Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka xooggan ee Sudan gilgilay oo maalintii Saddexaad galay
Tebinta Tooska ah ee BBC Somali
Tebin toos ah
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo cambaareeyay dagaalka ka socda Suudaan
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Antonio Guterres
Xoghayaha guud ee Qaramada
Midoobey Antonio Guterres ayaa si adag u cambaareeyay dagaallada ka qarxay
dalka Suudaan.
Wuxuu ugu baaqay militeriga iyo
ciidamada RSF inay joojiyaan colaadda isla markaana ay ka shaqeeyaan nabadda
iyo inay dib ugu laabtaan wahadallada lagu joojinayo qalalaasaha.
Wuxuu intaa ku daray in xaaladda
banii’aadanimo ee Suudaan ‘ay markii hore aheyd mid halis ah haatana ay isu
baddashay masiibo’.
Teleefishinka dowladda Suudan oo dib ugu soo laabtay hawada
Xigashada Sawirka, Sudan TV
Waxaa hawada dib ugu soo laabtay
teleefishinka dowladda Suudaan kadib saacado uu hawada ka maqnaa.
Waxaa laga baahinayay heesaha
qaranka iyo kuwa lagu ammaanayo ciidanka.
Ilo ka tirsan militeriga ayaa BBC
u sheegay inay ku guuldareysteen in ciidamada RSF ay ka saaraan dhismaha
teleefishinka dowladda.
Militeriga Suudaan oo beeniyay in ciidamada RSF ay la wareegeen goobo muhiim ah
Xigashada Sawirka, Reuters
Militeriga Suudaan ayaa beeniyay in cidamada gaarka ah ee
RSF ay la wareegeen goobo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda Khartoum.
Labada dhinac waxay isku jeedinayeen eedeymo kala duwan iyagoo kala
sheeganayay guulo kadig dagaal ka qarxay dalkaas.
Bayaan kasoo baxay militeriga Suudaan waxay warka kasoo
RSF ku tilmaameen waxbo kama jiraan.
Militeriga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaal uu ka dhacay agagaarka
saldhigga militeriga ee Khartoum isla markaana sheegay inay gacanta ku hayaan
dhammaan saldhigyada.
Ciidamada RSF ee uu hoggaamiyo Janaraal Maxmed Xamdaan Dagolo ayaa ku
anddacooday inay qabsadeen goobo muhiim ah oo dhaca caasimadda.
Saddexda hoggaamiye ee loo xil saarey xalinta dagaalka ka socda Sudan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxda Sudan ee is haya
Koox ka mid ah dalalka dhaca dhanka bari ee
qaaradda Afrika, ayaa qorsheynaya inay saddex hoggaamiye u diraan dalka Suudaan,
si ay u dhex dhexaadiyaan ciidamada isku haya dalkaas.
Axaddii, urur goboleedka IGAD, ayaa wuxuu isku
raaceen in madaxda dalalka Kenya, South Sudan iyo Djibouti loo diro caasimadda magaalada
Khartoum ee dalka Sudan.
Sidoo kale ururka, ayaa dalbaday xabbad joojin
degdeg ah, oo la dhex dhigo dhinacyada isku haya Suudaan.
Marka laga reebo xirnaanshaha garoonka caalamiga
ah, lama hubo xilliga uu bilaabanayo qorshaha nabadda.
Sida ay sheegayaan wararka, dagaalka ayaa weli
socda, kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda, iyo kuwa gurmad ah ee RSF,
inkastoo beesha caalamka dalab u dirtay dhinacyada dagaallamaya.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ka
codsaday madaxda Midowga Afrika inay u istaagaan soo celinta nabadda magaalada caasimadda
ah ee Khartoum.
Qaraxyo iyo rasaas xoogan oo laga maqlayo magaalada Khartoum
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ruux ka qaxaya dagaalka ka socda Sudan
Xaaladda dhulka Suudaan ayaan aad u caddayn, iyadoo maalintii saddexaad
ay socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya ciidammada qalabka sida ee Sundan iyo
ciidammada gurmadka degdegga ah ee RSF.
Duqeymo cirka ah, rasaas xooggan iyo qaraxyo madaafiic ah, ayaa si weyn
loogga maqlayaa magaalada Khartoum, iyadoo laga hadal hayo baraha bulshada, halka
BBC-dana ay wareysiyo ka qaaday dadka deegaanka saacadihii la soo dhaafay.
BBC-da ayaa waxay si adag uga shaqeysay inay hesho dareen cad oo ku
saabsan waxa ka dhacaya meesha.
