Colaadda Suudaan: Soomaali u qaxday Suudaanta Koofureed iyo dalal badan oo muwaadiniintooda la baxaya

Suudaan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Muwaadiniinta Jordan, Falastiin, Ciraaq, Suuriya, iyo Jarmalka oo ku sugan Garoonka MIlitariga Marka ee Amman aroortii saakay

Waxaa sii kordhaysa tirada dalalka muwaaddiniintooda kala baxaya caasimadda Suudaan ee Khartuum, halkaas oo toddobaadkii labaad uu ka socdo dagaal culus oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada.

Dhanka kale, Soomaali u badan arday ayaa isku dayaya in ay u qaxaan dhanka Suudaanta Koofureed, halkaas oo gurmad iyo isku xir ay ka waddo safaaradda Soomaaliya ee Juba.

Safriirka Soomaaliya u fadhiya Suudaanta Koofureed, Cabdixakiin Cabdullaahi Camey oo BBC-da uga warramay dedaallada ay wadaan ayaa sheegay in tiro Soomaali ah oo arday u badan ay soo gaareen magaalada Coast ee dalkaasi.

“Waxaan sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda Suudaanta Koofureed kala hadalnay in Soomaalida soo qaxday loo oggolaado inay dalka soo galaan,” ayuu yiri.

Safiirka ayaa xukuumadda Juba uga mahad celiyay sida qadarinta leh ee ay Soomaalida u qaabileen uguna oggolaadeen inay dalkooda soo galaan, iyagoo sida uu sheegay aan magacooda mooyee la weydiinin sharci.

Wuxuu intaas ku daray inay adagtahay in la ogaado tirada saxda ah ee Soomaalida kusoo qaxday dalkaas.

“Way adag tahay sababtoo ah Soomaalida marka horena qorshe ku talogal ah ma aysan lahayn, imikana ilaa iyo hadda waxaan lahayn liiska inoo so dira. Liiskaas ilaa 80 qof ayaa soo gaaray magaalada Rang, iyagoo Coast ka yimid. Hadda 39 ka mid ah ayaa gaari loogu diray xadka,” ayuu intaas raaciyay.

Safiirka ayaa sheegay in gawaari loo diray dadka Soomaalida ah ee ka soo qaxaya Suudaan, isla markaana ay arrintaas gacan ka geysanayaan ganacsatada Soomaalida ah ee Suudaanta Koofureed. Wuxuu sheegay in lagu talo jiro in diyaarado lagu soo daad gureeyay lana keeno Juba.

Wuxuu intaas ku daray in dadka soo gaaraya Suudaanta Koofureed ay isugu jiri karaan saddex qeybood, “Qeybta hore inay arday ahaayeen oo ay sugayaan in Suudaan ay degto oo ay dib ugu laabtaan, qeybta labaad waxaa dhici karta inay ka helaan Suudaanta Koofureed oo ay sii nagaadaan oo ay ka shaqeystaan, qeybta saddexaadna waxay noqon kartaa qeyb dhulkoodii iyo Soomaaliya ku laabaneysa. Intaba waxaan isku dayeynaa wixii aan u qaban karno, annagoo la kaashaneyna wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, iyadoo dadka qaar ay baasaboorradu ka dhacsan yihiin, qaarna iqaamadihii ay Suudaan ku haysteen ay ka dhaceen.” Ayuu yiri safiir Cabdixakiin.

Suudaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dalalka Mareykanka iyo UK ayaa shalay ku dhawaaqay in ay qaar kamid ah diblomaasiyiintooda ka dhoofiyeen dalka ay dagaallada sokeeye ka qarxeen.

Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Spain ayaa ka mid ah dalalka kale ee iyaguna billaabay daadgureynta Axaddii.

Tartan awoodeed oo xun oo u dhexeeya ciidamada milatariga ah iyo ciidanka awoodda leh ee gurmadka deg-degga ah ayaa horseeday rabshado dalka oo dhan ah.

Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in shalay ay qaadeen dad gaaraya 100 qof kuwaasoo lagu daad gureeyay saddex diyaaradood oo Helicopter ah oo Chinook ah, howlgalkaasi ayuu ku tilmaamay mid "dhaqso ah isla markaana nadiif ah".

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa hadda xiran, waxaana qoraal la soo dhigay barteeda Twitter-ka lagu sheegay in dowladdu aysan heysan ammaan ku filneyn si guud ahaan muwaadiniinteeda ay dalkaasi uga soo saaraan.

Dowladda UK ayaa ku guuleysatay inay diblomaasiyiin Britain u dhashat iyo qoysaskooda ka dhoofiyaan Suudaan. Wasiirka arrimaha dibadda James Cleverly ayaa sheegay in qaabka lagu daadgureynayo muwaadiniinta UK ee ku haray Suudaan ay tahay mid aad u xaddidan.

Dhowr waddan oo kale ayaa Axaddii waday hawlgallada daadgureynta muwaadiniintooda.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa xaqiijiyay in diyaarad sidday muwaadiniin Faransiis ah iyo dad kale ay gaartay Jabuuti Axaddii.

Ciidamada Jarmalka ayaa sheegay in saddexdii diyaaradood ee ugu horreeyay ay ka ambabaxeen Suudaan, iyagoo ku sii jeeday dalka Urdun, waxaana saarnaa dad gaaraya illaa 101 qof.

Talyaaniga iyo Spain ayaa daad gureeyay muwaadiniin, iyadoo howlgalka Spain ay ku jireen muwaadiniin ka yimid Argentina, Colombia, Ireland, Portugal, Poland, Mexico, Venezuela iyo Sudan.

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dowladdiisa ay Sudan kala baxday shaqaalaheeda diblomaasiyadeed.

Wadamo kale ayaa si guul leh u daad gureeyay dadka Sabtidii. In ka badan 150 qof oo u badan muwaadiniin u dhashay dalalka Khaliijka iyo sidoo kale Masar, Pakistan iyo Canada ayaa laga daadgureeyay badda, iyadoo la geeyay dekedda magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya.

Waxaa jiray baaqyo ka imaanayay arday badan oo ajnabi ah oo ka kala yimid Afrika, Aasiya iyo Bariga Dhexe kuwaas oo sidoo kale ku xayiran Khartoum, oo ah magaalada uu sida xoggan dagaalku uga socdo.

Dhanka kale, waxaa jira warar sheegaya in xiriirkii internet-ka uu gebi ahaanba ka shaqeyeyn gudaha Suudaan, taasoo caqabad weyn ku noqon karta howlaha gargaarka dadka ku xayiran Khartoum iyo magaalooyinka kale.

Toogasho iyo duqeymo ayaa lagasoo sheegayaa meelaha qaar iyadoo korontadii ay go’an tahay biyo yarina ay jirto, dhanka kale sahayda dadka ayaa sii yaraaneysa maaddaama in bannaanka laga soo adeegto ay adag tahay.

Dhowr xabbad-joojin oo u muuqatay inay labada dhinac ku heshiiyeen ayaa la iska indho-tiray, waxaana ka mid ah in muddo saddex maalmood ah la hakiyay munaasabadda Ciidul Fidriga ee Muslimiinta, taasoo billaabatay Jimcihii.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 400 oo qof, ayna ku dhaawacmeen kumannaan kale. Balse tirada dhimashada ayaa la rumeysan yahay inay intaasi ka badan tahay, iyadoo dadka ay la daalaa dhacayaan sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad, maaddaama inta badan isbitaallada magaalada lagu qasbay in ay xirmaan.

Marka lagu daro Khartuum, gobolka galbeedka ee Darfur, oo ah meeshii ugu horreysay ee RSF ay ka soo baxday, ayuu sidoo kale si xun u saameeyay dagaalka.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ilaa 20,000 oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka carareen Suudaan si ay ammaan ugu raadsadaan Chad, iyagoo ka soo tallaabay xadka Darfur.