Idris Elba oo laga helay cudurka Corona

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa laga helay cudurka Coronavirus kaddib markii la baaray, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka.
Wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaana la karantiilay.
Elba oo muuqaal soo geliyay Twitter-ka xilli ay la joogtay xaaskiisa, Sabriina wuxuu sheegay in cudurka uu iska baaray markii uu Jimcihii la kulmay qof horey loogu arkay cudurka Corona.
Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina Dhawre aanan laga baarin cudurka , xaaladdeena ay wanaagsantahay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
" Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay feejignaadaan, " haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto..marka waa in aad wax iska qabataa"
Horraantii sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Idiris uu la aqal galay Sabrina Dhawre oo ah gabar Soomaaliyeed, arooskooda wuxuu ka dhacay Huteel ku yaalla dalka Morocco.










