Edris Elba ma wuxuu bartay af-Soomaaliga?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dhawaan bay ahayd markii barta baraha bulshada ee lagu magacaabo Titok uu ku baahay muuqaal uu jilaaga caanka ah ee filimada Hollywood-ka ee lagu magacaabo Idiris Elba uu ku hadlayey ereyo Afsoomaali ah.

Jilaaga caanka oo ay is qabaan gabadha asal ahaan Soomaaliyadda ah ee Sabriina Dhoorre ayaa la arkayey iyaga oo saaran mid ka mid ah gawaadhida yaryar ee loogu talagalay in ay u kala safraan masaafada gaaban, kuwaas oo badanaa lagu dalxiiso uu ku dhex isticmaalayo ereyo u muuqdo afsoomaali.

Waxaana muuqaalkan oo ku baahay baraha bulshada Soomaalida la arkayey gaadhigaas oo ay Saabriina odaygeeda ku waddo xilli uu isaguna isku deyeyo in uu jihooyinka ku tilmaamo Afsoomaali isaga oo weydiinaya weedha ah ‘Xaggee noo waddaa’.

Waxaana uu sii raacinaya isaga oo isaga jawaabaya su’aashiisaas weedhaha ah‘hore, midig mise bidix’ inkasta oo uu si gaar ah ‘midig iyo bidix’ uu u muuqdo in aanu karayn, isla mar ahaantaana ugu dhawaaqayo si ka duwan sida ay asal ahaan ahaayeen, haddana tilmaantiisa gacanta ee jihooyinka ayaa muujinaysa waxa uu jeedo.

Sabriina, ayaa falcelin qosol ah ku waajahaysa muuqaalka dhexdiisa isku deyada Ediris Elba. Waxaana dhanka falcelinta ay bilawgaba dadku qiyaasayaan in cidda keliya ee uu weedhahaa ka baran karaa ay tahay xaaskiisa.

Waxyaalaha xiisaha u sii yeelay ayaana ah in badanaa Sabriina lafteeda aan la arag iyada oo Afsoomaali ku hadlaysa, dad badanna ayba u haystaan in aanay aqoon maadaama ay ku dhalatay oo barbaartay waddan kale.

Sabriina ayaa 19890 – kii ku dhalatay waddanka Maraykanka gaar ahaan magaalada New york.

Waxaana ay ku caan baxday dhanka tartammada quruxda oo kuwo badan ku guulaystay, xilli sida oo kalena aad looga yaqaannay baraha bulshada, si gaar ah doorkeeda is qurxineed iyo u ololaynta caafimaadka maqaarka iyo hagaajintiisa.

Sannadkii 2020, ayay ahayd markii lammaanahani ay ku dhawaaqeen inay bilaabeen nooc qaab nololeed oo loo yaqaan Sable Labs. Mashruucii ugu horeeyay waxaa loo bixiyay Coupledom, waxaana ay baahiyeen muuqaal diirada lagu saaray sida ay tahay nolosha lamaanayaasha wadaaga hadafkooda iyo riyooyinkooda.

Lammaanahan ayaa sida oo kale danjireyaal u ah hay’adda Qaramada Midoobay ee maal galinta horumarka beeraha ayaa muddooyinkii danbe la arkayey doorkooda olole ee ‘la dagaallanka saboolnimada’.

Waxaana Sabriina intii ay xilkaa haysay booqotay Soomaaliya, iyada dhawr jeer fagaarayaal calami la arkayey iyada oo si weyn uga hadlaysa xaaladda abaareed iyo saboolnimo ee beeralayda Soomaalidu wejahayaan.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidii ay isku barteen?

Sabrina oo Soomaali ah ayey seygeeda Idris Elba isku barteen makhaayad ku taalla magaalada Vancouver ee dalka Canada, sanadkii 2017 kadibna waxaa dhexmaray xdhiidh jaceyl oo muddo socday, kaas oo ay iclaamiyeen sannadkii 2018.

Waxa ay bishii April ee sanadkii 2019 ku aqal-galeen magaalada qadiimiga ah ee Marrakesh oo ku taal dalka Morocco, arooskooda ayaana xilligaas dhaliyay hadal heyn aad u ballaaran oo ay Soomaalida uga fal celiyeen iyo adduunka kaleba.

Sawirada lammaanahan oo baraha bulshada qabsaday ayaa waxa ka falceliyey dumar badan oo sheegay inay tani ku tahay niyad jab maadamaa ay jeclaayeen ninkan oo lagu tilmaamay inuu yahay nin aad u sii jiita dumarka haddana uu noqday nin qoys leh.

Waxaana dhawr jeer uu ku guulaysatay billado lagu siinayey ‘ninka ugu shaxshaxda badan adduunka’.

Taariikhda Elba o kooban

.

Xigashada Sawirka, getty image

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Elba wuxuu ku dhashay magaalada London bishii September ee sanadkii 1972-kii.

Aabihiis oo geeriyooday wuxuu kusoo koray Sierra Leone, hooyadiisna waxay kasoo jeeddaa waddanka Ghana.

Sannadkii 2019 ayayna ahayd markii uu helay dhalashada dalka aabbihii ka soo jeeday ee Sierra Leone.

Isaga oo xilligii u guddoomayey na sheegay in muddooyinka danbe uu ka shaqaynayo sidii u hormarin lahaa waaxda aflaama ee Afrika.

Wargeyska People magazine ayaa sanadkii 2018-kii waxa uu Elba ku tilmaamay ninka ugu soo jiidashada badan caalamka.

Waxaa aad loogu ammaanaa sida cajiibka ah ee uu u jilo filimadiisa.

Horay wuxuu sidoo kale u matalay Nelson Mandela, mar uu ka qeyb qaadanayay filim looga hadlayay taariikhdii xornima doonka.

Elba waxaa kale oo uu atoore ama jilaaga koowaad ka noqday filimo dhowr ah oo ay sameysay shirkadda Netflix , sida: child soldiers, Beasts of No Nation oo lagu duubay waddanka Ghana.

Sidoo kale intii u dhaxeysay 2014 iyo 2016, ku dhawaad 4,000 oo qof ayaa ugu dhimatay cudurka Ebola oo ka dillaacay, kaasoo burbur xoog lehna u geystay dhaqaalaha dalkaas.