Maxkamad kale oo laashay go’aankii Trump ee tarxiilka muhaajiriinta

Xigashada Sawirka, Reuters
Xaakim seddexaad ayaa xukumay amar ah in maamulka Madaxweyne Trump laga hor istaago qorshaha dalka looga tarxiilayo dadka ay da'dooda yarayd markii ay Maraykanka soo galayeen iyaga oo sharci daro ah.
John Bates oo ah xaakim ka tirsan degmada Columbia ee Mareykanka ayaa sheegay in ujeedada laga lahaa in waddanka laga xagameeyo dadkan da 'dooda yartahay aysan dowladda wax cadayn ah aysan u haynin.
Garsoore Bates ayaa dowladda siisay muddo 90 maalmood ah oo aysan qaadi Karin wax tallaabo ah oo ka dhan ah dadkan muhaajiriinta ah oo hadda dad waaweyn.
Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa mar go'aankan mid la mid ah ay qaateen xaakimiinta jooga New york iyo San Francisco.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa joojiyey barnaamij horay loo sharci galiyey xilligii Obama oo loogu magac daray DACA, kaas oo illaalinaya xaquuqda 800 kun oo qof oo ku nool dalka Mareykanka,waxa uuna sheegay inuu gabi ahaanba baabi'in doono barnaamijkas bisha maarso sanadkan. Waxayna taas micnaheedu tahay in dadkaas la wada tarxiili doono haddii Trump uu u hirgali qorshihiisan.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in barnaamijkan si khaldan loo isticmaalay iyadoo tirada dadka sida sharci darrada ah dalka ku soo gala ay sii kordhayso ,wuxuuna dalka Mexico ku eedeeyey inaysan ilaalinin ammaanka xudduuda labada dal.
Waxa uuna ugu yeeray xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga inay meel mariyaan sharci adag oo ka dhan ah dadka soogalootiga .
Dadka loo diwaangaliya barnaamijka DACA ayaa looga baahanyahay inay ka yaryihiin 30 sano ayna macluumaadkooda shakhsi ahaaneed sida cinwaanka guryahooda ay la wadagaan waaxda nabad sugidda dalka .










