Mareykanka oo shaaciyay waqtiga ay Iiraan ku sameysan karto Nukliyeer ka dib weerarkii xarumaheeda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in weerarrada dalkiisa ay dib u dhigeen barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan muddo tobanaan sano ah, ayaa wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka (Pentagon) waxay Arbacadii sheegtay in weerarradu ay dib u dhigeen barnaamijka ilaa laba sano.
"Waxaan waxyeello u geysanay barnaamijkooda ugu yaraan hal ilaa laba sano, taasina waa qiimeynta sirta ah ee Wasaaradda Difaaca ay ogaatay," afhayeenka Pentagon Sean Parnell ayaa sidaa u sheegay suxufiyiinta.
"Waxaan aaminsanahay inay u badan tahay inay ku dhow dahay laba sano," ayuu raaciyay.
"Dhammaan xogaha sirdoon ee aan aragnay ayaa noo horseedaya inaan rumeysanno in gebi ahaanba la burburiyay xarumaha Iiraan" ayuu yiri Parnell.
22-kii Juun, dayaaradaha Mareykanka ee B-2 ayaa weerar ku qaaday saddex xarumood oo Nukliyeerka oo Iiraan ah, iyaga oo adeegsaday in ka badan 12 bam oo kiiba uu yahay 13,600-kilogram bambaanooyin daloolisada loo yaqaano iyo in ka badan 20 gantaallada Tomahawk ee loo yaqaano.
Waaberigii 13-kii Juun, Israa'iil waxay qaadday weerar militari oo lama filaan ah oo ay ku bar-tilmaameedsatay xarumaha militariga iyo Nukliyeerka ee Iiraan, oo ay ku jiraan dilal loo geystay hogaamiyeyaal militari iyo saynisyahanno nukliyeer ah.
Duqeymaha Mareykanka ayaa waxaa daba socday muran ku saabsan waxtarka iyo awoodda ay u leeyihiin burburinta barnaamijka Nukliyeerka ee Tehran.

Xigashada Sawirka, Reuters
Muranka socda
Warbixin sirdoon ah oo sir ah oo hordhac ah islamarkana ay soo dusiyeen sirdoonka Maraykanku ayaa shaki galisay saameynta weerarka ka dib markii ay sheegtay in weeraradu ay barnaamijka Iran dib u dhigi karaan bilo, balse aysan gebi ahaan-ba burburin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Khubaro dhowr ah ayaa ka digay in ay u badan tahay in Iiraan ay ka saartay xarunta Fordow kaydka Yuraaniyaamka aadka loo tayeeyay oo ku dhowaa heerka hubka, ka hor inta aan la weerarin, lagana yaabo inay goob kale ku qarisay.
Si kastaba ha ahaatee, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa todobaadkii hore sheegay in uusan ka warqabin wax warar sirdoon ah oo muujinaya in Iiraan ay goobta ka qaadday Yuraaniyam la tayeeyay si ay uga ilaaliso weerarada Mareykanka.
Trump ayaa ku adkeystay in duqeymaha Mareykanka ay ahaayeen kuwo khasaare geystay.
Trump ayaa sheegay in Iiraan ay awoodi wayday in ay halkaasi ka rarto agabka Nukliyeerka ee dhulka hoostiisa yaalay.
Agaasimaha Guud ee Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Tamarta Nukliyeerka, Rafael Grossi, ayaa sheegay in Iran ay dhowr bilood gudahood ku soo saari karto Uranium-ka la tayeeyay.
"Madaxweyne Trump waxa uu fidiyay gogol lagu soo afjarayo dagaalkii 12-ka maalmood ah ee u dhexeeyay Israa'iil iyo Iran iyo baabi'inta, ama burburinta awoodaha Nukliyeerka ee Iran," ayuu yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Pete Hegseth oo saxaafadda kula hadlay xarunta Pentagon-ka.
Laakin wuxuu ku nuuxnuuxsaday wareysi uu siiyay CBS in "teknoolajiyada iyo sayniska aan lagu baabi'in karin bambooyin".
Iiraan ayaa Arbacadii si rasmi ah u hakisay wada shaqayntii ay la lahayd hay'adda caalamiga ah ee tamarta Nukliyeerka ee IAEA, xilli madaxweyne Masoud Pezeshkian uu qalinka ku duugay sharci baarlamaanku ansixiyay oo la xiriira in Iiraan ay joojisay iskaashigii ay hay'adda la lahayd wixii ka dambeeyey weeraradii Maraykanka iyo Israa'iil ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka.
25-kii bishii Juun, maalin kadib markii ay xabad joojintu bilaabatay, baarlamaanka Iiraan ayaa meel mariyay sharci lagu joojinayo wadashaqeynta IAEA, kaasoo kormeerayaashiisu ay la socdeen dhinacyo kala duwan oo la xiriira barnaamijka Nukliyeerka Iran.
Maraykanka ayaa go'aanka Iiraan u arka mid aan la aqbali karin.
Xarumaha Natanz iyo Fordow ee la beegsaday, Iiraan waxay xoojisay uranium ilaa 60 boqolkiiba, taas oo aad uga sareysa 3.67 boqolkiiba xadka uu u dejiyey heshiiskii 2015, laakin wali waxay ka hooseeyaan boqolkiiba 90-ka loo baahan yahay si loo horumariyo madax nukliyeer ah.













