Sharciga muwaadinnimada Maraykanka lagula noqonayo iyo saamaynta uu Soomaalida ku yeelan karo

Dhalashada Maraykanka

Xigashada Sawirka, X

Maamulka Trump ayaa iskudaba ridaya dadaal la xiriira in qaar kamid ah muwaadiniinta Ameerikaanka lagala noqdo dhalashada Maraykanka, taasi oo dhowaan ay shaacisay waaxda caddaalada oo ku jihaynaysa xeer ilaaliyaasha inay muhiimadda siiyaan in sharciga lagala laabto muwaadiniinta gala dambiyada.

''Warqad ayey dowladdu soo saartay bishii la soo dhaafay ee Juun 11, qaybta waaxda muwaadiniinta ee aan ahayn qaybta dambiyada ayaana loo diray, dhowr arrimood ayay ka hadlaysay, qaybta ugu muhiimsan ee dadku xiisayanayaan ayaa waxa ay tahay dadka sharciga lagala laaban karo. Waxyaabaha marka ay rabaan inay diirada saaraan ayaa waxa ay tahay dadka dambiga galay oo kale.

Arrimaha ay carrabka ku dhufteen ee ay leeyihiin qofka sharciga waa looga qaadi karaa waxaa ay yihiin, qofkii waddanka khatar ku ah oo kale, dadka burcadda ah, kooxaha daroogada ka shaqeeya iyo dadka horay dambiga u galay ee aan sheegin markii ay sharciga qaadanayeen'' ayay tiri qareen Jamiila Gurxan oo ah khabiirmuddo dheer ka shaqaynaysay arrimaha socdaalka.

Waxaa kale oo ka mid ah dadka ay saamaynayso dadka sida khaldan u qaatay lacagihii Covid19, sida ay sheegtay.

Muwaadiniinta Maraykanka ee tagay dalkaasi, ka dib markii ay ku dhasheen dibadda ayaa lagu qiyaasaa ilaa 25 milyan.

''Inta badan marka dadka sharciga laga qaadayo waxaa lala tiigsadaa maxkamadda qaybta dambiga, haddii qofka dambi lagu soo oogo oo qaybta dambiyada la soo saaro, waxa uu xaq u leeyahay in dowladu qareen u qabato''.

Saamaynta ay ku yeelan karto Soomaalida

Soomaalida ayaa ka mid ah muwaadiniinta dalkaasi Maraykanka ku nool, iyada oo ay qayb ka noqon karaan dadku uu saameynayo.

''Soomaalida waxa uu u saamayn karaa, inta badan qofka sharciga leh oo kale, haddii dambi lagu soo oogo oo kale ama dowlada waxa ay rabto ha ahaato ama dowlada gobolka ama magaalada ha ahaato. Inta badan laanta socdaalka meesha ma soo gasho, hadiiba sharci dhamaystiran wadanka ku leeyahay, hadda qodobada ay soo saareen ayaa waxaa ka mid ah haddii qof leh dhalasho oo waddanka ku haysta oo anaga aan siinay dhalashada dambi lagu soo oogo oo qareenada dowlada u shaqeeya noo soo gudbiyaan, taas laftirkeeda ayaan sharci kula laaban karnaa, marka taas aad ayay saamayn weyn u yeelan kartaa'' ayey tiri.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Jamiila Gurxan ayaa BBC u sheegtay in aysan caddeyn in ay arrintan ay saamayn ku yeelan karto dadka Maraykanka tagay ee aan ka run sheegin xogta looga diiwaan galiyay ka hor in aysan noqon muwaadiniin Maraykan ah.

''Taas ilaa hadda ma cadda, laakiin ma aysan sheegin sida ay caddeymada ku keenayaan, dowladdan wax kasta ayaa ka suurtoowda oo ka macquul ah inay sameeyaan. Inta badan baarayaasha Maraykanku ma isticmaalaan wadamada shisheeyaha sida wadamada Afrika oo kala ah macluumaadka ka yimaada, maxkamadaha inta badan ma qiimeeyaan, marka taas waa dhici kartaa, wax walba ka filo dowlada Donald Trump uma malaynayo inay tahay wax degdeg ah u dhici kara'' ayey sii raacisay.

Welwelka laga qabi karo arrintan ayaa qareenku sheegtay inuu aad u weyn yahay. ''Welwel weyn ayay keeni kartaa oo arrintu waa ay cusub tahay wax ay ka reebeen ma laha, waxa ay ka dhigeen in qof kasta furi karo kiiska, waxaa kamid ah kaarka caafimaadka oo kale, iyo qaybta (civil) ka maxkamada kiiska ay soo gudbiso oo kale".