Maxkamad Maraykanka ku taalla oo sheegtay in tarxiil la sameeyay uu jabinayo amarkeeda

.

Xigashada Sawirka, AFP

Garsoore heer federaal ah ayaa ka digay in maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump lagu heysto xaqiraad maxkamadeed oo ah inuu koox muhaajiriin ah u tarxiilay Koonfurta Suudaan.

Garsooraha maxkamada Brian Murphy ayaa sheegay in taxiilkaasi uu jabin karo amarkiisii bishii hore ee uu ku diidayay in dawlada Maraykanka ay u diraan dadka soogalootiga ah wadamada saddexaad iyada oo aan la siin "fursad macno leh" oo ay kaga hortagaan masaafurintooda.

Dacwad degdeg ah oo loo gudbiyay garsooraha, qareennada socdaalka ayaa sheegay in diyaarad siday daraasiin qof ay ku degtay Koonfurta Suudaan Talaadadii.

Waa is qabadkii u dambeeyay ee u dhaxeeya Trump iyo maxkamadaha federaalka xilli madaxweynaha Jamhuuriga uu doonayo inuu ka dhabeeyo ballan qaadkii ololaha ee masaafurinta ballaaran.

Qareennada Isbahaysiga Dacwadaha Socdaalka Qaranka ayaa weydiistay xaakim Murphy Talaadadii amar degdeg ah oo looga hortagayo raritaannada, oo ay sheegeen inay ku jiraan muwaadiniinta Myanmar iyo Vietnam.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Garsoorahan oo Biden u magacaabay fadhigiisuna yahay Boston, ayaa u sheegay qareenka Waaxda Caddaaladda: "Waxaan hayaa calaamad xooggan oo muujineysa in amarkaygii horudhaca ahaa la jebiyey."

"Iyada oo loo eegayo waxa la ii sheegay tani waxay u muuqataa inay tahay quursi", ayuu raaciyay, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

Balse qareenka waaxda cadaaladda, Elianis Perez, ayaa sheegay in mid ka mid ah muhaajiriinta oo Burmese ah, lagu celiyay Myanmar, ee aan lagu celin Koonfurta Suudaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay ka gaabsatay inay shaaciso halka laga tarxiilay nin soogalootiga ah oo u dhashay Vietnam. Waxay sheegtay in lagu helay fal dil ah.

Ugu yaraan hal qof oo kufsi geystay ayaa sidoo kale ku jiray dadka la masaafuriyay, ayuu yiri qareenka Waaxda Amniga Gudaha.

Garsoore Murphy ma uusan amrin diyaaradda inay dib ugu laabato Mareykanka, balse wuxuu sheegay in muhaajiriinta ay tahay inay ku jiraan xabsiga dowladda oo " loola dhaqmo si bini'aadantinimo" inta la dhageysanayo.

Waxa uu sheegay in tani ay keeni karto in duulimaadka dadka la taxiilay lagu hayo garoonka diyaaradaha marka ay soo degato.

Garsoore Murphy ayaa soo saaray go'aan 18-kii Abriil kaasoo u baahan in muhaajiriinta sharci-darrada ah ay helaan fursad ay uga doodaan u musaafurintooda dalal aan ahayn dalalkooda.

Ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaar ka mid ah muhaajiriinta loo diri doono Liibiya, xaakim Murphy wuxuu sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay jabinayso xukunkiisa.

BBC-da waxay la xiriirtay Waaxda Amniga Gudaha si ay faallo u bixiso.

Qareenada u doodaya ninka Burma, oo magaciisa lagu sheegay N.M. ee dacwada u gudbinaya maxkamada, ayaa sheegay in macmiilkooda uu ku hadlaayo Ingiriis aan aad loo fahmi karin oo uu diiday inuu saxiixo ogeysiis ah in laga saarayo dalka oo ay u gudbiyeen saraakiisha xarunta socdaalka ee Texas.

Subaxnimadii talaadada qareen ayaa email u soo diray xarunta ka dib markii ay ogaatay in macmiilkeedu aanu ku sugnayn halkii ay ka filayeen. Balse waxaa lagu wargeliyay in laga saaray Mareykanka.

Markii ay weydiisay dalka la geeyay macmiilkeedaa, ayaa loo sheegay sida ku qorneed email ka: "South Sudan."

Horaantii bishaan, Rwanda waxay xaqiijisay inay wadahadalo noocan oo kale ah ay la leedahay Mareykanka, halka Benin, Angola, Equatorial Guinea, Eswatini iyo Moldova dhamaantood lagu magacaabay warbixinnada warbaahinta.

Kiiska masaafurinta Suudaanta Koonfureed ayaa ah isku dhacii ugu dambeeyay ee dastuuriga ah ee u dhaxeeya laba waaxood ee dowladeed ee awoodda leh.