Riyada oo lagu biyo-baxo ma calaamad ayay u tahay dhalmo la'aanta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka ninku riyoodo (biyo baxo) inta uu hurdada ku jiro, khubaradu waxay xaaladdan ku tilmaamaan "riyo baraarug leh" (lucid dream). Rag badan way ka welwelaan arrintan, iyaga oo u arka calaamad hore oo tusinaysa in shahwadoodu yar tahay ama xitaa ay noqon karaan madhalays.
Dhakhaatiirtu waxay sheegayaan in biya baxa intaad hurdo ay tahay arrin caadi ah oo mar walba dhacda.
Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay leedahay marka wiilku gaaro da'da qaangaarnimada, heerka hormoonka ragga ee testosterone ayaa kor u kaca, taasoo keenta inuu riyoodo, xilliga hurdada.
Maxey seynisyahannada iyo cilmi-baarayaashu ka yiraahdeen ragga habeenkii biya-baxa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmi-baaris ay sameeysay Jaamacadda Shu Yen ee Hong Kong oo cinwaankeedu yahay "Riyooyinka galmada, riyooyinka qoyan iyo biyo-baxa habeenkii" ayaa baaraysa sababta ay raggu ugu biyo-baxaan hurdada.
Boqolkiiba 80 dadka ka qaybgalay cilmi-baaristan waxay sheegeen in riyooyinka galmada ay sabab u ahaayeen biya-baxooda inta ay hurdaan.
Inkastoo la aaminsan yahay in dhalinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ay yihiin kuwa ugu badan ee riyooyinka la kulma, haddana cilmi-baaristu waxay ogaatay inay celcelis ahaan 9 jeer sannadkii ku riyoodaan arrimo la xiriira galmo khiyaali ah.
Cilmi-baaristu sidoo kale waxay muujinaysaa in inkastoo galmadu tahay qayb muhiim ah oo nolosha aadamaha ka mid ah, haddana aad bay ugu yar tahay inay ku soo muuqato riyooyinka.
"Jirka ninka si dabiici ah ayuu u soo saaraa shahwo. Xitaa haddii uusan ninku galmo sameyn ama si gaar ah isu taaban, shahwada la soo saaray waxay ka baxdaa jirka xilli uu hurdo. Arrintani waa caadi," ayuu yiri Dr. Kamaraj oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka galmada iyo taranka.
"Sida haweenka caadadu ugu dhacdo, ayaa raggana si dabiici ah ula kulmaan biya-baxa. Laakiin waxaa jira warar khaldan oo lala xiriiriyay awoodda ragga taasoo dhalisay faham khaldan oo badan," ayuu yiri Dr. John Bhupathi.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ragga biya-baxa madhalays ma noqon karaan?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee Daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Caafimaadka ee Tongji ee Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwada rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u biyo-baxa iyo shahwada rag caafimaadka qaba.
Xaaladdan, oo loo yaqaan biyo-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato biyo-bax, xitaa haddii hawsha si dhaqso ah loo qabto.
Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku talo galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay biyo-baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkoodu kacsanyahay iyaga oo hurda.
Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).
Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markaana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.
Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.
Maaddaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadaas lahaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.
Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awoodda ragga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lammaanayaashooda iyagoo adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayeen.
Daraasaddu sidoo kale waxay sheegtay in inkastoo tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.
Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku biyo-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro biyo-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaad hurdada ugu biyo-baxdaa?
Xididka shahwada ninka soo saara waxa lagu kaydiyaa xangulaha shahwada. Heerka uu shahwada u soo saaro wuu kala duwanyahay. Sida biyuhu uga soo daataan tuubada marka foostadu buuxsanto, ayey shahwadu uga timaaddaa ninka markuu buuxsamo," ayuu yiri John Bhupati.
Kamaraj wuxuu leeyahay shahwo ku timaadda intaad huruddo micnaheedu ma aha in aad qabto dhibaato.
"Inkastoo cilmi-baaris badan lagu sameeyay waxa sababa shahwada hurdada ku timaadda, haddana xaaladdan si buuxda looma fahmin. Waxay dhacdaa marka ninku ku riyoodo riyo galmo ah ama si lama filaan ah uu dareenkiisu u kaco. Ma jirto caddayn muujinaysa in tani ay hoos u dhigto awooddiisa galmo ama ay si taban u saameyso caafimaadkiisa galmada."
"Shahwo-baxa, ama hurdada lafteeda ayaa noqon karta sababta shahwadu u timaaddo. Tani asal ahaan waxay muujinaysaa in jirka banii'aadamku uu ku jiro xaalad caadi ah oo badqaba," ayuu yiri Kamaraj.













