Maxay qaban doonaan diyaaradaha lagu soo bandhigay Hargeysa?

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Somaliland
Dad badan waxay u arkaan duuliyayaasha shaqadooda mid qurux badan oo mushaarkeedu badan yahay. Mararka qaar xaalka sidaa ma ahan. Xiligii aafada Corona, duuliyayaal bada waxay u qasbanaadeen in ay shaqooyin kale raadsadaan.
Barashada kaxeynta diyaaradaha waxaa loo maraa habab badan oo kala duwan. Tababarka duuliyenimada waxa uu ka kooban yahay waxyaabo badan.
Ka hor inta aadan bilaabin barashada duuliyenimada waxay duuiyayaashu maraan baaris caafimaad. Baarista caafimaad waxaa ku jira in la hubiyo caafimaadkaaga, maqalkaaga iyo aragga.
Machad cusub oo lagu baran doono cilmiga kaxaynta diyaaradaha ayaa shalay la dhagax dhigay magaalada Hargeysa, waxaana lagu soo bandhigay diyaarado noqonaya kuwa lagu tababaro duuliyayaasha.
Machadka duulista Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaaniada ee Somaliland ayaa afar diyaaradood oo nooca yar yar ah keenay dalka.
Qoraal la soo dhigay baraha bulshada waaxda duulista rayidka Somaliland ayaa lagu sheegay tirada diyaaradaha iyo waxa lagu qabanyo.
“Afar diyaaradood ayaan u keenay xarunta tababarka duulimaadyada Somaliland kuwaas oo lagu tababari doono duuliyayaasha mustaqbalka Somaliland si dalka iyo dadka uga faa’idaan”
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qeybqaatay tijaabada diyaaradaha markii ugu horeysay ee lagu duuliyo hawada Hargeysa. Wuxuu sheegay in diyaaradahan ay keeneen injineero Serbia u dhashay ay yihiin kuwa arday lagu tababarayo.
“Anigana waa ku faraxsanahay in aan noqday ardaygii ugu horeeyay ee tababarka bilaabay diyaarada maanta, aad ayaan ugu faraxsanahay”
Khubarada u dhashay Serbia ayaa ah duuliyayaal iyo tababarayaal baraya ardayada wax ku baran doonta dugsiga cusub ee diyaaradaha.
“Ardayda waxaa la barayaa duruus qaadaneysaa ilaa iyo 2 sano iyo bar oo marka ugu horeysa la barayo hawada”
Afartan diyaaradood ee yar yar ayaa la sheegay in ay muhiim u yihiin tababarka koowaad ee duuliyayaasha.
Diyaaradaha yar yar ee duuliyayaasha lagu tababaro waa kuwa loogu tallogalay in ay fududeeyaan tababarka. Waxay leeyihiin astaamo gaar ah sida kuwa dheeri ah oo loogu talogalay badqabka.
Sifooyinkaas ayaa u ogolaanaya duuliyayaasha in ay si badbaado leh u horumariyaan xirfadahooda duulista iyo hagidda diyaaradaha.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxay diyaaradahan yar yar muhiim ugu yihiin tababarada?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Duuliyayaasha diyaaradaha rakaabka inta badan waxaa lagu tababaraa kuwa fudud oo leh labo ama dhowr kursi si ay ugu fariistan macalinka tababaraya iyo ardaydiisa.
Inta badan kuraastaas waa kuwa isku dhinac yaal ama mararka qaar duuliyaha ayaa hore fadhiya halka ardayga uu barayana uu gadaal ka fariisto.
Diyaaradahan lagu tababarto waa kuwa si fudud lagu hagi karo maadama xajmigoodu yar yahay. Si fudud ayaa loo xukumi karaa mana ahan qiimahooda kuwa wax badan ku baxayaan.
Kharashka ku baxaya diyaaradaha waa weyn ma ahan mid sahlan sidaa darteed waxaa muhiim ah in waxbarashada loo isticmaalo noocyadan yar yar.
Inta badan diyaaradaha ma qaadan wax ka badan labo qof halkii mar, waana kuwa badqabkoodu sareeyo oo amman ah. Culeyskoodu kama badna 450kg ama 472.5kg.
Dad badan ayaa is weydiiya sababta keenta in diyaaradaha yar yar la riixo. Ma ahan kuwa yar yar oo kaliya xitaa kuwa waa weyn waa la jiidaa.
Inta badan diyaaradaha gadaal uma socon karaan sida gawaarida. Waxay u baahan yihiihn qalab lagu jiido hadii ay yihiin diyaaradaha waa weyn halka kuwa yar yarna ay dadka si caadi ah u riixaan.
Diyaaradaha looma sameyn in gadaal loo wado. Duuliyayaasha awood uma lahan in ay geliyaan hangarada diyaaradaha ama meelaha kale sida tarminaalka.













