Maxaad ka taqaan afarta bilyaneer ee xoolahoodu ka badan yihiin kala bar hantida Afrika

Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images

Afartan maalqabeen ee Afrikaanka ah ayaa haysta celcelis ahaan hanti gaaraysa 57.4 Bilyan marka la barbar dhigo hantida Afrikaanka kale oo ah 750 milyan oo qof.

Tani waxay u muuqan kartaa wax lala yaabo, laakiin waa xaqiiqo ay daaha ka qaadday warbixin ay daabacday Oxfam bishii Luulyo 2025.

Isu geyntan xad-dhaafka ah ee qaninimada waa natiijada qaab-dhaqaale oo aan sinnayn oo u janjeerta dhinaca dadka ugu qanisan, iyada oo aan loo eegin adeegyada guud iyo la dagaallanka faqriga.

Oxfam waxay ku baaqaysaa in la abuuro nidaam cashuureed oo cadaalad ah si loo dhimo sinnaan la'aanta loona maalgeliyo waxbarashada, daryeelka caafimaadka, iyo biyaha la cabo.

Laakinse waa kuwee afartan bilyaneer ee Afrikaanka ah, ee ka taajirsan hal bilyan oo qof, sideese ku heleen hantidooda?

Qaninimada iyo sinaan la'aanta

"Ma ahan in Afrika ay hanti la'aan tahay, dhibaatadu waa nidaam jabay oo awood u siinaya in qaar ka mid ah ay urursadaan hanti aad u badan iyada oo malaayiin qof loo diidayo adeegyada ugu muhiimsan. Tani maahan wax iska yimid. Waa fashil siyaasadeed, waana in wax walba isbedelaan," ayay tiri Fati N'Zi-Hassane, Agaasimaha Afrika ee Oxfam.

Sida laga soo xigtay Oxfam, uruursiga hantida ee gacanta dad yar ayaa ah natiijo toos ah oo ka timid qaab-dhaqaale oo aan sinnayn, kaas oo faa'iido u leh kuwa ugu qanisan iyada oo loo marayo nidaamyada canshuuraha ee u janjeera ganacsiga iyo maalqabeenada.

"Oxfam waxay adkaynaysaa in sinaan la'aanta xad-dhaafka ahi ay khatar ku tahay dimuqraadiyadda, ay caqabad ku noqoto yareynta saboolnimada iyo koboca dhaqaale, ay sii xumayso dhibaatada cimilada, ay kordhiso tacaddiga ku saleysan jinsiga, isla markaana ay horseedi karto in dadka caadiga ah laga hayo xuquuqdooda aasaasiga ah iyo sharaftooda."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Milyaneerada hantidooda waxay inta badan ka helaan qaybaha sida macdanta, sibirka, dhismaha, iyo ganacsiga beeraha—warshado tiknoolajiyad sare leh oo awood dhaqaale u leh inay si fudud u ururiyaan hantida.

Warbixinteeda sanadki 2023 ee ku saabsan sinnaan la'aanta, Oxfam waxay ku soo gebogebeysay: "Bilyineer kastaa wuxuu muujinayaa fashilka nidaamka siyaasadeed. Iyadoo bilyaneeradu ay tarmaan oo diiwaan galiyaan faa'iidooyinka, halka dadka intooda badan ay la kulmaan xaalado adag, saboolnimada sii kordheysa, iyo kor u kaca qiimaha nolosha, waxay caddayn u tahay nidaam dhaqaale oo wiiqaya bani'aadamnimada."

Sinaan la'aantan ayaa sababtay in dalal badan ay canshuur ku soo rogaan hantida iyaga oo ka jaraya dakhliga.

Sida laga soo xgtay majaladda Forbes bilowgii sannadka, afarta bilyaneer ee ugu taajirsan Afrika waa Aliko Dangote oo ka soo jeeda Nigeria, kaas oo leh warshado ay ka mid yihiin tan sibidhka, sonkorta, bacriminta, iyo saliidda, Johann Rupert iyo Nicky Oppenheimer oo u dhashay Koonfur Afrika , kwuaas oo leh warshadaha alaabta raaxada iyo dahabka iyo Nassef Sawiris udhashay dalka Masar kaas oo leh warshadaha dhismaha iyo wax soo saarka.

Aliko Dangote

Bilyaneer Dangote

Xigashada Sawirka, Getty Images

Aliko Dangote waa ganacsade reer Nayjeeriya ah waxa uu ku dhashay magaalada Kano, ee dalka Nigeria, Bishii April sanadkii 1957-kii. Waxa loo tixgeliyaa mid ka mid ah ganacsatada ugu waa weyn Afrika.

Wuxuu haystaa lacag dhan 23.3 bilyan oo dollar. Waa aasaasaha iyo guddoomiyaha kooxda Dangote, oo ah shirkad weyn oo warshadeed, waxaa si joogto ah loogu qiimeeyaa qofka ugu qanisan qaaradda.

Aliko Dangote waa magac caan ka ah dhowr qaybood oo ganacsi: sibirka, sonkorta, milixda, burka, baastada, bacriminta, saliidda iyo gaasta.

Qoyskiisu waxay horey ugu lug lahaayeen ganacsiga beeraha ee dibadda, laakiin Dangote wuxuu awooday inuu beddelo dhaxalkan isagoo dhisay boqortooyo warshadeed.

