Maxay tahay sababta ay FBI-da ugu dartay safiirka Iran u fadhiya Pakistan liiska dadka aadka loo raadinayo

Xigashada Sawirka, X/@IraninIslamabad
Hay'adda Mareykanka dambi barista Maraykanka ee FBI ayaa liiska "Dadka aadka loo doondoonayo" ku dartay Reza Amiri-Moghaddam oo ah safiirka Iran u fadhiya Pakistan iyo labo qof oo kale oo u dhashay Iran.
Qoraal ay soo saartay FBI-da ayaa lagu sheegay in Reza Amiri Moghadam iyo laba qof oo kale, Taghi Daneshvar iyo Gholam Hossein Mohammadnia, ay door ku lahaayeen afduubka Robert A. "Bob" Levinson, oo ahaa wakiilka gaarka ah ee FBI-da, bishii Maarso 2007.
FBI-da ayaa ku dhawaaqday in Bob Levinson laga waayay jasiiradda Kish ee dalka Iran 9-kii bishii Maarso ee sanadkii 2007-dii.
Saraakiisha Iran ayaan ka hadlin arrintan. Laanta Urduuga ee BBC ayaa la xiriirtay safaaradda Iran ee Pakistan si ay jawaab rasmi ah uga bixiso, balse wali wax jawaab ah kamaysan helin.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan Shafqat Ali Khan oo u jawaabayay wargeyska Dawn ee dalkaasi ka soo baxa ayaa yidhi: "Marka laga hadlayo Pakistan, waxa ay ixtiraamaysaa safiirka Iran doorka uu ku leeyahay horumarinta xidhiidhka labada dal".
FBI-da ayaa sii daysay boorar ay ku xardhan yihiin saddexdan shaqsi, iyadoo ku dhawaaqday in hay'addu ay baaritaanno ku sameyneyso saraakiisha Iran doorka suurtagalka ah ee ay ku lahaayeen afduubka sarkaalka shaqada ka fariistay, iyo isku dayga dowladda Iran ay ku dooneyso inay falkan u nisbeyso shaqsiyaad ama hay'ado kale.
FBI-da ayaa sheegtay in Reza Amiri Moghadam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ay yihiin sirdoonka Iran.
"Saddexdan shaqsi waxay ka mid yihiin sirdoonadii ku lug lahaa afduubkii Bob Levinson ee 2007-dii iyo sidii ay dowladda Iran uga caawinayeen sidii ay u qarin lahaayeen falkaas," ayuu yiri Steven Jens, oo ah agaasime ku xigeenka xafiiska FBI-da ee Washington.
Waxa uu sidoo kale ku daray: "Bob Levinson waxay u badan tahay inuu ku dhintay meel ka fog qoyskiisa iyo asxaabtiisa."
Waxa uu carabka ku adkeeyay in FBI-da ay sii wadi doonto baacsiga dadka ku lugta leh kiiskan.
Sida laga soo xigtay FBI-da, abaal-marin lacageed oo dhan 50 milyan oo dollar ayey dawladda Maraykanku siinayaysaa ciddii keenta xog horseedda halka uu ku sugan yahay, ayadoo sii daynta Bob Levinson ay weli sii soconayso.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ururku uu dalbanayo su'aalo weydiinta Reza Amiri Moghadam, Taghi Daneshvar, iyo Gholam Hossein Mohammadnia ee la xiriira kiiskan.

