Maalinta Naas-nuujinta: “Haddii aan horey u ogaan lahaa afartan arrimood”

Xigashada Sawirka, Getty Images
Laba maalmood ka dib markii uu canugeyga dhashay, waxaan iska waayay caano aan siiyo, waxaaan isla markiiba sameeyey dadaalo badan balse maalintii saddexaad waxaan booqday umulisada waxayna igu amartay inaan cisbitaalka tago maadama cunugga ay hayso gaajo xun.
Way adagtahay
Markii la ii ballamiyey dhakhtar ku taqasusay arrimahan waxaa iga yimid dhiig badan halkii ay caanaha soo bixi lahaayeen.
"Maxaa iga khaldan? Ma jirkeyga ayaa diidan hooyonimada? Ayaan isweydiiyay". Waxaan soo qaaday ilmahaygii yaraa oo aad u gaajeysan iskuna dayayo inuu caano iga helo.
Waxaan isweydiiyay haddii aad horey u ogaan lahayd in naas-nuujinta aysan ahayn wax si dabiici ah u yimaada. Waxaan ogaaday inaysan ahayn wax fudud ayna noqon karto xanuun.
Waa kelinimo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii uu jirkayga la qabsaday oo aan bilaabay inaan naas nuujiyo cunuggayga, waxaan ka war helay in jirkayga uu isbadelay waxaana waayay wakhti aan ku seexdo, balse marka aad tahay hooyo waxaa kaaga wanaagsan caafimaadka ilmahaada.
Waxaan jeclaan jiray inaan fadhiisto meelaha aysan dadka ka dhawayn, sababtoo ah kuma qanacsanayn meelaha ay dadka badan ka dhaw yihiin. Mararka qaar waxaan la kulmi jiray xaalad murugo iyo walbahaar leh.
Dareenka dambiilanimada ee aan kaa dhammaaneyn

Xigashada Sawirka, Getty Images
Markii ugu horreysay ee aan cunugayga cisbitaalka geeyey, wuxuu hurday muddo saacado ah, taasi waxa ay igelisay cabsi weyn.
Mar walba oo aan hurdada ka kiciyo, si aan u nuujiyo, waxaan dareemi jiray inaan dambiila ahay.
Waxaan jeclaan lahaa in aan horay u sii ogaado in dareenkan uusan ahayn mid dhamaanayo. Waxaan billaabay in aan arrinkan la qabsado.
Waxba kama qaban kartid balse waxaad dareemaysaa in aad tahay dambiile, waa masuuliyad waalidnimo ee ku saaran, balse ma ahan in aad tahay waaalid xun.
Caawimaad raadso

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa ugu muhiimsan waa in aad hesho wacyigelin ku saabsan naas-nuujinta, adiga oo la hadlayo dadka khubarada ah ee arrinkan ku taqasusay.
Haddii aan ogaan lahaa in aanan ahayn qofka kaliye ee wajahaya dhibaatooyiinkan naas-nuujinta, waxaan heli lahaa dhiiragelin badan.
Waxaan dib ka ogaaday inay muhiim tahay inaad caawimaad weydiisato marka aad dhibaatooyin wajahayso.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaar ayaa u arka in naas-nuujinta ay dhibaato badantahay balse taasi run ma'ahan.
Haddii aad qaadatid go'aan ah in aadan naas-nuujinin ilmahaaga, taas kaama dhigayso hooyo xun.










