Janeraal Al-Burhan, ninka ay is hayaan Janeraalka geeljiraha soo ahaan jiray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray.
Cabdelfataax Al Burhaan hadda waa madaxa golaha ku meel gaarka ah ee sudan xilkan oo loo magacaabay ka dib markii talada dalkaas ay millatarigu la wareegeen si loogu simo doorashada dawlad rayid ah.
Balse inta aynaan u guda gelin qofka uu yahay Cabdilfataax Al Burhaan iyo waxa ay isku hayaan Jenraal Maxamed Xamadaan Daqalo; aan isla eegno xaaladihii u dambeeyay ee dalka Sudan oo dagaallo xooggan ay ka socdaan:
Iska hor imaad ba’an ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalka Suudaan iyadoo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada hubeysan ee iska soo horjeeda uu sii fidayo.
Rabshadaha u dhexeeya ciidanka iyo xoogagga lagu magacaabo Ciidanka gurmadka Degdegga ah magacoodana loosoo gaabiyo RSF ayaa socda ilaa habeenimadii xalay kaas oo galay maalintii saddexaad.
Ku dhawaad 100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta dalkaasi, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof.
Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan.
Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada loo daadgureeyo, inkastoo aysan cadeyn sida ay u adeeceen xabad joojintaas.
Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah. Halkan kaga bogo tebinta tooska ah ee dagaallada Sudan
Waa kumaa Abdel Fattah Abdelrahman Burhan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabdil Fataax Al-Burhaan wuxuu noqday madaxweynaha golihii ku meelgaarka ahaa ee militariga ay sameeyeen ka dib markii Al-Bashiir xilka laga tuuray.
Wuxuu shaqadaas kala wareegay wasiirkii difaaca Janaraal Cawad Ibn Cawf, kaas oo xilka ka degay ka dib hal-maalin oo uu hayay. Wuxuuna hoggaaminayay saraakiishii xilka ka tuuray Al-Bashiir, madaxweynihii hore ee Sudan.
Ibnu Cawf, ayaa bishii April ee 2019-kii shaaciyay in uu Cabdil fataax Al-Burhan, u xushay in xilka uu ku wareejiyo, waxayna ahayd tallaabo ay dadka oo dhan soo dhoweeyeen. Wuxuu markaas noqday Taliyaha Militariga.
Sida ay qortay wakaladda wararka ee Anadolu Agency, Sareeya Gaas Cabdi Fataax Burhan wuxuu dhashay sannadka 1960-kii wuxuuna ku dhashay tuulada Kundato oo ku taallo wabiga Niil.
Burhaan oo ah sargaal militari isla-markaana in badan siyaasadda ku soo jiray wuxuu hadda si ku meel gaar ah u hayaa guddoomiyaha golaha militariga Suudaan oo talada kala wareegay madaxweynihi hore Cumar Xasan al-Bashiir.
Ninkan oo dhashay sannadkii 1960, wuxuu ka mid ahaa ciidamada ilaalada xuddudaha Suudaan kaddibna waxaa loo magacaabay madaxa arrimaha militariga ee Safaaradda Suudaan ay ku leedahay dalka Shiinaha.
Intaa ka gadaal wuxuu Burhaan noqday taliyaha ciidamada ilaalada xudduudaha Suudaan, wuxuuna markiba u sii dallacy taliyaha ciidamada dhulka Suudaan.
Wuxuuna tababare militari uu ka soo noqday dugsiga tababarka ciidamada oo ku yaalla bariga dalka Suudaan, wuxuuna taliya u soo noqday ciidamada Suudaan ee dagaalka kula jiray jabhadda SPLA ee ka dagaallameysay Suudaanta Koonfureed 2011-kii xorriyadda intii aysan qaadan ka hor.
Madaxweynihi hore ee Suudaan Cumar Xasan al-Bashiir ayaa la kulmay mudaharaadyo xooggan oo xukunkiisa looga soo horjeeday, wuxuuna Al-Bashiir isku shaandheyn uu ku sameeyey ciidamadiisa.
Bisha Fabraayo 26-keedi ayaa Burhaan markale loo magacaabay taliyaha guud ee ciidamada dhulka ee dalka Suudaan.
Waxaana xusid mudan, Burhaan inuu ka mid ahaa seddexda sargaal ee iclaamisay in al-Bashiir xilka laga tuuray.
Burhaan xilli uu hoggaaminayey ciidamada Suudaan ee ku sugan Yemen wuxuu dhawr jeer booqasho uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Dad aad ugu dhaw Burhaan waxay sheegayaan inuu wax xiriir ah uu la lahayn ururrada diimaha iyo kuwa siyaasadeed midna. Waxaa kale oo ay sheegeen inuu yahay sargaalka keli ah ee ay maxkamadda dambiyda dagaalka calaamiga ay wax dacwad ah u haysanin.
Wasiirka Gaashaandhigga Cawad Ibn Cawf, oo khudabad soo jeediyey 11-ka April xilliga ay ciidamda talada Suudaan la wareegeen wuxuu sheegay iney ciidamada talada dalka Suudan la wareegay ay u billaabatay 2 sano oo dowlad ku meel gaar ah oo ay xilka soo hayn doonaan.
Hase yeeshee, Ibnu Cawf ayaa saacado kaddib xilka iska casilay isaga oo sheegay inuu xilka ku wareejinayo Burhaan kaddibna xilka la wareegay loona dhaariyey.
Burhaan waxaa uu beddelay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf oo ahaa wasiirka gaashaandhigga dalka Suudaan.
Maxay isku hayaan labadan jeneraal ee Burhaan iyo Xamdaan oo golaha ka wada tirsan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Loolan dhanka awooda ah oo u dhaxeeya ciidamada Sudan Xooggaga Dacmu Sariic ayaa gilgilay dalkaasi, iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo rayid ah ilaa iyo hadda inta la ogyahay.
Xooggaga Dacmu Sariic waxa ay si toos ah uga amar qaataan hogaamiye kuxigeenka golaha, Jeneraal Maxamed Xamdan Daqalo, halka milateriga uu u taliyo Jeneraal Cabdifitaax al-Burhan oo ah madaxa golaha talada haya.
Labada janan ayaa wixii ka dambeeyay afgembigii dhacay October 2021 waxa ay Sudan ku xukumayeen gole ka kooban taliska milateriga.
Heshiis ku aaddan in xukunka lagu celiyo dowlad rayid ah ayaa socon waayay kadib markii ay labada janan isku khilaafeen qaabka ciidamada gurmadka degdega ah loogu biirinayo milateriga Sudan.
Ciidanka gaarka ah ayaa doonaya in ku biiridda ay dhacdo 10 sano kadib, hase yeeshee milateriga ayaa doonaya in hawsha lagu soo gebagabeeyo laba sano gudahood.
Beesha caalamka ayaa muddo wadday dedaal lagu dejinayo xiisadda ka taagan Sudan iyo sidii xukunka loogu dhiibi lahaa xukuumad rayid ah.