Xigashada Sawirka, FBI/YOUTUBE
Maxay FBI-du ka tiri Reza Amiri
Reza Amiri Moghadam ayaa si rasmi ah u bilaabay shaqadiisa safiirka Iran ee Pakistan bishii Luulyo 2023.
Macluumaad badan oo isaga ku saabsan lagama hayo bogga rasmiga ah ee safaaradda Iran ee Pakistan. Sida xogta aan kuhelayno safiirka Iran u fadhiya Pakistan waxa uu dhashay sanadkii 1961,waxaana uu shahaadada PhD ka haystaa xidhiidhka caalamiga ah.
Sida laga soo xigtay isla mareegta, marka laga soo tago inuu safiir ka ahaa Islamabad, wuxuu sidoo kale soo noqday ku xigeenka arrimaha dibadda iyo siyaasadda caalamiga ah ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran.
Si kastaba ha ahaatee, FBI-du waxay ku andacoonaysaa in Reza Amiri Moghadam uu hore u madax uga ahaa waaxda hawlgallada ee wasaaradda sirdoonka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.
Bayaanka ayaa lagu yiri: "Mudadii uu Moghadam xilkan hore u hayay, saraakiisha sirdoonka ee Yurub ayaa si toos ah uga warbixiyey isaga."
Yaa kale oo ku jira liiska dadka aadka loo raadinayo

Xigashada Sawirka, X/@GovtofPakistan
Sida lagu sheegay bayaanka FBI-da, Taghi Daneshvar, oo sidoo kale loo yaqaan Seyed Taghi, waa sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka Iran, wuxuuna ka qayb qaatay hawlgallada "la-dagaalanka argagixisada".
Sheegashada mac-hadkan Maraykanka ah ayaa tilmaamaysa in xilligii Bob Levinson la waayay, in qof lagu magacaabo Mohammad Sinai (sidoo kale loo yaqaan Mohammad Basiri) uu ka shaqaynayey kormeerka Taqi Daneshvar.
Qofka saddexaad ee ku jira liiska FBI-da ee sida aadka ah loo doon doonayo waa Gholam Hossein Mohammadnia.
Gholam Hossein Mohammadnia, oo hore u ahaan jiray danjiraha Iran ee Albania, iyo diblomaasi kale oo Irani ah ayay dawladda Albania ka cayrisay dalka sababo la xidhiidha "in uu khatar ku yahay amniga qaranka".
Waqtigaas, Iran waxay sheegtay in tallaabadan ay ku timid cadaadis ka yimid Mareykanka iyo Israa'iil.
Muxuu Iiraan ka samaynayey sarkaal hore oo FBI hawlgab ka noqday

Xigashada Sawirka, FBI
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida lagu sheegay xog lagu daabacay website-ka FBI-da, Robert A. "Bob" Levinson, oo ah shaqaale dawladeed oo Maraykan ah oo shaqada ka fadhiistay, waxa uu u shaqaynayey Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka muddo 28 sano ah, muddadaas oo uu sidoo kale la shaqaynayey FBI-da iyo maamulka la-dagaallanka maandooriyaha.
Wuxuu ka fariistay FBI-da 1998-dii ka dibna wuxuu ahaa nin si madax banaan baare u ahaa.
Sida laga soo xigtay FBI-da, wuxuu u safray jasiiradda Kish Maarso 8, 2007, isagoo wakiil ka ah dhowr shirkadood oo waaweyn, mana jiro wax war ah oo ku saabsan halka uu ku dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, dawladda Maraykanka iyo FBI-da ayaan waligood si gaar ah u sheegin waxa Levinson uu samaynayey intii uu ku sugnaa Iran.
Si kastaba ha ahaatee, David Levinson, oo ah wiilka Bob, ayaa ku dhawaaqay in qoyskiisa ay heleen muuqaal aabihiis oo muujinaya isaga oo la haysto.
David iyo hooyadiis ayaa soo saaray fiidiyow ay ku boorinayaan dawladaha inay ka shaqeeyaan sidii loo sii dayn lahaa Bob, kaas oo sidoo kale uu ku jiro muuqaal Bob oo ku baryootamayo in la caawiyo.
Fariintan muuqaalka ah, Bob Levinson wuxuu leeyahay: "Waxaan ku jiray xabsi saddex sano iyo bar".
Wuxuu intaas ku daray: "Dowladda Mareykanka waa inay ka jawaabto dalabaadka kooxda i haysata".