Dhanka kale, waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa warbixin deg deg ah
oo ku saabsan qaar ka mid ah meelaha muhiimka ah ee aroorta hore ee saaka la
isku dagaalay:
Agagaarka Qasriga Jamhuuriga ee caasimadda Khartoum
Xarunta taliska ciidanka Suudaan ee isla
magaaladaas
Oo ku yaalla ama u dhow isbitaalka al-Shaab ee
Khartoum
Qiiq ayaa ka muuqda muuqaal la duubay, kaasoo ka kacaya
dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan marka ay duulayaan, ee garoonka caalamiga ah
ee magaalada
Dagaalyahanada RSF, ayaa sheegtay in ay la
wareegeen garoonka Merowe, oo qiyaastii 200 mayl (320 km) dhanka waqooyi ka
xiga caasimadda – balse BBC-da ma aysan u suura galin inay xaqiijiso arrintan.
Qof u dhaq dhaqaaqa mucaaradka
Madaxweyne Vladimir, oo la yiraahdo Kara-Murza, ayaa lagu xukumay 25 sano oo xarig
ah, kadib markii lagu helay qiyaano qaran iyo eedeymo kale oo la xiriira
dhaleeceynta uu qabo dagaalka Ukraine.
Ruuxan oo wada ah suxufi
iyo siyaasi u dhashay Ruushka ee qaatay dhalashada Britishka, ayaa ah kii ugu
dambeeyay ee tiro ka mid ah mucaaradka Putin oo la xiray, ama lagu qasbay inuu
ka baxsado dalka Ruushka.
Waa uu diiday
eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana uu si weyn u dhaliilay maxkamadeyntiisa.
Toddobaadkii hore, ayaa
wuxuu u sheegay maxkamad ku taalla magaalada Moscow: "Inuu diiwaan gelinayo
kelmad kasta oo uu dhaho."
41-jirkan ayaa door
muhiim ah ka qaatay sidii dowladaha reer galbeedka loogga dhaadhicin lahaa inay
cunaqabatayn ku soo rogaan saraakiisha Ruushka ee ku xad-gudbida xuquuqul
insaanka, sidoo kalana ku kaca musuqmaasuqa.
Xukunka 25-ka sano ah
ee lagu xukumay, ayaa ahaa tirada ugu badan ee ay dalbadeen dacwad oogayaasha,
waana xukunkii ugu dheeraa ee qof mucaarad ah lagu xukumo ilaa haatan.
Mr Kara-Murza ayaa
sanad ka hor lagu xiray magaalada Moscow, isagoo markii hore ka dhaga adeegay
awaamiir ay soo saareen saraakiisha booliiska. Eedo ka sii daran, ayaa lagu soo
oogay markii uu xabsiga ku jiray.
Kiiskiisu wuxuu qayb
ahaan ku salaysan yahay khudbad uu u jeediyay siyaasiyiin Maraykan ah sannadkii
hore, halkaas oo uu ku sheegay in Ruushku uu dembiyo dagaal ka geysanayo
Ukraine, oo ay wehliyaan bambooyinka meelaha la deggan yahay lagu garaaco, iyo
"duqeymaha isbitaallada hooyada iyo dhallaanka".
Toogasho ka dhacday Mareykanka oo ay dad badani ku dhinteen
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Xubno kamid ah dadka ay rasaastu ku haleeshay Dadeville
Ugu yaraan afar qof,
ayaa lagu dilay toogasho wadareed ka dhacday goob ay ka socotay xaflad sanad
guuro 16-aad, oo ka dhacday gobolka Alabama ee dalka Mareykanka.
28 qof ayaa ku
dhaawacantay, oo qaarkood ay aad u liitaan, ka dib markii rasaas lagu furay
istuudiyaha qoob lagu ciyaaro oo ku taalla magaalada Dadeville Sabtidii.
Madaxa dugsiga sare
Phil Dowdell, oo ah ciyaartoy caanka ah, ayaa warbaahinta maxalliga ahi ay
sheegtay inuu kamid yahay dhibanayaasha.
Madaxweyne Joe Biden,
ayaa cusboonaysiiyay dalab kiisii ahaa in sharciga hubka la adkeeyo dhacdadan
ka dib.
"Muxuu ku fadhiyaa
qarankeennu haddii carruurtu aanay ka qaybgeli karin xafladda dhalashada cabsi
la'aan?" Mr Biden ayaa isku waydiiyay, bayaan uu kasoo saaray Aqalka Cad
Axadii.
Toogashadan ayaa
Mareykanka gaarsiineysa heer aad u xun, oo ah inay ka dhaceen in ka badan 160
toogasho wadareed - oo afar ama in ka badan dad lagu toogtay - ilaa iyo intii
uu bilawday sanadkan, sida uu sheegayo liiska kaydka rabshadaha ee hubka.
