Idris Elba oo soo jeediyey fikrad ay Soomaaliya uga bixi karto saboolnimda

Edris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre

Xigashada Sawirka, Reuters

Jilaaga caanka ah ee filimaanta Hollywood-ka, Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre ayaa Isniintii sameeyay soo jeedin ku saabsan in waddamada saboolka ah la siiyo taageero dheeraad ah lagana daayo macaawinada sida raashinka iyo waxyaabaha la midka ah, taas badalkeedana laga caawiyo dhanka maal gashiga.

Munaasabadda furitaanka kulanka sannadlaha ah ee Madasha Dhaqaalaha Aduunka, oo ka dhacday Hoteelka Mountain Resorts oo ku yaal dalka Switzerland ayaa Idris iyo xaaskiisaba lagu abaal mariyey shaqada ay ka qabteen ilaalinta deegaanka, la dagaalanka cunna yarida iyo isbeddalka cimilada.

Lammaanahan oo danjireyaal u ah hay’adda Qaramada Midoobay ee maal galinta horumarka beeraha ayaa ka codsaday dadkii munaasabadda kasoo qayb galay in caawinaad dhaqaale oo degdeg ah la gaarsiiyo dadka ay cunna yarida iyo isbaddelka cimiladu saameeyeen, sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Idris Elba ayaa khudbad uu goobtaas ka jeediyay ku yiri: "Waddamada saboolka ah ee aduunku uma baahna oo kali ah mucaawanaad iyo in gacanta wax yar loogu rido balse waxay raadinayaan maalgashi."

Idris Elba iyo xaaskiisa Sabrina Dhowre oo is eegaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Elba ayaa codsaday in dalalka saboolka ah loo sameeyo maalgelin ay uga baxaan faqriga.

Dhankeeda, xaaska Idris Elba, Sabrina Dhowre ayaa soo bandhigtay dhibaatooyinka dhanka cunnada ah ee ka jira Soomaaliya, Haiti, Sudan iyo wadamo kale, iyado si gaar ah diiradda u saartay dhibaatada heysata beeraleyda yar yar ee aan helin agabkii ay u baahnaayeen kuwaas oo saas ay tahay haddana soo saara saddex meelood meel ka mid ah cuntada aduunka.

Sabrina oo Soomaali ah ayey seygeeda Idris Elba isku barteen makhaayad ku taalla magaalada Vancouver ee dalka Canada, sanadkii 2017 kadibna waxaa dhexmaray xiriir jaceyl oo muddo socday.

Waxa ay bishii April ee sanadkii 2019 ku aqal-galeen magaalada qadiimiga ah ee Marrakesh oo ku taal dalka Morocco, arooskooda ayaana xilligaas dhaliyay hadal heyn aad u ballaaran oo ay Soomaalida uga fal celiyeen.

Taageerada ay Soomaaliya hesho

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Soomaaliya ayaa ka mid ah waddamada saxara Afrika ka hooseeya ee saboolka ah waxayna heshaa teegeero dhaqaale oo badanaa ku soo gaadha gargaar iyo taageero ay dawladdu ka hesho beesha caalamka iyo dalalka Soomaaliya daneeya.

Ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya ayaa weli ah isha adkeysiga iyo hal-abuurka cusub iyadoo xiriirka siyaasadeed ee Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas uu ka jiro isbeddel firanfircoon, oo leh fursado cusub oo Soomaaliya ay uga faa'iideysan karto u dhawaanshaha suuqyadan ganacsiga iyo isdhexgalka bulshada ee gobolka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waddankan ku yaalla geeska Afrika waxaa saameyn ka dhalatay amni xumo, xasillooni-darro iyo heerarka xagjirnimada rabshadaha wata.

In muddo ahba Soomaaliya ayaa ka mid ahayd waddamada isha goonida ah ay ku eegaan beesha caalamku, iyadoo dhibaatooyinkaas ay sii dheer yihiin abaaraha oo sidoo kale ay la qabaan dalalka kale ee gobolka.

Midowga Yurub waa mid ka mid ah taageerayaasha Soomaaliya, waxayna fuliyaan mashaariic dhowr ah oo ay ku bar tilmaameedsadaan dhinacyada kala duwan, sida; hagaajinta dowladnimada iyo ka hor tagga isku dhacyada, hagaajinta maamulka, xoojinta adkaysiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo fursadaha shaqada, sida ay ku qeexeen boggooda internet-ka.

Mashariicda uu Midowga Yurub ka fuliyo Soomaaliya sida uu sheegay ku baxa dhaqaale ka badan 3 boqol oo milyan oo euro sanadkiiba.

Dhanka kale Bangiga aduunka ayaa bishii Maarso ee sanadkii 2020 sheegay in Soomaaliya ay u qalantay hindisaha waddamada faqriga ah ee deymaha badan lagu leeyahay (HIPC) iyo dib u soo celinta helitaankeeda maalgelinta heshiisyada joogtada ah waxaana Soomaaliya u bilawday hanaanka deyn cafinta.

Waxaa laga cafiyey qaar ka mida deymaha ay ku lahaayeen Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), iyo Ururka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), taas oo hoos u dhigtay deynta Soomaaliya dibadda looga lahaa taas oo ka dagtay $5.3 bilyan ilaa $3.3 bilyan sanadkii 2021, oo u dhiganta 45% wax-soo-saarka guud ee gudaha, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.