Gabadha qaadday quruxda adduunka ma waxay ku qurux badnaatay cunista kalluunka?

Hindiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kalluunku waa mid ka mid ah cunnooyinka ugu nafaqada badan. Waxaa naloo sheegaa inuu faa'iidooyin badan u leeyahay jirkeenna, balse wasiir ka tirsan dowladda Hindiya oo lagu magacaabo Vijaykumar Gavit ayaa ka dhawaajiyay arrin hadal-heyn badan ka dhalisay gudaha dalkaas.

Telefishinka TV 9 ee dalkaasi ayaa Gavit kasoo xigtay in kalluunku uu u fiican yahay indhaha iyo maqaarka.

Vijayakumar Gavit, ayaa isagoo dad munaasabad kasoo qeyb galay u sharraxaya faa'iidooyinka kalluunka ayaa wuxuu yiri, "Ma aragteen Aishwarya Rai? Maalin walba kalluun ayay cuni jirtay. Ma aragteen indhaheeda? Indhaha Aishwarya Rai way qurux badan yihiin sababtoo ah cunista maalin walba ee kalluunka."

Wuxuu intaa sii raaciyay, "Haddii aad cunto kalluun, haweenku waxay noqonayaan kuwo qurux badan, indhuhuna way qurux badnaanayaan. Qof walba oo eega wuu ku qancayaa. Maqaarkeennu sidoo kale wuu qurux badnaanayaa. Waxaa ku jirta nooc saliidda ka mid ah. Sababtoo ah saliiddaas, waxay saameysaa indhaha. Sababo la xiriira saliidda kalluunka, maqaarka wuu fiicnaanayaa."

Dabcan, weedha ah "Haddii aad cunto kalluunka, dumarku way qurxanaanayaan, indhuhuna way qurxanaanayaan. Qof walboo arkana wuu ku qancayaa," ma jiraan wax taageeraya.

Balse, cunidda kalluunka faa'iido ma leedahay?

Sida laga soo xigtay daraasad lagu daabacay Joornaalka Caafimaadka Gudaha, cunidda cunnada qaniga ku ah saliidda omega-3 fatty acids ayaa yareyn karta khatarta u dhimashada xanuunnada sida kansarka iyo kuwa wadnaha.

Philip Calder, oo ah madaxa Waaxda Horumarinta Bani'aadamka iyo Caafimaadka ee Jaamacadda Southampton ee dalka England, ayaa yiri, "Waxaan heynaa xog dadka ku saleysan oo muujineysa in omega-3s ku jirta kalluunka ay saameyso jirka. Dadka aadka u cuna khatar yar ayay ugu jiraan inay haleelaan una dhintaan xanuunnada sida kuwa wadnaha. "

BBC Laanta Marathi ayaa Dr. Anuja Vaidya oo ku takhasustay maqaarka wax ka weydiisay arrintan.

Waxay tiri, "Kalluunku ma aha waxa keliya ee la cuno si loo qurxiyo maqaarka. Cunnaddeenna ayaa sidoo kale gacan ka geysata inuu maqaarku noqdo mid dhalaalaya. Tusaale ahaan, dufanta laga helo kalluunka ayaa door weyn ka qaadan karta quruxda maqaarka, balse sidoo kale dawooyin kale ayaa jira."

Waxay intaa ku dartay, "Saliidda kalluunka way u fiican tahay maqaarka. Waxaa ku jira vitamin E, balse kaniiniyaashiisa ayaa laga helaa suuqa. Vitamin C waa u muhiim maqaar caafimaad qaba. Balse kalluunka wax badan kuma jiraan. Sababtaas, waa inaan waxyaabo kale raadinnaa. "

Haddii warka lasoo gaabiyo, keliya maaha kalluunka waxa loo cuno qurxinta iyo dhalaalinta maqaarka, balse waa run in waxyaabaha ku jira kalluunka ay door weyn ka qaataan arrintaas. Sida ay dhaqtaraddu sheegtay.

Indhaha ayuu u fiican yahay

kalluunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dufanka Omega-3 fatty acids waxay u fiican yihiin aragga iyo caafimaadka inshaha. Sida laga soo xigtay daraasad, cunista omega-3 fatty acids aad ayay muhiim ugu tahay maskaxda iyo indhaha. Xaddiga dufantan ayaa aad ugu badan kalluunka. Sidaas darteed, kalluunku wuu u fiican yahay aragga iyo caafimaadka.

Si aan arrintan wax badan uga ogaanno ayay BBC-du la xiriirtay dhaqtar ku takhasusay indhaha oo lagu magacaabo Dr. Tatya Rao Lahane.

Sida laga soo xigtay wuxuu yiri, "Kalluunka waxaa ku jira fitamiinno badan. Wuxuu faa'iido u leeyahay jirka. Kalluunka waxaa ku jira vitamin A. Sida vitamin A looga helo karootada, babaayga iyo digirta cagaaran, waxaa sidoo kale laga helaa kalluunka. Sidaa darteed, xaddiga badan ee vitamin A ee laga helo, indhaheennu way ka faa'iidaan. Faa'iido aan la dhayalsan karin baa ku jirta."

Balse cunista kalluunku ma waxay beddeshaa midabka indhaha? Su'aashan ayuu dhaqtarka kaga jawaabay "Cunista kalluunka ma beddesho midabka indhaha,".

Yaraanta vitamin A ayaa sababta inay indhuhu caad yeeshaan.

Kalluunku ma wuxuu kordhiyaa garaadka?

kalluunka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cyrus Raji, oo cilmiga neerfaha ka dhiga Jaamacadda Washington School of Medicine, ayaa yiri "Cufnaanta maskaxdeennu waxay isu beddeshaa caafimaadka oo hagaaga iyo xanuunka."

Baarayaasha ayaa eegay dhaqanka kalluun cunista iyagoo raajada MRI saaray ilaa 167 qof, oo celcelis ahaan ku jira da'da 70-meeyada.

Waxay kaddib ogaadeen in dadkii ka qeyb qaatay daraasaddan ee toddobaad walba cunay kalluun uu caafimaadkooda maskaxda ka fiicnaa dadka aan cunin kaluunka.

Gaar ahaan, waxaa aad u fiicnaa xusuustooda, waxbarashada iyo garaadkooda.

Kalluunka wuxuu u fiican yahay maskaxda, qaabab kala duwan.

"Tan waxxay la micno tahay in annagoo kalluunka ku darno cunnadeenna, waxaan ka hagaajineynaa caafimaadka maskaxdeenna iyo ka hortagga cudurrada sida Alzheimer's," ayuu yiri Raji.

Raji ayaa soo jeedinaya in dadka ku jira da'da 20-meeyada iyo 30-meeyada ay tahay inay ugu yaraan toddobaadkii cunaan kalluun si ay uga taxadaraan caafimaadka maskaxdooda.