Shan arrimood ka ogow xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Suudaan

Xigashada Sawirka, TSC SUDAN
Xabbad-joojinta Suudaan ayaa u muuqata mid dhaqan-galeysa, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in rasaas iyo madaafiic laga maqlay.
Waa dadaalkii afaard ee lagu joojinayo dagaalka oo bilowday 15-kii bishan, iyado heshiisyadii hore ee xabbad-joojinta aysan dhaqan-gelin.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xabbad-joojin 72 saacadood ah ay gaareen dhinacyada isku haya Suudaan.
Suudaan oo ku taalla waqooyiga Afrika, ayaa waxaa ku sugnaa ajaanib badan, iyo arday waxbarasho u joogay, oo ay Soomaalina ka mid yihiin.
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah iyo wada shaqeyn diblomaasiyadeed, Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay dalka ugu badan ee muwaadiniinteeda ay waxbarasho u aadaan dalka Suudaan.
Sidoo kale Sudan ayaa lagu tilmaamaa in xiriir aad u dhow iyo saaxibtinimo soo jireen ah ay kala dhaxayso Soomaaliya kuwaasi oo ay kamid yihiin diinta iyo dhaqanka.
Haddaba si aan wax badan uga ogaanno xiriirkaas isku dhow ee labada dowladood waxa aan wareysi kooban la yeelannay wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo wareysi gaar ah BBC-da.
Maxaa udub dhexaad u ah xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Suudaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Soomaaliya iyo sudan waxa ay ka siman yihiin arrimo dhowr ah oo kamid tahay diinta dhaqanka iyo ururrrada siyaasadda ee ay ku mideysanyihiin.
Cawad ayaa yiri “Xiriirka Soomaaliya iyo Sudan waa mid waligiis wanaagsanaa, waxyaabo badan ayaan wadaagnaa Sudan mar waliba, illaa dowladdii dhexe ee burburtayna xiriirkeenu waxa uu ahaa mid soo jireen ahaa oo marna aan is bedelin,”.
Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Suudaan oo ah kuwa ugu badan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Suudaan waxaa waxbarasho u jooga ardayda Soomaaliyeed ee ugu badan marka loo eego kuwa wadamada kale, sidoo kale siyaasiyiinta ugu badan ee Soomalida ayaa lagu sifeeyaa in badankood ay wax kusoo barteen Sudan.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa faahfaahin ka bixiyay xiriirka waxbarasho ee u dhexeeya labada dowladood, isagoo yiri “Suudaan waxa wax ka barta ardayda ugu badan ee Soomaaliyeed kuwaas oo intooda badan helay wax barasho lacag,aan ah, mas’uuliyiinta ugu badan ee dalka waxa ay wax kusoo barteen sudan, xilligii dowladdii dhexe Sudan waxa ay nooso diri jirtay macallimiin oo xitaa aniga ayaa kamid ahaa ardaydii ay gudaha soomaaliya wax ku bareen”.
Mr Cawad ayaa hadalkiisa sii raaciyay “Ma ahan waxbarashada jaamacadaha kaliya ee xitaa Sudan waxa ay noo tababareen ciidamo, waa dad deeqsiyaal ah oo marti soorka ku wanaagsan, sidaas ayaana keeneysa in ay ardyada ugu badan ee Soomaalida ah ay dalkaasi wax ku bartaan,”.
Maxay Suudaan ka dooneysaa Soomaliya beddelka waxbarashada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Suudaan oo ah dal Islaam ah ayaa lagu sifeeyay in sababaha ugu waaweyn ee ay usoo dhaweysatay soomaliya ay tahay diin wadaagga iyo dhaqanka shacabka labada dal oo ah mid aad isugu dhow.
Cawad ayaa sheegaya in labada dal ay isaga dhowaayaan dalal badan oo geeska Africa yalla isagoo yiri, “Suudaan waxa ay xilli ahayd dal isu haysta in ay hoggaamineyso islaamka sidaa daraadeed Soomaaliya waxa ay ula dhaqmayeen in ay soomaaliya ku yeelan karaan saameyn la xiriirta diinta, sidoo kale xilligii ay socdeen khilaafka qaar kamida dalalka Afrika, Suudaan waxa ay jeclaayeen in aynu ka xigsanno maaddama ay xudduud la leeyihiin Ethiopia iyaguna ay la leeyihiin waxa ay jeclaayeen in xiriirkeenu uu sii wanaansannaano marka loo eego dalalka kale”.
Lacagta ay Suudan usoo daabacday Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweyneyaal kala duwan oo soo maray Soomaliya waxa ay dhowr mar sheegeen in wax kabaddal lagu sameynayo lacagta shilinka Soomaaliya oo haatan u muuqata in ay sii dabar go’eyso ama aan laga isticmaalo gobollada qaar eek u yaalla Soomaaliya.
Cawad oo ka hadlay ayaa yiri “Suudaan waxa ay nagala shaqeysay dhinacyo badan, waxaa kamida in Sudan ay gaartay in ay lacag inoosoo daabacaan, taasoo illaa goor dhow ku jirtay bakhaarradooda, Sudan waxa inoo jooga safaarado taas oo sii xoojineysa mar waliba wada shaqeynteenna,”.
Gacan sidee ah ayay Soomaaliya ka geysan kartaa xasilinta Suudaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Labada dowladood ee Soomaliya iyo Suudaan waxaa ay ku mideysanyihiin ururro siyaasadeed oo dhowr ah, sida IGAD iyo Jaamacadda Carabta, igad ayaa u muuqatay intii uu dagaalku socday in ay xal u raadineyso sidii loo kala dhex geli lahaa dhinacyada is haysta.
Axmed Ciise Cawad ayaa sheegaya sida ugu macquulsan ee Soomaaliya ay qayb uga qaadan karto xassilinta dagaalka iyadoo loo marayo uruurada siyaasadeed ee labada dowladood ay ku mideysanyihiin isagoo ka hadlayana waxa uu yiri, “Marka laga soo tago Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Midowga Yurub, waxa aan ku mideysannnahay Jaamacadda Carabta iyo IGAD sidaa daraadeed waxaynu ka qayb geli karnaa ama ku taageeri karnaa in aynu ka shaqeyno nabadda iyo wada jirka dadka Sudan inagoo u mareyna ururrada siyaasadeed." Ayuu yiri Cawad.












