Maxaa laga ogyahay xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar?

Xigashada Sawirka, SOMALI NATIONAL TELEVISION
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay gaaray magaalada Qahira ee xarunta dalka Masar, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.
Madaxwaynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay waxaa uu kulamo la yeelan doonaa dhiggiisa dalka Masar,Cabdul Fatax Al-Siisi.
Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta madaxtooyada Soomaaliya, labada mMadaxweyne ayaa isla soo qaadi doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee labada dal ka dhaxeeya.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo aadaysa xilli ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee ay wada galeen ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
Xiriirka Masar iyo Soomaliya

Xigashada Sawirka, baraha bulshada
Xiriirka u dhaxeeya Masar iyo Soomaaliya ayaa ah mid muddo dheer soo taxnaa.
Khubarrada arrimahan darsa ayaa sheegaya in xiriirka labada dal uu soo bilaabmay qarniyo ka hor kaasi oo inta badan ku dhisnaa ganacsiga iyo tacliinta.
Taariikhda xusidda mudan ayaa ah in Masar ay kamid ahayd saddex dal oo Qaramada Midoobay ay u xilsaaratay in ay kor joogteeyaan madaxbannaanida Soomaaliya sanadkii 1954-tii.
Dowladaha kale ee ay Qaramada Midoobey arrintan u xilsaartay waxaa ay kala ahaayeen Colombia iyo Filibiin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxyaabaha lagu xusuusto waxaa k mid ah Kamaalu-diin Saalax oo ahaa diblumaasi Masar u dhashay islamarkana ka mid ahaa wafdigii ka socday Qaramada Midoobay ee Soomaaliya u yimid in ay caawiyaan ee la dilay 1957-dii, xilligii Talyaaniga uu joogay koofurta Soomaaliya.
Socdaalkii ugu dambeeyay ee Madaxwayne Xasan Sheekh ku tagay Masar ayaa ahaa dabayaaqadii bishii July 2022- waxa uu xilligaa xiriirka labada dal ku tilmaamay mid taariikhi ah, waxaa uu gaar ahaan soo hadal qaaday doorkii ay Masar ku lahayd halgankii xorriyadda Soomaaliya, isaga oo si gaar ah farta ugu faqay Kamaalu-diin Saalax iyo doorkiisii.
"Xilligii gobonnimada u dirirki Soomaaliya 1950-yadii ka dib dagaalkii labaad ee aduunka Masar waxay door wayn ka qaadatay xornnimo u dirirkii Soomaaliya, ilaa heer muwaadiniin Masaari ah ay naftooda ku waayeen halgankii xorriyaddii awgii, waxaan mar walba xusuusannahay halyeeygii Kamaaalu-diin iyo doorkii uu ka ciyaaray iyo go'aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xiiligii gobonnimo u dirirka," ayuu yiri Madaxwayne Xasan.
Markii ay Soomaaliya qaadatay xorriyadda 1960-kii, xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa sii xoogeystay waxaa uuna inta badan xiriirkoda ku dhisnaa arrimaha amniga, waxbarsahad iyo ganacsiga.
Xilligii dowladdii kacaanka ayuu si wayn u sii xoogeystay xiriirkii u dhaxeeyay Masar iyo Soomaaliya.
Dhanka kale, waxaa uu xusay madaxweynaha in markii ay dowladdii Soomaaliya burburtay ay Masar marar badan isku dayday in ay Soomaalida dib u heshiisiin u sameyso inkastoo aysan ku guuleysan.
Dr. Axmed-zaki Faarax Iidle, oo ka faallooda arrimaha Carabta ayaa isna BBC u sheegay in Masar ay hore isugu dayday inay caawiso Soomaaliya.
"Xilliguu burburka ay dowladda Soomaaliya ku dhacday Masar waxay ka mid ahayd waddamadii ugu horreeyay ee Carabta ee shirarkii ugu horeeyay ee Soomaalida isu soo dhaweyntooda qeyb libaax leh ka qaatay" ayuu yiri Dr Zaki
Sida ay Masar uga falcelisay heshiiskii badda

Xigashada Sawirka, EGYPT
Markii 1-dii bishan uu soo baxay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee dhanka badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland, ayaa tallaabadii ugu horeysay ee dhanka dublamasiyadda ee uu qaaday Madaxwayne Xasan Sheekh waxay ahayd in u xiriir dhanka khadka taleefoonka ah la sameeyay dhiggiisa Masar.
Madaxwayne al-Siisi ayaa xilligaas u xaqiijiyay sida ay Masar u garab taagan tahay dowladda Soomaaliya ayna ku baaqayaan in la xushmeeyo madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Dr Zaki ayaa qaba in xiisadda iminka taagan ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ay Masar kaalin wayn ka geysan karto oo ay Soomaaliya taageero buuxda uga raadin karto dalalka Carabta.
"Waxay ka gali kartaa (Masar) cadaadis ay waddamada Carabta saaraan dowladda Itoobiya iyo waliba ururka dalalka Islaamka marka labadaas urur ayay Masar u adeegsan kartaa inay taageero buuxda siiso dowladda soomaaliya," ayuu yiri Dr Zaki
Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry, ayaa shirkii Ururka Jaamacadda Carabta kadib sheegay in dawladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay dawladda Soomaaliya, balse wuxuu dhanka kale digniin u jeediyay dawladda Itoobiya, isaga oo sheegay in “In ay cawaaqib xumo kala kulmi doonto xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalimga ah”.
Balse intaas oo kaliya hadalka kuma ekeyn. Waxaa kale oo uu raaciyay “In Itoobiya ay noqotay il ay ka soo burqato xasilooni darrada ka jirta gobolka Geeska Afrika”.
Wuxuu mar kale ku celiyay taageerada buuxda ee Masar ay la garab tagaan tahay xornimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Muranka Masar iyo Itoobiya
Daalalka Masar iyo Itoobiya ayaa sanooyinkii u dambeeyay waxaa u dhaxeeyay muran xooggan oo ka dhashay biya-xireenka wayn ee ay dowladda Itoobiya ay dhisayso Webiga Niil.
Xiissada arrintan ka dhalatay ayaa sanaddii 2021 cirka isku sii shareertay kadib markii ay dowladda Itoobiya billowday buuxinta biya xireenka.
Masar, oo ku tiirsan gebi ahaanba Webiga Niil biyahiisaa, waxay u aragtaa arintaan mid saameynaysa.
Masar ayaa marar badan ku hanjabtay in ay qaadi doonto tallaabo haddii ay Itoobiya aqbali wayso heshiis arrintan laga gaaro.
Masar waxay u aragtaa mashruuca biyo xireenka inuu caqabad ku yahay jiritaankeeda. Ku tiirsanaanta wadarta guud ee wabiga Niil ee biyaha waxay ka dhigan tahay inay aad uga walwalsan tahay waxa ka dhibaatada ka dhalan karta biya-xireenka.
Masar waxay dooneysaa in damaanad qaad cayiman loo sameeyo ka hor inta aan howsha biya xireenka la dhammeystirin.
Marar badan ayaa la isku dayay in la dhexdhexaadiyo labada dhinac, balse laguma guuleysan.
Dhanka Itoobiya waxay mashruucan u aragtaa mid ka mid ah riyooyiinkeeda iyo hami uu dalkooda ku gaari karo dhaqaale iyo hormar.
Waxaa Itoobiya dhismaha biya-xireenkan uga badaxday lacag dhan 5 bilyan oo doollar, waana biya xireenka ugu wayn qaaradda Afrika.













