In naafo lagu ahaado Afrika: 'Mar dambe ceeb uma arki doono gabadhayda naafada ah'

Markii ay Agnes Mutemi ogaatay in gabadheeda curadda ah oo lagu magacaabo Nambia ay dhimirka la'dahay iyadoo labo jir ah, wixii ugu horreeyay ee ay sameysay wuxuu ahaa iney ceeb dareentay. Muddo sannado ah ayay inkireysay xaaladda dhabta ah ee gabadheeda, ilaa markii dambe ay ka heshay iskuul gaar u ah xannaaneynta carruurta lixaadkoodu dhiman yahay.
Hooyadan 38 jirka ah oo dhashay saddex ilmood ayaa sheegtay in waxa ugu weyn ee ay ciriiriga ku dareemeysay uu ahaa sida qallafsan ee ay bulshada ula dhaqmayeen iyo hadallada xun xun ee maalin walba lagu oran jiray.
"Intii lagu guda jiray sannadihii hore, mar walba waxaan is weydiin jiray sababta aan u dhalay cunug noocaan ah.
"Taasna waxaa sabab ay u ahayd inaan mar walba cunugteyda dadka kula dhex socon jiray oo si xun la ii eegi jiray" ayay tiri Ms Mutemi oo ku nool xaafad lagu magacaabo Katoloni oo ku taalla bariga dalka Kenya.
Agnes waxay sheegtay in Nambia ay qabtay xanuun la yiraahdo asphyxia oo ah xaalad ka dhalata marka ay caruurta si khaldan hawada oxygen-ta u qaataan xilliga dhalmada.
Xaaladdaas ayaa sababtay in Nambia uu dhimirkeeda daciifo, maskaxdeedana ay kobci weyso.
'Way soo caafimaadday'
Ka dib markii jimicsi fara badan loo sameeyay, Agnes waxay gabadheeda geysay iskuul ay waxbarashada xilliga hore ah ka barato, iyadoo saddex jir ah.
"Markii ay Nambia muddo lix sano ah ku jirtay iskuulka hoose, wali ma aysan fahmi karin waxyaabaha aasaasiga ah ee la xiriira aqoonta", ayay tiri Agnes, waxayna intaas ku dartay in xarumaha lagu xannaaneeyo dadka dhimirka ka xanuunsan ee Kenya uu qiimahoodu aad u sarreeyo.
"Waxaan rabay in gabadheydu ay yeelato xirfad shaqo - sida iney noqoto macallimad, barfasoorad ama dhakhtar, laakiin taas ma dhici karin".

Xitaa xaaladdu waxay gaartay, heer ay Agnes go'aansato in ay Nambia guriga iskaga heysato, maadaama laga aqbali waayay dhammaan xarumaha waxbarasho ee "caadiga ah".
Balse arrinta baddashay nolosha Agnes waxay ahayd markii ay la kulantay qof ay horay saaxiibbo u ahaan jireen oo kula taliyay in gabadheeda ay geysto iskuul khaas ah.
"Ka dib markii aan arkay gabadheyda oo isbaddal sameyneysa,waxaan ugu dambeyntii aqbalay xaaladdeeda.
"Mar dambe iskama indha tiri doono xaaladdeeda dhabta ah", ayay tiri.
Nambia, oo hadda 14 sano jir ah waxay aaddaa xarunta loogu tala galay dadka dhimirka ka xanuunsan ee magaalada Machakos, halkaasoo ay adeegyo ku bixiyaan shaqaale maxalli ah iyo ajaanib is xilqaantay oo ka socota hay'ad samafal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska(VSO).
Waxay leedahay naafonimo ka hor istaageysa iney waxbarato, laakiin taasi kama dhigeyso mid dadka ka takooran, waxay leedahay hammi sare waxayna jeceshahay iney la ciyaarto saaxiibbadeeda kale ee ay isku fasalka yihiin.

