Waa kuwee dalalka ilaa iyo haatan mamnuucay TikTok?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya ayaa mamnuucday TikTok, app-ka farriimaha lagu wadaago ee Telegram iyo barta online-ka ee 1XBet ee qamaarka lagu dheelo, si loo xaddido wararka been abuurka ah, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Soomaaliya.
"Wasiirka isgaarsiinta wuxuu amrayaa shirkadaha internet-ka inay joojiyaan aaladahan, oo argagixisada iyo kooxaha kale ay u adeegsadaan faafinta sawirrada naxdinta leh iyo been abuurka oo ay u gudbiyaan bulshada," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.
Xubno ka tirsan al-Shabaab ayaa la sheegay inay dhaqdhaqaaqooda kusoo wadaagaan baraha TikTok iyo Telegram.
Go'aanka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya maalmo kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in howlgalka milatari ee ka dhanka ah al-Shabaab looga gol leeyahay cirribtirka kooxdan shanta bilood ee soo socota.
TikTok, Telegram iyo 1XBet kama aysan jawaabin tallaabadan dowladda Soomaaliya.
Amarkan ayaa shikadaha ay heystaan inay fuliyaan ilaa 24-ka bishan.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dalalka kale ee mamnuucay
Marka laga soo tago Soomaaliya, waxaa jira dowlado kale oo iyaguna mamnuucay aaladdan iyagoo walaac ka qaba amniga xogta.
TikTok, oo ay maamusho shirkadda teknolojiyadda Shiinaha laga leeyahay ee Bytedance, ayaa ku taagan hadalkeeda ah inaysan xogta la wadaagin dowladda Shiinaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mareykanka
Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay arrintaas waxaana ka socday olole gebi ahaanba lagu mamnuucayo aaladdan.
Xubnaha Guddiga Sirdoonka ee Senate-ka Mareykanka ayaa sanadkii lasoo dhaafay dalbaday in baaritaan lagu sameeyo waxa ka jira in Tiktok loo adeegsado qaab barnaamij wax lagu basaaso.
Xubnaha ayaa waydiistay Waaxda Maaliyadda (FTC) in ay baarto in TikTok uu marin-habaabisay sharci-dejiyeyaasha, marka laga hadlayo arrinta ku saabsan awoodda ay shaqaalaha ByteDance u leeyihiin inay helaan oo gudaha u galaan xogta isticmaalayaasha Mareykanka.
ByteDance waa shirkadda isla leh Tiktok, waxaana laga leeyahay dalka Shiinaha.
Senetarrada ayaa warqadda uga codsaday Guddoomiyaha FTC, Lina Khan in baaritaan dheeri ah lagu sameeyo haddii TikTok laga yaabo inuu ka been sheegay markhaati-furkiisa Congress-ka ee ku saabsanaa sida uu u maamulo xogta isticmaaleyaasha.
Afghanistan
Ururka Taliban ee dalka Afghanistan ka taliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay mamnuucay aaladdan TikTok, waxayna sababta ku sheegeen in laga hortagayo in la marin habaabiyo dhalinyarada.
Australia
TikTok ayaa laga mamnuucay aaladaha dowladda federaalka Australia. Xeer-ilalaiyaha guud ee dalkaas Mark Dreyfus ayaa sheegay in go'aankan la gaaray kaddib markii la talin laga helay hay'adaha sirdoonka iyo ammaanka.
Belgium
Dalka Belgium ayaa si ku meel gaar ah uga mamnuucay TikTok aaladaha ay leedahay dowladda federaalka dalkaas, iyagoo go'aanka ku sababeeyay walaac laga qabo amniga online-ka iyo wararka been abuurka ah.
Raysal wasaaraha dalkaas Alexander de Croo ayaa sheegay in mamnuuciddan oo lix bilood ah lagu saleeyay digniinno dalka uga yimid waaxda adeegga ammaanka iyo xarunta amniga online-ka ee dalkaas.