Iyada oo ay ku nool
yihiin dad gaaraya 3,200 oo qof, Dadeville waa magaalo yar oo miyi ah, oo aan
loogga baran muuqaalada la xiriira dhibaatada dhibka oo heerkan gaariisan.
Dhanka kale ma jiro
wax faah faahin ah oo ka soo baxay qaabka loo soo afjaray israsaaseyntaasi, iyo
in qof la tuhunsan yahay uu laftiisa dhintay ama uu xabsiga ku jiro.
Somali ku sugan Khatuum oo BBC-da uga warramay xaaladda dagaalka ku qabsaday Sudan
Dagaalka Sudan
ayaa galay maalintii saddexaad waxaana laga soo sheegayaa khasaaro aad u ballaaran
oo dhimasho iyo dhaacba leh.
Ku dhawaad 100
qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la
qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof.
Labada dhinac
ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda
Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay
adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan.
Dhanka kale
dagaalka ayaa ku u muuqda in uu kusii fidayo qaybha kala ee magaalada
caasimadda ah ee Khartoum iyadoo gudaha magaalada laga maqlayo dhawaqa hubka
noocyadiisa kala duwan ee dhinacyadu ay isku adeegsanayaan. Waxaa jirta
Soomaali badan oo ku sugan dalka Suudan kuwaas oo arday u badan. BBc-da ayaa
waxay la xiriirtay Cabdiraxmaan Shaangax oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalka
Sudan.
Qoraalka Codka, Dagaalka ka socda Suudaan
Kenya oo kasoo daadgureyneysa 3,000 oo qof dalka Suudaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Dad agabkoodii soo qaatay dagaal ka socda Sudan awgiis maalintii Axadda
Ugu yaraan 3,000 oo
Kenyan ah, ayaa ku xayiran dagaalka ka socda dalka Suudaan, sida uu sheegay
wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Alfred Mutua Axadii.
Mutua ayaa sheegay in
dowladdu ay la xiriirtay shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways, si ay isugu
daydo oo ay usoo daadgureyso dadkaasi "marka ay xaaladda dagaalka
qabowdo".
"Waxaan la
xiriirnay safaaradda aan ku leenahay Suudaan, waxaanan caawin doonnaa Keenyaanka
halkaas ugu xayiran dagaallada socda awgood," ayuu yiri Mr Mutua.
Madaxweynaha Kenya,
William Ruto, ayaa ka codsaday madaxda gobolka in ay mowqif adag ka qaataan
xiisadda Suudaan, si loo soo celiyo xasiloonidii dalkaasi.
Dagaalka u dhaxeeya
ciidamada dowladda iyo kuwa RSF, ayaa socda illaa iyo maanta oo Isniin ah,
inkastoo beesha caalamka ay ka codsadeen dhinacyada dagaallamaya inay xabadda
joojiyaan.
Daawo siyaasi Axmed Atiiq iyo walaalkii oo si toos ah loo tooganaya
Daraasiin kiisas ah, oo ay ku jiraan afduub, dil iyo baad, ayaa la diiwaan geliyay ee uu ku kacay Atiq Axmed labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka xooggan ee Sudan gilgilay oo maalintii Saddexaad galay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Iska hor imaad ba’an ayaa laga soo sheegayaa guud ahaan dalka Suudaan iyadoo dagaalka dhaxeeya kooxaha hubeysan ee iska soo horjeeda uu sii fidayo.
Rabshadaha u dhexeeya ciidanka iyo koox dabley ah oo lagu magacaabo Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee loo yaqaan RSF ayaa socda ilaa habeenimadii xalay kaas oo galay maalintii saddexaad.
Ku dhawaad 100 qof ayaa la dilay, sida ay sheegeen ururka dhakhaatiirta, waxaana sidoo kale la qiyaasayaa in tirada dhaawaca ay gaareyso 1,100 qof.
Labada dhinac ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan goobo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Khartoum, halkaas oo ay dadku ka gabbadeen qaraxyada iyo hubka cul- culus ay adeegsanayaan dhincyada isku haya awoodda Suudan.
Gelinkii hore ee Axadii shalay ahayd ayaa waxay sameeyeen xabad joojin ku meel gaar ah si dhaawacyada la daadgureeyo, inkastoo aysan cadeyn sida ay u adeeceen xabad joojintaas.
Dhakhaatiirta ayaa ka digay in xaalada isbitaalada magaalada Khartoum ay tahay mid aad u adag, isla markaana dagaalku uu yahay mid joojinaya shaqaalihii iyo agabkii caafimaadkaba in la gaarsiiyo dadka dhaawaca ah.