Sanadkii 1977, isagoo 20 jir ah, ka dib markii uu amaah ka helay adeerkiisa, Dangote wuxuu bilaabay ganacsi yar oo raashinka ah magaalada Lagos. Wuxuu soo dhoofsaday bariis, sonkor, iyo sibir ama shamiito si uu ugu iibiyo Nigeria.

Ka dib markii uu ogaaday in ganacsiga ku saleysan soo dejinta kaliya uu si tartiib ah u kobcayo, 1990-meeyadii iyo 2000, Dangote wuxuu go'aansaday inuu maalgeliyo wax-soo-saarka gudaha si uu u xakameeyo faa'iidada, isagoo sameeyay:

  • Dhismaha warshadaha sonkorta iyo milixda;
  • Dhismaha mishiinada burka lagu shido
  • Daah-furka sibirka Dangote, oo noqonaya soo-saarka sibirka ama shamiitada ugu wayn Afrika

Istaraatiijiyaddan wax-soo-saarka gudaha halkii uu wax keensan lahaa dibadda waxay u sahashay inuu dhimo kharashaadka, korn u qaado halbeeggiisa iyo inuu ka taliyo suuqa.

Tan iyo sanadkii 2010-kii, Dangote waxa uu hawlihiisa ku ballaariyey qaybo istiraatijiyadeed oo cusub oo ay ka mid tahay wershadaZa saliidda ee ugu weyn adduunka, sanadkii 2023, wuxuu bilaabay soosaarka bacriminta, maalgashiga beeraha iyo gaadiidka.

Waxaana ganacsigiisa Dangote uu ka asaasay meel ka baxsan Nigeria isagoo ka hirgaliyey warshado Sibir ama Shamiito dalalka Senegal, Ethiopia, Tanzania, South Africa.

Johann Rupert

Bilyaneer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Johann Rupert waa ganacsade Koonfur Afrikaan ah, wuxuu ku dhashay magaalada Stellenbosch ee dalka Koonfur Afrika Bishii June sanadkii 1950-kii.

Ninkan ayaa haysta lacag dhan 14.2 bilyan oo dollar.

Waxaa uu caan ku yahay inuu yahay madaxda Richemont Group, oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn shirkada alabata raaxada.

Johann Rupert waa wiilka Anton Rupert, oo ah warshadle Koonfur Afrikaan ah oo aasaasay Rembrandt Group ka dib Remgro, shirkad markii hore diiradda saartay tubaakada ka hor inta aysan u wareegin ganacsiyo kala duwan.

Sanadkii 1988, Johann Rupert wuxuu dalka Switzerland ka aasaasay shirkadda Richemont, taasoo ku dhisneyd hantidii caalamiga ahayd ee shirkadda Rembrandt.

Sida laga soo xigtay Forbes (2025), Johann Rupert ayaa si joogto ah loogu qiimeeyaa mid ka mid ah ragga ugu qanisan Afrika, iyada oo hantidiisa lagu qiyaasay ilaa 15 bilyan.

Nicky Oppenheimer

Bilayaneer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nicky Oppenheimer, waxa uu dhashay June 8, 1945, waa bilyaneer u dhashay Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu caansan warshadaha dheemanka.

Bilyaneerkan ayaa hantidiisa lagu sheegay 10.2 bilyan oo dollar.

Isagu waa dhaxalka jiilka saddexaad ee qoyska Oppenheimer, kaasoo hantidiisu inta badan ku dhisanayd shirkadda De Beers — oo ka mid ah shirkadaha dheemanka ugu waaweyn dunida — iyo shirkadda Anglo American, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqeysa macdanta.

Sanadkii 2012, wuxuu qaaday go'aan taariikhi ah isagoo iibiyay saamigii 40% ee qoyskiisu ku lahaayeen shirkadda De Beers, una wareejiyay shirkadda Anglo American qiyaastii $5.1 bilyan, taasoo calaamad u noqotay dhammaadka boqol sano oo qoyska Oppenheimer ay maamulayeen boqortooyada dheemanka.

Inkastoo uu howlgab ka noqday De Beers, Mr. Oppenheimer ayaa weli ah shakhsi caan ka ah ganacsiga adduunka.

Waxa kale oo uu si qoto dheer ugu lug leeyahay dadaallada samafalka, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ilaalinta, iyo dhaqaalaha bulshada.

Nassef Sawiris

Bilyaneer

Xigashada Sawirka, Getty Images

Nassef Sawiris, waxa uu dhashay January 19, 1961, waa bilyaneer u dhashay dalka Masar oo ganacsade ah, waana mid ka mid ah dadka ugu qanisan Afrika iyo Carabta.

Waa kan ugu yar ee carruurta uu dhalay Onsi Sawiris, aasaasaha kooxda ganacsi ee weyn ee Orascom.

Nassef, wuxuu dhaqaalaha ka bartay jamacada Chicago, wuxuu ka soo jeeda qoyska Sawiris , mid ka mida qoysaska ugu weyn ee ganacsiga Masar.

Waxaa ku jiraa liiska qof ka mida kuwa ugu taajirsan Masar, qaarada Afrika iyo dunida Carabta.

Wuxuu si shaqsi ah ugu deeqay 20 milyan Jaamacadda Chicago ,halkaas oo uu ka qalin jabiyay, si loogu maalgeliyo deeqo waxbarasho oo loogu talagalay ardayda Masaarida ah.