa dhacdooyinkaas.

"Xitaa waxaa jirtay mar aan waayay cid i caawiso xilli aan doonayay in aan galo goob bakhaar ah, canug ayaa i soo maray, wuxuu igu yiri ma xanuunsatahay, waana markii ugu horreysay ee aan ogaado in dadku ay aragti kale iga heystaan".

"Ma xanuunsaneyn, waa maalin xusuus igu reebtay oo saameyn weyn igu yeelatay".

Judy waxay ka qalin jebisay iskuulka, waxay baratay macalinimo gaar ahaan waxbarashada ku saabsan la tacaalidda dadka qaba baahiyaha gaarka leh.

Imtixaankii waxbarashada caafimaadka

Markii ay ka qalin jebisay kuleejka, Judy waxay ku khasbanaatay in ay marto imtixaanka dhanka waxbarashada arrimaha caafimaadka si ay u hesho ruqsadda maclin-nimada sanadkii 1970-kii.

Judy oo yar

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy oo yar

Codsigeedii ruqsadda dhanka waxbarashada arrimaha caafimaadka ayaa loo diiday, iyadoo kaashaneyso saaxibadeed oo ka mid ahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah waxay dagaal u galeen sidii ay u heli laheyd ruqsaddaas.

"Waxaan wicitaan ka helay qareeno difiica kiiskeyga, waxaanna ka codsady inay ii doodaan, marka waxaan helay qareeno si bilaash iigu adeegayay".

Waa markii ugu horreysay ay aragtay in loo doodo xuquuqdeeda oo ay guuleysatay.

Judy markii ay jirtay 22, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo ku socota baaskiilka dadka naafada oo wax ka dhigta iskuulada ku yaalla magaalada New York.

Waxaa lagu xiray gudaha diyaaradda

Sannadkii 1975-tii, Judy waxay damacday in diyaarad ay ka raacdo magaalada Washington DC, waxaana loo sheegay in diyaaradda aysan raaci karin iyadoo aan lala socon.

Judy iyo seygeeda Jorge sanadkii 2018-kii

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy iyo seygeeda Jorge sanadkii 2018-kii

Waxay u sheegtay shaqaalaha diyaaradda in aysan jirin sharci dhigaya in marka ay raaceyso diyaaradda uu qof kale wehliyo.

Waxayna dood dhexmartay shaqaalaha diyaaradda iyo Judy, waxaana markiiba loo wacay booliska, si xoog ah ayaana looga saaray diyaaradda, ka dibna waa la xiray, waxay tustay warqado muujinayo inay ka shaqeyso xafiiska sanatarka New Jersey balse booliska dhag jalaq uma aysan siin.

"Waan dacweeyay...mana cafin karin sababta oo ah waan xanaaqay".

Ololihii wax ka baddalay taariikhdeeda

Judy oo ku socota baaskiilka dadka naafada

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy oo ku socota baaskiilka dadka naafada

Waxaana markii dambe dhacay in la sameeyo xeerka xuquuqda bulshada ee sanadkii 1964-tii, kaas oo soo afjaray gacan bidxeynta ay la kulmaan dadka madowga ah ee ku nool Mareykanka gaar ahaan marka ay ku sugan yihiin goobaha dadweynaha, sidoo kale xeerkan wuxuu dhigayay gacan bidxeynta ka dhanka ah midibka, qabiilka ama diinta.

Qoraalka Muuqaalka, Haweenay naafo ah oo geel ku dhaqata hab casri ah

Judy waxay hirgelisay ha'yad lagu magacaabo Disabled in Action, waxay u ololeyneysay meel marinta xeerka 504 ee sanadkii 1973, kaas oo sharci darro ka dhigayo in la faquuqo dadka naafada ah, waxaana sharcigan lagu tilmaamaa sharcigii ugu horreeyay ee heer federaal ah oo ay helaan dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee ku nool Mareykanka.

