Jilaa caan ah oo la aqal galay gabar Soomaaliyeed

Idiris Elba iyo Sabirin Dhawre

Xigashada Sawirka, SEAN THOMAS

Qoraalka sawirka, Idiris Elba iyo Sabirin Dhawre

Idiris iyo Sabrina Dhawre ayaa arooskoodu dhacay maalin ka hor. Arooska ayaa ka dhacay Huteelka Mandarian Hotel oo ku yaalla dalka Morocco.

Idiris Elba

Xigashada Sawirka, SEAN THOMAS

Qoraalka sawirka, Idiris Elba

Xafladda arooska marka ay dhaceysay, Sabrina Dhawre waxay soo xiratay dhar cad oo qoorta ka go'an oo ay caruusadaha xirtaan, Seygeedana wuxuu ku soo labbistay suud madoow shaar cad iyo taay madow isaga oo aad u dhoolla caddeynaya ayuuna ka qayb galay xafladdiisa arooska.

Xafladdooda arooska oo soconeysa seddex maalmood waxaa ka soo qayb galay saaxibbada iyo ehelada caruuska iyo caruusadda, xafladda arooska habeenka ka horreyeyna waxaa dhacday casha sharaf lagu qabtay Amanjena oo qayb ka ahayd xafladda arooskooda.

Maalinti shalayna wuxuu arooskooda ka dhacay Mandarin Oriental oo looga diyaariyey xaflad aaroos oo aad loo soo agaasimay.

Huteelka arooska uu ka dhacay

Xigashada Sawirka, Mandarin Oriental

Qoraalka sawirka, Huteelka arooska uu ka dhacay

Iyada oo meherkooda uu dhacay sanadki 2018-kii, 26-ka April ee sanadkaasina ku iclaamiyey huteelka Ksar Char Bagh ee ku yaalla Marrakesh iney isguursanayaan.

Goobta arooska uu ka dhacay

Xigashada Sawirka, Ksar Char Bag

Qoraalka sawirka, Goobta arooska uu ka dhacay
Idiris Elba iyo Sabrin Dhawre

Xigashada Sawirka, SEAN THOMAS

Qoraalka sawirka, Sawir ay wada galeen arooska ka hor

Haddaan dib u milicsanno waayaha Saabiriin iyo Idiris

Saabriin Dhawre waa 29 jir asalkeedu Soomaali yahay, laakinse ku dhalatay, kuna barbaartay waqooyiga Ameerika. Idris Elba-na waa 46 jir u dhashay dalka Britain.

Saabriin Dhawre

Xigashada Sawirka, Instagram

Qoraalka sawirka, Saabriin Dhawre

Waxay muddo wada noolaayeen, una alkuman tahay jilaaga caanka ag ee Britain u dhashay Idiris Elba.

Saabriin Dhawre iyo Idiris Elba

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Saabriin Dhawre iyo Idiris Elba

Mihnadda Saabriin waa jilaa iyo xayeysiinta dharka. Waxayna 2014-kii ay ku guulaysatay tartanka quruxda gobolka Vancouver ee dalka Canada.