Xigashada Sawirka, AFP
Inkastoo aysan Nambia si fiican u hadli karin, haddana waxay leedahay waxyaabo badan oo ay hooyadeed isku af gartaan.
Nambia waxay ka mid tahay in ka badan hal bilyan oo ruux oo adduunka ugu nool noocyo kala duwan oo naafanimo ah.
Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 15% ka mid ah dadka ku nool dunida ay naafo yihiin, waddamada soo koraya waa kuwa ay naafadu si aad ah ugu fiddo.
Sidoo kale hay'adda Unesco ayaa sheegtay in 90% ka mid ah carruurta naafada ah ee ku sugan dalalka soo koraya aysan aadin iskuul.
Gudaha Kenya, warbixin la soo saaray sannadkii 2009-kii ayaa lagu sheegay in 2008-dii ay ku yaalleen dalkaas 1,341 xarumood oo khaas ah iyo 114 iskuul oo ay dowladda ugu tala gashay dadka naafada ah.
Laakiin intaas kuma filna, cunug walba oo naafo ahna ma heli karo xannaano khaas ah, sida tan ay heshay Nambia.
Warbixinta la soo saaray 2009-kii oo ah tii ugu dambeysay ee la heli karo waxay muujisay in 90% ka mid ah carruurta Kenya ee naafada ah ay ahaayeen kuwo guryaha iska jooga ama dhigta iskuullada caadiga ah ee aan khaaska u ahayn naafada, wax xannaano ahna aysan ka heli karin.
'Wiilkeyga wax walba ayuu ii yahay'

Noloshu aad bay ugu adag tahay waalidiinta iyaga qudhooda naafada ah, kuwaasoo ku khasban iney carruurtooda xannaaneeyaan.
Irene Kerubo, oo 32 sano jir ah, waxay ku tiirsan tahay wiilkeeda 10 sano jirka ah oo subax walba kursiga curyaamiinta ku geeya dukaankeeda, ka hor inta uusan aadin iskuulkiisa oo ku yaalla magaalada Nakuru ee dalka Kenya.
Arrintan waxay shaqo maalmeed u tahay Kevin Momanyi, oo hooyadiis uu naafeeyay cudurka dabeysha, marki ay ahayd afar sano jir.
"Wiilkeyga 10 sano jirka ah wax walba ayuu ii yahay.
"Wuxuu maalin kasta ii sameeyaa shaqada guriga wuxuuna iga caawiyaa inaan soo shaqeeyo nolol maalmeedkeenna maadaama isagoo kursiga igu riixaya uu igu geeyo goobta shaqada" ayay tiri hooyadaas oo dhashay afar carruur ah.
Xaaladdan ayaa haweeneydaas nolosheeda galisay faqri iyo iney la dhibtooto nolosha.
'Dadka waayeelka sii noqonaya'
Waxaa sidoo kale jirta sabab loo walwalo, maadaama Warbixintii adduunka ee arrimaha naafada ee la soo saaray sannadkii 2011-kii ay muujineysay in tirada dadka naafada ah ay sii kordheyso.
Arrintaas ayaa lala xiriiriyay gabowga dadka oo aad u badan iyo tayada adeegyada caafimaad oo aad u liidata.
Dadka naafada ah iyaguna si toos ah uma helaan adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin.
Madixii hore ee golaha qaran ee naafada, David ole Sankok, ayaa sheegay in Kenya ay heer fiican ka gaartay xannaaneynta naafada, marka la barbar dhigo dalalka kale ee qaaradda Afrika.
"Dadka naafada ah ma bixiyaan canshuur, waxayna gaadiidka dibadda uga soo dajistaan si canshuur la'aan ah, luqadda astaanta ee loo adeegsado dadka dhagaha la' waxaa laga dhigay luqadda saddexaad ee waddanka, iyadoo wararka telefishinnadana ay qeyb ka tahay luqaddaas astaanta", ayuu yiri Mr Sankok oo hadda ah xildhibaanka la soo magacaabay ee baarlamaanka u matala dadka naafada ah.
Mr Sankok ayaa intaas ku daray in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amar ku bixiyay in imtixaannada laga dhigo kuwo ay sida ugu haboon u gali karaan naafada, arrintaas ayaana ka dambeysay markii ay mudaneyaasha baarlamaaka ka codsadeen madaxweynaha inuu afkiisa qalin ku qabto ka dibna wax qoro.

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweynaha Kenya ayaa rafaad badan ka dib awooday inuu hal xaraf qoro, iyadoo laga sugayay inuu warqad idil buuxiyo.
Bishii Agoosto ayuu madaxweyne Kenyatta ballan qaaday in dadka naafada ah la siin doono xilalka sar sare ee siyaasadda.
Agnes waxay sheegtay in ay xanuun badan tahay marka ay kugu adag tahay inaad gabadhaada u xusho xirfad shaqo.
Hase ahaatee waxay aad ugu faraxsan tahay iney gabadheeda horumar ka gaareyso sida loo hadlo, tan iyo markii ay iskuulka khaaska ah billowday.
Balse waxay sheegtay in dowladaha Afrika looga baahan yahay inay waxyaabo kale oo fara badan u sameeyaan dadka naafada ah, si ay noloshooda heer sare u sii gaarsiiyaan.










