Todobo qalad oo laga aaminsan yahay naasnuujinta, balse aan run ahayn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dunida oo dhan, Qaramada Midoobay waxay ugu baqayaan dadyawga in ay sameeyaan naas nuujinta. Baaqoodaan ayaa qayb ka ah olole sanadle ah oo ay sameeyaan, kuna aadan naasnuujinta.
Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, caruurta aan la nuujin naaska ayaa 14 jeer u dhaw in ay dhintaan inta aan la gaarin sanad guuradooda koobaad.
Qaramada Midoobay waxay ku baaqayaan in dhaqaale lagu siiyo hooyooyinka naasnuujinta, waqtiyo bareek ah laga siiyo shaqada iyo sidoo kale in loo diyaariyo goobo ku haboon naasnuujinta inta ay ku sugan yihiin shaqada.
Balse wali waxaa jira beena badan oo laga yaabo in ay haweenka ka hor istaagaan naasnuujinta. Laba khabiir ayaa waydiinay in ay noo sharraxaan qaar kamid ah beenaha faafiyay eek u aaddan arrintaan.
Catriona Waitt – oo ah barafaysor ku taqaqusay daawooyinka iyo caafimaadka dunida waxna ka bartay jaamacadda Liverpool iyo Alastair Sutcliffe oo ah barafaysar cudurada guud ee caruurta ah kana baxay jaamacadda London Academy ayaan wareysanay.
1: In ay dhaawacaan Ibta naasaha
Barafaysar Waitt: Way adagtahay in midaan laga jawaabo sababtoo ah waxaa wax caadi ah in xanuunyarla dareemo marka ilmuhu naasaha jaqaan. Balse naasnuujintu waa inaanay marwalba sababin xanuun daran. Hadii tani dhacdo waxay u badan tahay in dhibaato gooni ah ka jirto ibta ama cunugu uusan si fiican u nuugan ibta. Si walba in hooyooyinka cusub ay waxyar oo cuncun ah ka dareemaan ibta waa wax caadi ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
2: Ma sameyn kartid naasnuujin hadii aadan dhaqsi bilaabin.
Barafaysar Sutcliffe: Wax walba oo dhiirri galinaya in hooyadu sameyso naas nuujin waa ay u haboon yihiin caafimaadka bani’aadam ka heer walba. Wax walba oo macmal ah oo waqti ku xaniibaya habkii caadiga ahaa in naasnuujinta shaqo kuma laha sayniska. Balse waxaa jira faa’iidooyin badan oo naasnuujinta in dhaqso lagu bilaabo cunuga ay leedahay. Maalamaha ugu horeeya ee dhalmada jirka ban’iaadamku wuxuu sii daayaa borotiino aad qaas u ah laguna magacaabo colostrum.

Xigashada Sawirka, Getty Images
3: Daawo ma qaadan kartid hadii aad naasnuujin sameyneyso
Barafaysar Waitt: Tani waa su’aasha koobaad oo hooyo walba oo dinda ku nool is waydiiso. ‘Ma jirtaa daawo cunugeyga ku haboon?’ Runta ayaa ah in daawooyin badan ay cunuga ku gaaraan si qafiif ah. Hadii dhaqtar kuu sheego inaad u baahan tahay inaad daawo qaadato, waydii su’aalo, balse waxay u badan tahay in daawadu aynan dhib u keenayn cunuga.
Waxa cunugaagu u baahan yahay ayaa ah inuu helo hooyo caafimaad qabta. Daawooyinka badanaa loo isticmaalo infekshinka, niyad-jabka iyo xanuunada guud ayaa ah kuwa amaan ah.
Daawooyinka aan lagu wada karin naasnuujinta waa kuwa kooban oo yimaada xaalado gaar ah, sida daaweynta kansarka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
4:Waa inaad iska ilaaliso basbaaska ka hor inta aadan nuujin ubadka
Barafaysar Waitt: Ma jiraan wax aysan ahayn in la cuno inta aad sameyneyso naasnuujinta. Balse, natiijada caanaha ka imanaya naaskaaga waxay marwalba ku xirantahay waxa aad cunto. Mararka qaar cuntooyin gaar ah ayaa la cuni karaa. Tusaale ahaan hadii cabto cabitaan la shiiday sida oranjada oo kale, waxaad ogaaneysaa in cunugaagu uu caraysan yahay yahy.
Mararka qaar waxaad dareemi kartaa arrin cuntooyin uu cnnugaagu si ugu falcelinayo taas oo uu sabab u yahay waxa aad cuntay.Balse arrintaan ma jirto wax caafimaad ahaan dhibata keenta ama qalad ah oo ay tahay inaad ka fogaatid.

Xigashada Sawirka, Getty Images
5: Waa inaadan isticmaalin caano qasan
Barafaysar Waitt: Sidaas in hadalka loo dhigo maahan.Jirka haweeneydu wuxuu si aan cajiib ah awood ugu leeyahay inuu soo saaro caano ku filan cunuga. Marka uu cunugu jaqayo, waxa uu kiciyaa dheecaano soo saaraya caano ku filan. Sidaas daraadeed hadii aad nuujineyso ilmo yar, kuwa xoogaa wayn iyo mataanaba, jirkaagu waa ku filan yahay inuu quudiyo
Hadii aad dhibatao caano yaraan ah qabto, oo aad bilowda inaad ilmaha siiso caanaha qasan, waqti kooban waa lag ayaabaa inay ku caawiso, laakiin marwalba dhibataadaada ma xallin doonto. Balse waaba kaaga sii dari doontaa.
Dhanka kale hadii aad xanuunsato ama aad dareento inaad daal, cunugana aad markaas siiso caana qasan, micnaheedu maahan inaadan wali naasnuujintii sii wadi Karin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
6:Hadii aad xanuunsato waa inaad naasnuujin sameyn
Barafaysar Sutcliffe: Maya, taasi waa been. Xaaladda kaliya ee aadan cungaaga u nuujin Karin waa hadii qofku qabo xanuunka HIV+ ama cagaarshoowga. Labadaan fayris waxaa la isugu gudbin karaan dheecaan wadaagga, sidii marar badanba horay u dhacday
7: Cunto la qabsigu wuu ku adkaadaa cunuga hadii sanad ka badan naaska la nuujiyo.
Barafaysar Waitt: hay’adda Caafimaadka Adduunka waxay ku talisaa in lix bilood oo xiriir ah la sameeyo naasnuujinta, kadibna la sameey naasnuujin dhameystir ah adiga sii wadi doono naasnuujinta inta aad dooneyso. Ma jiro waqti gooni ahoo lagu taliyo in ilmaha naaska laga gooyo.













