Maxaad ka taqaan liiska 10-ka qoys ee ugu taajirsan adduunka

Reer Aala Sacuud

Xigashada Sawirka, House of Saud

Iyadoo aan loo eegin xaaladdaada dhaqaale, marka laga hadlayo dadka hodanka ah-ha ahaato xamaasad, xaasidnimo, ama nacayb - waxay noqon kartaa mid aad u xiiso badan, umana baahna cilmi baaris badan sida helitaanka xogtooda daymaha, wax iibsiga internetka, ama barashada dhaqaalaha.

Saamaynta qoysaska hodanka ah waxay ka tarjumaysaa dhaqan laga dambeeyo oo ah hodantinimada iyo qaninimada.

Kuwa ugu sarreeya jaranjarada hodantinimada waa dadka caanka ah sida ay dad badan u arkaan, waxaana lala socdaa awoodda ay u leeyihiin inay sii wadaan hodantinimada.

Haddaba halkan waxaan ku soo gudbinaynaa liiska 10ka qoys ee hantidooda ka sameeyay ganacsiyo kala duwan oo adduunka ah.

10. Qoyska reer Thompson

Qoyska reer Thompson waxay ka soo jeedaan Canada, waxaana hantidooda lagu qiyaasay $87.1, waxayna inta badan ka soo gashay lahaanshaha Thopson Reuters, oo ah shirkad ka shaqaysa warbaahinta iyo wararka.

Qoyskan ayaa bilaabay inay hanti sameeyan 1934, markii Roy Thompson uu saldhig idaacadeed ka bilaabay Ontario, Canada.

Si degdeg ah ayuu ugu balaariyey wargays, markii dambana wuxuu aasaasay shirkadda Thompson corporatin. Carruurtiisii ayaa Thompson kula shirkoobay Reuters 2008. Taa waxay gacan ka gaysatay abuuritaanka shirkadda ku xooggan xagga wararka ee caalamiga ah.

9. Qoyska reer Wertheimer

Qoyska Faransiiska ee reer Wertheimer hantidooda waxaa lagu qiyaasaa $88, waxaybna ka soo gashay inteeda badan lahaanshaha waxyaabaha la isku qurxiyo ee magacooda la yiraahdo Chanel.

Pierre Wertheimer wuxuu iskaashi la yeeshay Coco Chanel 1920-meeyadii si loo dhiso magac ganacsi ahaan xoog badan oo la yiraahdo Chanel.

Ma aysan rumaysnayn in magacaas uu noqon doono mid faashanka iyo xarraga kaalin hore ka gali doona.

Carruurtiisii, Alain iyo Gerard Wertheimer ayaa ilaa hadda leh oo maamula magacaas, kuwaasoo mansabka magacaas hayey ku dhawaad hal qarno ka dib.

8. Qoyska reer Ambani

Reer Ambani

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qoyska Ambani ee Hindiya ayaa leh hanti lagu qiyaasay $99.6 bilyan, taasoo ay ugu wacan tahay ka qayb qaadashada tamarta, isgaarsiinta iyo ganacsiyada tafaariiqda.

Dhirubhai Ambani wuxuu aasaasay Warshadaha Reliance 1958, isagoo ka bilaabay ganacsi yar oo dhar ah.

Laakin iyada oo laga miro dhalinayo hamiga xagga ballaarinta ayaa loo sii talaabay dhanaka kiimikada batroolka, isgaarsiinta, iyo tafaariiqda, waxayna shirkadda Reliance ku soo baxday inay tahay shirkadda ugu weyn ee gaarka loo leeyahay ee Hindiya.

Maanta, wiilashiisa Mukesh iyo Anil waxay sii wadeen dhaxalka, iyadoo Mukesh uu maamulo hantida qoyska.

Mukesh Ambani saamayntiisu way dhaafsiisan tahay hoggaanka shirkadda, maadaama uu ku nool yahay guri 27 dabaq ah, oo lagu tilmaamay guriga ugu qaalisan adduunka.

Caddayntan hodantinimada waxay muujinaysaa sumcadda qoyska Ambani iyo dhaxalka waara ee ku salaysan ganacsade nimada Dhirubhai ee dhinacyada ganacsiga iyo nolosha raaxada.

7. Qoyska reer Mars

Qoyska Mars ee ka soo jeeda Maraykanka, ayaa qiimaha hantidoodu dhan tahay $133.8 bilyan, oo ay ugu wacan tahay lahaanshaha Mars Inc., oo caan ku ah samaynta nacnaca iyo shukulaatada iyo sidoo kale alaabta daryeelka xayawaanka.

