Waxa ay Soomaalidu ka faa'iidayaan iskaashiga wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Malaysia ee uu sheegay safiirka cusub

Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho
Danjire Cali Maxamed Abuukar oo ah safiirka ay Soomaaliya dhawaan u magacawday dalka Malaysia ayaa waxaa shalay si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga danjirinimo uga guddoomay Boqorka Malaysia, Sultan Ibrahim, kaddib munaasabad ka dhacday dhismaha boqorka ee Istana Negara.
Boqorka ayaa sheegay in bog cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ah uu u furmay labada dal. Waxaa kale oo uu intaa ku daray inay sameyn doonaan iskaashi wax wadaag ah.
Waxa uu Danjire Cali Maxamed Abukar dhankiisa sheegay in uu ku dadaali doono sare u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia.
“Waxaan diiradda saari doonaa in xiriirka labada dal aan ka sii horumariyo halka uu maanta marayo,” ayuu yiri, isagoo rajo ka muujiyay in uu dhiso iskaashi xooggan oo guulo waaweyn laga gaaro.
Safiirka cusub ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya iyo Malaysia ay yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo badan taabanaya, si loo xoojiyo arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horreeyaan waxbarashada, horumarinta xirfadaha, ganacsiga, dhaqanka iyo is dhexgalka bulshada.
Malaysia oo ah dal ku yaalla koonfur bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada xiriirka diblomaasiyadeed ee taariikhiga ah uu kala dhaxeeyo Soomaaliya, dalkaanna wuxuu ka mid yahay waddamada ay muwaadiniinta Soomaalida u tagaan arrimaha waxbarashada iyo caafimaadka, taa oo u fududeynaysa in muwaadiniinta Soomaalida ay ku tagi karaan Malaysia iyagoo aan u baahan wax dal ku gal ah, waxaana lagu siiyaa garoommada diyaaradaha ee Malaysia, sida lagu daabacay bogga Radio Muqdisho.

Xigashada Sawirka, Somali Embassy in Kuala Lumpur- Malaysia
Soomaalida ku nool Malaysia
Soomaalida joogta Malaysia waxa ey u kala baxaan ama ey kala yihiin sababaha ey halkaan ujoogaan waa saddex qeybood.
Qeybta kooowaad waa dhalinyaro ujoogta tacliin iyo sidii ey u kordhin lahaa yeen heerarkooda waxbarasho kuwaas oo markoodii horeba dalkoodii kaga soo safray ujeedo tacliin kororsi ah, dhalintaas intooda badan jaamacaddo ayeey wada dhigtaan waxa ayna mashquul ku yihiin daruustooda, halka kuwa kalena ay sugaayaan aqbal ka jaamacadaha qudhoodu waxey dhigtaan collage ama machad Afka Ingiriisiga ahoo ay ku sii suganayaan inta ay ka aqbalayaan Jamacadaha.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhamaan heerar ka tacliinta ayee ardeydaan dhigtaan sida degree ga (undergraduates) iyo waliba tacliinta sar(postgraduates) oo kale ah Master iyo PHD oo ey ka diyaariyaa inta badan jaamacadaha kala gadisan ee malaysia, ayaga oo kala dhigta kuliyado kala duwan sida computer science ama Informatoin tecnology, Engineering (qeybihiisa la duwan ), Accounting and management iyo faculty yo kale oo badan.
Marka laga soo tago ardayda wax ka barata dalka Malaysia waxaa kale oo jira Soomaali badan oo dalkaas ku joogto qaxootinimo kuwaas oo tiradda Guud lagu qiyaasaa in ka badan 3,000 oo qof, kuwaasi oo dhamaantooda ah Magangelyo-doon sugaya inay Dib-u-dejin ka helaan Waddan 3-aad oo ka mid ah dalalka Reer Galbeedka ee soo dhaweeya Qaxootig iyo Muhaajiriinta ka soo cararay dalalkooda hooyo.
Qeybta sadaxaad oo ah qeybta ugu dambeysa ee soomaalida malaysia joogta waa dad uyimid arimo caafimaad iyo sidii looga daweyn lahaa xanuuno ey ka cabanayaan.
Dadkaan oo intooda badaN xanuunada haya ay ubadan yihiin kuwa wax looga qaban waayey gudaha dalka ayna adkaatay galidda dalalka kale ayaa sidaa lagu soo gaarsiiyey dalkaan oo ay fudu dahay gali taankiisa.













