Idris Elba: Sababta aan u doonayo inaan u guuro Afrika

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaaga u dhashay dalka Britain dris Elba ayaa BBC u sheegay inuu u guuri doono Afrika tobanka sano ee soo socda tan oo qeyb ka ah qorshooyinkiisa uu ku caawinayo shirkadaha filimada ee qaaradda.
Xiddiggan 52 jirka ah oo kusoo caan-baxay musalsalka The Wire ayaa ka dambeeya mashaariic istuudiyo filin looga dhisayo jasiiradaha Tanzania ee Zanzibar iyo sidoo kale mid ku taalla caasimadda Ghana ee Accra.
Elba oo ku dhashay London, hooyadiisna ay kasoo jeeddo Ghana aabbihiisna Sierra Leone, ayaa wuxuu aad u jecel yahay Afrika.
Wuxuu doonayaa in xirfaddiisa uu dib u geliyo ganacsiga filimada wuxuuna sheegay inay muhiim tahay in Afrikaanku ay awood u yeeshaan inay sheegaan sheekooyinkooda.
"Waxaan tixgelin doonaa inaan halkan dego; xitaa ma aha tixgelin, way dhaceysaa," ayuu ku yiri wareysi ku saabsan looga qaaday Accra.
"Waxaan u maleynayaa [inaan guuri doono] shanta sano, 10-ka sano ee soo socda, hadduu Eebbe idmo. Waxaan halkan u joogaa inaan caawiyo shirkadaha filimada - taasi waa hannaan soconaya 10 sano - ma awoodi doono inaan sidaa sameeyo aniga oo dibadda jooga. Waxaan u baahanahay inaan dalka joogo, qaaradda joogo."
Balse sida uu u jecel yahay qaaradda darteed ma joogi doono hal meel oo keliya.
"Waxaan ku noolaan doonaa Accra, waxaan ku noolaan doonaa Freetown [caasimadda Sierra Leone], waxaan ku noolaan doonaa Zanzibar. Waxaan isku dayi doonaa inaan aado halka ay kusoo bandhigayaan sheekooyin - taasi dhabtii aad ayay muhiim u tahay."
Hal hadaf oo uu leeyahay waa inuu maalin filim ku sameeyo istuudiyihiisa ku yaalla Accra.
'Yeelo sheekooyinkan'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Elba, oo jilay doorka hoggaamiyihii Koofur Afrika Nelson Mandela sanadkii 2013, ayaa aaminsan inay Afrikaanka muhiim u tahay inay door weyn ka qaataan hannaanka filim sameynta oo dhan. Taasi waa kaamirada horteeda, kaamirada gadaasheeda iyo sidoo kale maalgelinta, qeybinta, suuq-geynta iyo bandhigga filinka oo diyaarsan.
Wuxuu sawiranayaa in sida dadka aflaanta daawada ee adduunka ay u yaqaannaan kala duwanaanshaha u dhaxeeya magaalooyinka Mareykanka ee New York iyo Los Angeles iyagoo aan weligood booqan, ay maalin uun aragti ka heysan doonaan qaaradda.
"Waaxdan waa awood jilicsan, keliya maaha gudaha Ghana balse gudaha Afrika.
"Haddii aad daawato filim walba amaba wax walba oo Afrika ku saabsan, kulli waxaad arkeyso waa tiiraanyo, sida aan addoomo u ahayn, sida naloo gumeystay, iyo dagaal marka aad Afrika timaaddana, waxaad xaqiiqsaneysaa inaysan taasi run ahayn.
"Marka, dhabtii waa muhiim inaan yeelanno sheekooyinkan dhaqankeenna, luqaddeenna iyo kuwa kale. Dunidu taasi ma oga."
Iyadoo Nollywood-ka Nigeria ay sanad walba soo saarto boqollaal filin, aflaantu waxaa loo arkaa inay ka mid yihiin waxyaabaha lagu guuleystay ee dalkaasi uu dunida u dhoofiyo. Sidoo kale waxaa jira dhaqan, gaar ahaan qeybo ka mid ah dalalka Faransiiska looga hadlo, kuwaasoo ku saabsan sameynta filimo tayadoodu sarreyso.
Elba ayaa hore u aqoonsaday hibada filim sameynta ee Afrika, balse wuxuu sheegay inay la'yihiin waxyaabihii u suurto-gelinayay.
Warbixin sanadkii 2022 ay soo saartay Unesco ayaa taageeraya warka jilaaga.
Hay'adda dhaqanka ee QM ayaa sheegtay in inkastoo koboc uu ka jiro dhanka wax soo saarka, haddana ganacsiga filim sameynta ee qaaradda ay ku gadaaman yihiin arrimaha sida burcad-badeed, la'aanta fursado tababar iyo inaysan jirin machado rasmi ah oo filimaanta ah.
Elba ayaa aaminsan in haddii dowladuhu soo farageliyaan oo ay caawiyaan arrintan la suurtogelin karo.
"Waa inaan maalgashannaa sheegidda sheekooyinkeenna sababtoo ah marka aad i aragto, waxaad arkeysaa wax yar oo naftaada ah taas ayaana ina dhiirrigelineysa."