Frank Mars waxa uu ka bilaabay jikadiisa samaynta iyo iibinta nacnaca 1911kii.

Wiilkiisa, Forrest Mars Sr., ayaa markii dambe ikhtiraacay astaanta M&M, taasoo weli ah badeecad caan ka ah adduunka casriga ah. Wuxuu u sii balaariyay shirkadda si caalami ah.

In ka badan qarni ka dib, Mars Inc. ayaa weli ah shirkad si gaar ah loo leeyahay, qoyskuna waxay sii wadaan inay ku naaloodaan mid ka mid ah hantida ugu weyn adduunka ee bixinta adeegyada daryeelka cuntada iyo xoolaha.

6. Qoyska reer Aala Sacuud

Reer Aala Sacuud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska Aala Sacuud ee Sucuudiga ayaa lagu qiyaasay hantidooda 140 bilyan oo doolar, ka dib markii ay gacanta ku dhigeen hantida qoyska boqortooyada Sucuudiga ee saliidda, oo ay ku jirto Saudi Aramco, iyo maalgashiyo kale.

Boqortooyadii Aala Sacuud waxa la aas aasay qarnigii 18-aad waxaana dhisay Muxamed bin Sucuud. Si kastaba ha ahaatee, hantida faraha badan ee qoyska waxa lagu midoobay oo mid qoyska ka dhaxaysa noqotay xilligii Boqor Cabdulcasiis Ibnu Sucuud 1932kii.

Helitaanka kayd shidaal oo aad u badan sannadihii 1930-aadkii ayaa qoyska u horseeday in ay galaan barwaaqo aan hore loo arag, taas oo inteeda badan loo nisbeeyo Saudi Aramco.

Marka la eego heer shaqsi ahaaneed, dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman wuxuu leeyahay hanti qiimaheedu ka badan yahay 1 bilyan oo doolar.

Taajirnimadan dhinacyada badan leh ayaa xooga saaraysa siyaabaha kala duwan ee qoyska boqortooyada Sucuudigu ay u urursadeen hanti oo ay wali u koontaroolaan saamayntooda dhaqaale ee baaxadda leh.

5. Qoyska reer Koch

Qoyska Koch oo fadhigoodu yahay Maraykanka, ayaa lagu qiyaasaa hantidooda $148.5 bilyan iyada oo ay hantidaas ka soo gashay shirkadahooda Koch Industries.

Fred C. Koch wuxuu aasaasay xididada Koch Industries 1940. Waxay markii hore diiradda saareen ganacsiga sifaynta saliidda.

Wiilashiisa, Charles iyo David Koch, waxay galiyeen juhdi badan, maadaama ay shirkadda ballaariyeen oo ay ka dhigeen mid ka mid ah shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ugu waaweyn adduunka.

Hantida qoyska Koch maanta waa mid ka tarjumaysa tobanaan sano oo warshado balaarinta tamarta ilaa wax soo saarka.

Charles Koch hantidiisu waxa ay ka timid ganacsigii shidaalka ee uu aabbihii aasaasay, balse maanta waxa uu caan ku yahay oo dadweynuhu ku yaqaanaan dhanka siyaasadda, isaga oo inta badan lacagtiisa ku maalgeliyay murashaxiinta iyo aqoonyahannada, gaar ahaan macallimiinta jaamacadaha, iyo in uu saamayn ku yeesho mansabyada siyaasadda, kuwaas oo dhammaantood ujeeddadoodu tahay horumarinta ajande muxaafid ah.

4. Qoyska reer Hermès

Hantida qoyska Hermèz (Dumas) oo lagu qiyaasay $170.6 Bilyan waxay ka timid dukaamada waaweynee lagu iibiyo waxyaabaha lagu xarragooda ee Hermès ee ku yaalla Faransiiska.

Xilligii ganacsiga reer Hermès uu billowga ahaa ayaa ku beegnayd 1837.

Thierry Hermès wuxuu bilaabay geeddigiisa ganacsi isagoo ka furay dukaan lagu iibiyo waxyaabaha la isku qurxiyo magaalada Paris. Muddo laba qarni ka badan, Hermès waxa ay u xuubsiibtay calaamad caalami ah oo ah qaabka raaxada iyo farsamaynta tayada sare leh.

Laanta Dumas ee qoysku waxay sii wadeen inay si adag u koontaroolaan wax soo saarka, iyagoo hubinaya kala duwanaanshaha astaanta iyo guusha weyn.

