Warbixin cusub oo ka hadlaysa waxyeellada soo gaartay xarumaha nukliyeerka Iran oo intii la filayey ka yar

Nukilyeerk

Xigashada Sawirka, Getty Images/Satellite image (c) 2025 Maxar Technologies

Shabakadda wararka Mareykanka ee NBC ayaa werisay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo hadda xil haya iyo kuwo hore, in "qiimeyn cusub" oo ay samaysay dowladda Mareykanka ay muujinayso in "hal" xarun oo keliya oo ka mid ah xarumaha nukliyeerka ee Iran, taasoo ah Fordow, ay "si buuxda ugu burburtay" duqeymihii Mareykanka.

Xarumaha kale sida Natanz iyo Isfahan ayaa la sheegay in ay soo gaareen "khasaaro fudud." Warbixintan ayaa imaneysa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu marar badan ku celceliyay in awoodaha nukliyeerka ee Iran la "baabi'iyay gabi ahaantood." Hay'adaha sirdoonka Mareykanka iyo saraakiisha ayaa soo saaray warbixinno kala duwan mararka qaarna is khilaafsan oo ku saabsan heerka khasaaraha soo gaaray xarumaha Iran.

Qiimeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee maamulka Trump uu ugu jiro in lagu ogaado heerka uu marayo barnaamijka nukliyeerka Iran tan iyo weerarkii lagu qaaday xarumahaas, sida ay sheegeen afar sarkaal oo "xog-ogaal ah," oo ay soo xigatay NBC.

Warbixintu waxay sheegtay in qiimeyntaas lagu soo bandhigay maalmihii u dambeeyay qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca, iyo waddamo saaxiib la ah Mareykanka.

Warbixin ay NBC daabacday Khamiistii, ayay ku ogaatay in taliska dhexe ee Mareykanka uu diyaariyay qorshe aad u ballaaran oo weerar lagu qaadayo Iran, kaasoo socon lahaa dhowr toddobaad halkii uu ka ahaan lahaa hal habeen oo keliya. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa diiday qorshahaas, maadaama uu khilaafsanaa siyaasaddiisa ah in Mareykanka laga saaro isku dhacyada caalamiga ah iyo faragelinta dibadda.

Warbixino la dusiyey oo laga helay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa sheegtay in "weerarka Mareykanku ku qaaday Iran uu kaliya dib u dhigay barnaamijka nukliyeerka ee Iran dhowr bilood, balse uusan burburin gabi ahaanba." Si kastaba, Donald Trump ayaa warbixintaas ku tilmaamay mid "aan dhammeystirnayn," isagoo mar kale ku celiyay in "barnaamijka nukliyeerka Iran la burburiyay."

Kadib markii uu Donald Trump si caro leh uga falceliyay warbixintii la soo dusiyay ee Pentagon-ka taasoo si maldahan u su'aal gelisay qiimeyntiisii ahayd in barnaamijka nukliyeerka Iran la burburiyay, saraakiisha Mareykanka iyo hay'adaha sirdoonka ayaa ku adkeystay "guusha" weerarradii Mareykanku ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran, iyagoo arrintaas ku muujiyay warbixino iyo faallooyin kala duwan.

Afhayeenadda Aqalka Cad Anna Kelly ayaa beenisay warbixinta NBC, waxayna tiri, "Sida uu madaxweynuhu sheegay khubaraduna ay xaqiijiyeen, howlgalkii saqda dhexe ee xooggaana, waxa uu gebi ahaanba burburiyay awooddii Nukliyeerka ee Iran.

Reuters ayaa sidoo kale soo xigatay sheegashada NBC, iyadoo sheegtay in aysan si madax banaan u xaqiijin karin saxnimadeeda.

Kormeerihii hore ee hubka ee Qaramada Midoobay David Albright ayaa sidoo kale ku tilmaamay warbixinta NBC mid marin habaabin ah.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ee horrey loo oran jiray Twiter, Albright, ayuu ku yiri.

Iran

Xigashada Sawirka, US Air Force

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Isfahan ma ahan goob lagu kobciyo, Laba bam oo ah nooca GBU-57 ee dumiya godadka dhulka hoostiisa ayaa lagu tuuray xarunta dhulka hoostiisa ee lagu kobciyo uranium ee Natanz. Waxaa laga yaabaa inay si khaldan ugu maleeyeen in ay ahayd xarunta ku taalla buuraha ee Isfahan, taasoo laga xirtay meelihii laga galayey, iyo xarunta ku taalla buuraha ee Natanz, taasoo aan lagu beegsan weerarkii Mareykanka."

Qoraalkiisa wuxuu si cad u tilmaamayaa jahwareerka laga dhaxlay warbixinta NBC, isagoo carabka ku adkeeyay in meelaha la sheegay in la beegsaday aysan ahayn kuwa muhiim u ah barnaamijka kobcinta nukliyeerka ee Iran.

Kormeerihii hore ee hubka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in labadan goobood ee buuraleyda ku yaalla ah aan lagu burburin karin Bamka GBU-57, wuxuuna ku tilmaamay warbixinada ku saabsan burburinta xarunta Fordow mid xiiso leh.

Horay, Rafael Grossi, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah, ayaa sheegay in inkasta oo waxyeellada halista ah ee ka dhalatay weerarrada Israa'iil iyo Maraykanku ay ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka ee Iran, Tehran ay awood u leedahay inay dib u bilowdo soo saarista kobcinta uranium-ka dhowr bilood gudahood.

Bishii June 22-keedii intii lagu jiray dagaalkii 12 maalmood ee Iran iyo Israa'iil, diyaarahdaha Maraykanku waxay duqeeyeen saddex xarumood oo Nukliyeer ah oo Iran ah, oo ay ku jiraan Fordow, Natanz, iyo Isfahan.

Mr.Trump ayaa ku tilmaamay weerarka xiligaasi mid aad loogu guuleystay,waxana uu sheegay in Ferdo la burburiyay.

Hay'adda Tamarta Atomiga ee Iran ayaa sidoo kale bayaan ay soo saartay kadib weerarradii Mareykanka ku qaaday xarumaha nukliyeerka Iran ku xaqiijisay in xarumaha Fordow, Natanz, iyo Isfahan la weeraray.

Bayaan ka soo baxay hay'addaasi wuxuu ku tilmaamay weerarradaas inay ahaayeen "jabinta sharciga caalamiga ah, gaar ahaan heshiiska Ka-hortagga faafinta Hubka Nukliyeerka.

Iran waxay ku eedeysay Mareykanka inuu ku xadgudbay ballanqaadyadii iyo waajibaadkii uu ka saarnaa heshiiska NPT, kaasoo ujeeddadiisu tahay in la yareeyo faafinta hubka nukliyeerka iyo in laga hortago in teknoolojiyaddaas loo adeegsado ujeeddooyin ciidan.

Fordow waa xarunta labaad ee ugu weyn Iran ee tayeynta Nukliyeerka Natanz. Dhismahan ayaa si qoto dheer looga dhisay buur u dhow magaalada Qom, oo qiyaastii 95 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan Tehran.

Bishii Maarso 2023, hay'adda caalamiga ah ee tamarta Atoomikada waxay ogaatay in walxaha kobcinta uranium-ka uu gaaray 83.7 boqolkiiba xarunta, taas oo aad ugu dhow tayeynta heerka hubka.

Iran ayaan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay balse waxay ku tilmaantay mid halis ah.