Canada
Dalka Canada ayaa isna ku dhawaaqay in aadaladaha dowladdu aysan isticmaali karin barta TikTok, iyadoo sheegtay in khatar aan la aqbali karin ay ku leeyihiin amniga.
Shaqaalaha ayaa sidoo kale laga mamnuuci doonaa inay soo dejistaan aaladdan.
Denmark
Wasaaradda gaashaandhigga Denmark ayaa shaqaalaheeda ka mamnuucday in TikTok ay ku soo dejistaan telefannadooda shaqada, iyadoo amartay kuwa soo dejistay inay ka saaraan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in sababta mamnuucidda ay tahay arrimo dhanka ammaanka ah iyo sidoo kale inaan shaqada looga baahneyn aaladdan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Midowga Yurb
Shaqaalaha u shaqeeya Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu amray inay taleefannadooda iyo qalabka hay’addaas ka saaraan barnaamijka TikTok.
Guddiga ayaa sheegay inuu dhaqangelinayo tallaabada ah “ilaalinta xogta iyo in la kordhiyo ammaanka internetka”.
TikTok oo ay leedahay shirkadda ByteDance ee waddanka Shiinaha ayaa wajahday eedaymo ah in ay aruursato xogta dadka barnaamijkeeda isticmaala markaas kaddibna ay u gacan geliso dowladda Shiinaha.
Hase yeeshee, mas'uuliyiinta TikTok waxa ay ku adkaysanayaan in aanay u shaqeyn si ka duwan sida ay u shaqeeyaan baraha kale ee ay bulshadu ku wada xiriiraan.
Faransiiska
Faransiiska ayaa isticmaalka TikTok iyo baraha kale sida Twitter iyo Instagram ka mamnuucday aaladaha shaqaalaha dowladda sababo la xiriira dhanka ammaanka.
Dowladdu ma aysan carrabaabin app-yo gaar ah balse waxay sheegtay in go'aankan uu yimid kaddib markii dowladdu ay qaadday tallaabooyin ka dhan ah TikTok.
Hindiya
Dowladda Hindiya ayaa sanadkii 2020 dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka aaladda TikTok iyo barnaamijyo kale oo laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaas oo ay sheegtay in ay khatar ku yihiin dalkeeda.
War qoraal ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay "in barnaamijyadaas ay khatar ku yihiin madaxbanaanida dhuleed, sumcadda iyo ammaanka dalka Hindiya".
Guud ahaan waxaa dalkaas laga mamnuucay 59 barnaamij ama App, waxaana kamid ah Wechat.
Arrintan ayaa waxay daba joogta xiisadda sii xureysa ee u dhaxeysa labada dal, kuwaas oo isku haya muran dhanka xuduudda.

Xigashada Sawirka, Reuters
New Zealand
Xildhibaannada dalka New Zealand iyo shaqaalaha baarlamaanka dalkaas ayaa laga mamnuucay aaladdan inay kusoo dejistaan taleefannadooda shaqada.
Dowladda ayaa sheegtay in dadka doonaya inay hwolahooda dimuqraaddiga ah ku gutaan aaladdan si gaar ah loo eegi doono.
Norway
Baarlamaanka dalka Norway ayaa mamnuucday aaladda Tiktok in lagu soo dejisto telefoonnada dowladda, kaddib markii wasaaradda caddaaladda ay digniin soo saartay.
Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in TikTok aan laga oggoleyn qalabka dowladda isla markaana si degdeg ah looga saaro.
Pakistan
Dowladda Pakistan ayaa sanadkii 2020 si ku meel gaar ah dalkeeda uga mamnuucday aaladdan TikTok, iyadoo sababta ku sheegtay in lagu faafiyo waxyaabo aan maangal ahayn.
UK
Dowladda UK ayaa iyadana aaladdan TikTok ka mamnuucday telefoonnada ay isticmaalaan wasiirrada dowladda iyo shaqaalaha kale.
Sababta ayaa lagu sheegay tallaabo kahortag dhanka ammaanka ah.
Amarka dowladda ayaan quseynin telefoonnada gaarka loo leeyahay.