Qoyska Hermès ayaa saami weyn ku leh shirkadda, iyadoo ku dhawaad 80% saamiyada ay wali leeyihiin xubnaha qoysku.

Qoyska ayaa dhaqan ahaan door muhiim ah ku lahaa maamulka Hermès, iyada oo xubno kala duwan oo qoyskah ay hayaan jagooyin hoggaamineed.

3. Qoyska reer Al Thani

Qoyska maamula Qatar

Xigashada Sawirka, MEO

Qoyska reer Qatar ee Al Thani ayaa kaalinta saddexaad ku jira oo haysta hanti lagu qiyaasay $172.9 bilyan, taas oo ka timid maamulkooda hantida gaaska dabiiciga ah ee qoyska boqortooyada Qatar iyo maalgelinta.

Qoyskan ayaa ka soo jeeda qabiilka Tamiim, kuwaas oo beri ka soo haajiray badhtamaha Carabta una guuray jasiiradda Qatar.

Qoyskan boqortooyada ayaa Qatar xukumayey tan iyo bartamihii qarnigii 19-aad. Sheikh Mohammed bin Thani wuxuu noqday hogaamiyihii ugu horeeyay 1868.

Hantidooda ayaa sii korortay qarnigii 20-aad ka dib markii si weyn loo soo saaray gaaska dabiiciga ah iyo kaydka saliida ee Qatar, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah qoysaska ugu qanisan boqortooyada maanta, taas oo u muuqata inay tahay waddo la mid ah qaar badan oo ka mid ah qoysaska Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

2. Qoyska reer Aala Nahyan

Qoyska Aala Nahyan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska Aala Nahyan waa qoyska ka taliya Imaarada Abu Dhabi waana mid ka mid ah lixda qoys ee maamula Imaaraadka Carabta.

Waa jilibka la yiraahdo Al Falahi, oo ah jufo ka tirsan qabiilka Bani Yas, waxayna xiriir dhow la leeyihiin qoyska Al Maktoum ee ka taliya Dubai.

Qoyska Aala Nahyan ee ka soo jeeda Imaaraadka Carabta ayaa lagu qiyaasaa hantidooda $323.9 bilyan oo doolar, taasoo ka timid gacan ku haynta saliidda iyo hantida maalgashiga ee qoyska boqortooyada Abu Dhabi.

Abu Dhabi oo ka mid ah toddobada imaaradood ee uu ka kooban yahay Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa u taagan sidii caasimadda dalka, waxaana ay haysataa qayb weyn oo ka mid ah kaydka shidaalka.

Muddo tobanaan sano ah qoyska Aala Nahyan ayaa xukumayay dhulka hadda loo yaqaanno Imaaraadka Carabta, ka hor xilligii isbeddelka ee uu keenay kobcinta saliidda, taas oo wax ka beddeshay dhaqaalaha iyo hantida qoyska boqortooyada.

Qoyska Aala Nahyan waa qayb ka mid ah boqortooyada Abu Dhabi, oo leh xididdo soo jireen qarniyo.

U guuritaankoodii hantida casriga ah waxay soo shaac baxday qarnigii 20aad markii shidaal laga helay Imaaraadka sannadihii 1950-aadkii.

Waxay diiradda saareen sidii loo dhisi lahaa faylal maalgashi oo caalami ah iyagoo ilaalinaya abtirkooda boqortooyada iyo xukunka Abu Dhabi isku mar.

1.Qoyska reer Walton

Qoyska Walton waxa ay caan ku yihiin lahaanshaha dukaanka jumlada ee Walmart – oo ah kan tafaariiqda ee ugu weyn adduunka.

Waxaa lagu tiriyaa qoyska ugu qanisan adduunka marka loo eego saamiga weyn ee ay ku leeyihiin dukaanka Walmart, iyadoo hantidooda guud lagu qiyaasay $432.4 bilyan.

Hantida qoysku waxay asal ahaan ka soo jeedaan guusha dukaanka Walmart, waxayna ku faaftay ganacsiyo kala duwan iyo dadaallo samafal ah.

Waxay ka soo farcameen xubnaha qoyska Sam Walton, oo ahaa aasaasihii, iyo walaalkiis Bud Walton, oo wax ka aasaasay Walmart 1962.

Meheraddani waxay ka bilaabatay hal dukaan oo ku yaallay Arkansas.

Tobannaankii sano ee la soo dhaafay, Walmart waxa ay ballaarisay ganacsigeea si ay u noqoto silsiladda tafaariiqda ugu weyn ee adduunka oo ku taal adduunka ku dhawaad magaalo kasta.