Haweenay boolis ah oo naas nuujisay ilmo la soo tuuray

Archana haweenayda soo badbaadisay ilmaha
Qoraalka sawirka, Archana haweenayda soo badbaadisay ilmaha

Haweenay ka tirsan booliska gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa lagu ammaanay fal naxariis ah oo ay u sameysay ilmo yar ka dib markii ay naas nuujin u samaysay ayna badbaadisay.

"Waan u qaadan waayey" ayey tiri." waxaan dareemay inuu yahay ilmahayga oo kale"

Maamulka ayaa sheegay inuu soo wacay qof dukaan ku lahaa agagaarka dhismaha lagu soo tuuray ilmaha.

Ilmahan yar ayaa loogu magac daray " cunuga dowladda".

Haweenaydan oo lagu magacaabo Archana, ayaa BBC-da u sheegtay inay dhawanahan dhashay wiil ayna dareensantahay xanuunka ay leedahay arrintan.Asxaabteeda ayaa si weyn ugu ammaanay sida fudud oo ay ku badbaadisay nolosha ilmahan yar.

Sarkaal lagu magacaabo Nagesh R ayaa sheegay inuu ilmaha u qaaday isbitaal ku dhawaa goobta lagu tuuray cunuga.

Booliska ayaa ilmaha ka diwaangeliyey xarun lagu xanaaneeyo ilmaha hoy la'anta ama aan haysan waalid , iyagoo dacwad ka geeyey waalidkii ilmaha soo tuuray.