Waxay kooxda codsanayeen in xeerkan laga dhigo sharci kaddib afar sanno ayay qaadatay in la ansixiyo.

5-tii bishii April sanadkii 1977-dii, Judy iyo boqolaal qof waxay dibadbaxyo ka dhigeen afaafka hore ee xafiisyada wasaaradaha, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada guud ee ku yaalla magaalada San Francisco, waxay codsanayeen in la ansixiyo xeerkan.

Judy Heumann oo ka qeybgaleysay dibadbaxyo dhacay toddobaatamaadkii

Xigashada Sawirka, Tari Hartman Squire

Qoraalka sawirka, Judy Heumann oo ka qeybgaleysay dibadbaxyo dhacay toddobaatamaadkii

Intii ay dibadbaxyadu socdeen Judy waxay seexan jirtay dhulka afaafka hore ee xafiisyada ay hor dhoobnaayeen, waxaa caawinayay saaxibadeed, dadkii bannaanbaxyada dhigayay waxay isugu jireen dad kala duwan ee baahiyaha gaarka ah qabo.

Dadweyne badan ayaa isugu uruuray halkaas, Judy waxay ka jeedisay khudbad qiiro leh.

Markii dambe, waxaa u suurogashay in Judy ay wefdi u diraan magaalada Washington DC si ay u ambaqaadaan in dadaallada dabada looga riixayo dhaqan gelinta xeerkaas.

Xilli Judy iyo dadkii kale ay dibadbaxyadu ka wadeen Washington, xilli ay sii qorsheynayeen dibadbaxyo kale, weriye ku sugnaa goobta ayaa u sheegay in dowladda ay ansixisay sharciga 504 oo difaacayay xuquuqda dadka qabo baahiyaha gaarka ah, waxay xilliggaas aheyd 28-dii bishii April 1977-dii. Judy iyo dadkii kaleba waxay joojiyeen dibadbaxyada maadama ay xuquuqdoodi heleen.

Judy Heumann

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Judy Heumann

Judy waxay la shaqeysay madaxweynihii Mareykanka Clinton, waxay u aheyd la taliye waxbarashada sanadkii 1993-dii ilaa 2001-dii, sanadkii 2010-kii madaxweynihii Mareykanka Barack Obama ayaa u magacaabay la taliyha gaarka ah ee xuquuqda caalamiga ah ee dadka qabo baahiyaha gaarka ah.

Dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee aan caddaanka aheyn

Shaqadeeda iyo dadaalkeeda wuxuu wax ka baddalay nolosha kumanaan qof, haatan waxay dooneysa inay caawiso dadka baahiyaha gaarka ah qabo ee aan caddaanka aheyn.

Judy oo la sawiran Jon Wodatch oo ah nin u doodo xuquuqda dadka qaba baahiyaha gaarka ah

Xigashada Sawirka, Judy Heumann

Qoraalka sawirka, Judy oo la sawiran Jon Wodatch oo ah nin u doodo xuquuqda dadka qaba baahiyaha gaarka ah

"Dadka madowga iyo dad kale ee qabo baahiyaha gaarka ah ma helin xuquuqda marka loo barbardhigo kuwa caddaanka ah ee ka faa'ideystay sharciyada qaar" ayay tiri Judy.

Judy waxay sheegtay in dadku ay rumeysan yihiin in dadka qaba baahiyaha gaarka ah in wax isbaddal ah oo buuxo aysan la imaan karin.

Haatan, waxay taageereysa musharraxa madaxweynaha ee xisbiga dimuqraadiga Joe Biden, waxay ka dooneysa in uu isbaddal ku sameeyo xeerarka hadda jiro ee dhigayo ilaalinta xuquuqda dadka qaba baahiyaha gaarka ah, waxay sidoo kale dooneysa in madaxweynaha xiga ee Mareykanka in jagooyin siyaasadda uu u magacaabo dad badan oo qaba baahiyaha gaarka ah.

Transparent line