Maraykanka oo hoos u dhigay shaqaalaha saldhiggooda diyaaradaha ee Qadar
Maraykanka ayaa dhimaya tirada shaqaalaha ka jooga saldhiggiisa cirka ee Al-Udeid ee dalka Qadar, sida ay sheegtay CBS News oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka, tallaabadaas oo ay saraakiishu ku tilmaameen “tallaabo taxaddar ah”.
Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday go'aan kale oo ka dhan ah Soomaalida
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxwayne Trump
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa joojinaysa dhammaan dadka socdaalka ah ee ka imanaya Soomaaliya, sida ay baahisay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.
Baaritaan gudaha ah ayaa lagu ogaaday in “inta badan muhaajiriinta Soomaaliyeed ay qaataan kaalmada bulshada (welfare) marka ay yimaadaan Maraykanka.”
“Muddo sanado ah, muwaadiniin ajnabi ah oo ka yimid Soomaaliya ayaa soo galay Maraykanka kana faa’iidaystay hantida canshuur-bixiyeyaasha Maraykanka, iyagoo ay ka mid tahay qaadashada kaalmada bulshada heerar aad u sarreeya., maamulka Trump wuxuu adeegsanayaa awoodda muddada dheer u taallay Waaxda Arrimaha Dibadda si loo joojiyo ku-takri-falka nidaamka socdaalka,” ayuu sheegay Afhayeen Ku-xigeenka Waaxda Arrimaha Dibadda .
Sadio Mané oo caawa soo afjaray rejadii Mo salah ka dib guushii Senegal
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sadio Mané (dhexda) ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee AFCON 2025, isagoo u diray horyaalladii 2021 inay gaaraan ciyaarta kama dambaysta ah.
Sadio Mané ayaa dhaliyay goolka guusha, kaddib markii Senegal ay garaacday Masar, una gudubtay ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Qaramada Afrika 2025 (AFCON).
Guusha Senegal waxay soo afjartay rejadii Maxamed Salah ee ahayd inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee qaarada, kaas oo lagu qabanayo Morocco.
Mané ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaar taxaddar badan lahayd iyadoo 12 daqiiqo ay ka harsan tahay ciyaarta ka dhacday Tangier, isagoo kubbad lugta midig ah ku hubsaday gudaha goolka.
Tani waa markii saddexaad ee weeraryahanka Senegal uu ka adkaado saaxiibkiisii hore ee Liverpool kulan caalami ah oo miisaan culus leh.
Labada guul ee horeba waxay dhaceen afar sano ka hor, markaas oo dalalka Galbeedka Afrika ay Masar kaga adkaadeen rigoorayaal, labadaba finalkii AFCON 2021 iyo kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka FIFA 2022.
Wasaaradda gaashaandhiga ee soomaaliya ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Jeneraal Jimcaale kana soo ambabaxay magaalada Garoowe, ay gaareen magaalada Laascaanood.
Sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda cutubyadan ayaa ka qeyb qaadan doona sugidda amniga guud iyo diyaargarowga soo dhoweynta rasmiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, kuwaas oo la filayo inay dhowaan tagaan magaalada Laascaanood.
Magaalada Laascaanood ayaa martigelin doonta munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha iyo maamulka Dowladda Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Saxiibadii hore ee Liverpool Sadio Mane iyo Maxamed Saalax ayaa isku wajahaya ciyaarta kii raaya uu ugu gudbayo kama dambaysta koobka.
Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbar-dhac eber iyo eber.
Ingiriiska oo isaguna la baxay qaar kamid ah ciidamada ka jooga Qadar
Xigashada Sawirka, Ben Birchall/PA Wire
Qoraalka sawirka, Ciidamo
Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa dhimaya tirada
shaqaalaha ka jooga saldhigga diyaaradaha ee Al-Udeid ee dalka Qadar, xilli
madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in tallaabo uu ka qaado
Iiraan, kaddib howlgallada adag ee ay ku qaadeen dibadbaxyaasha dhigaya banaabaxyada
ka dhanka ah dowladda.
BBC ayaa fahansan in qaar kamid ah shaqaalaha ciidamada Ingiriiska sidoo kale iyagana laga soo saaray Qadar.
Bayaan ay soo saartay dowladda Qadar ayaa lagu sheegay in
tallaabooyinka la sheegay in Maraykanku qaadayo ay yihiin “kuwa looga jawaabayo
xiisadaha ka taagan gobolka xilligan”.
Trump ayaa horay u sheegay in Maraykanku qaadi doono
“tallaabo aad u adag” oo ka dhan ah Iiran haddii ay mas’uuliyiintu fuliyaan
dilka dibadbaxayaasha.
Iiran ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto haddii
Maraykanku weeraro.
Iiraan oo sheegtay inay hub iyo ciidanba diyaar ka tahay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Ciidamada
Ilaalada Kacaanka ay muujiyeen diyaar-garow dagaal iyo koror ku yimid kaydka
gantaallada.
Sida ay wakaaladda Reuters sheegtay, kaydka gantaallada
Iiraan ayaa kordhay tan iyo dagaalkii 12-ka maalmood socday ee ay la gashay
Israa’iil sannadkii hore, sida uu Arbacadii sheegay Taliyaha ka tirsan Ilaalada
Kacaanka, Jeneraal Majid Mousavi, isagoo la hadlayay warbaahinta dowladda.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib hanjabaadaha faragelinta ee
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, xilli ay Iiraan ka socdaan dibadbaxyo ka
dhan ah dowladda.
“Waxaan joognaa heerkii ugu sarreeyay ee diyaar-garowga,”
ayuu Mousavi ku sheegay hadal ay soo xigatay warbaahinta dowladda, isagoo intaa
ku daray in khasaarihii dagaalka laga soo kabtay, isla markaana wax-soo-saarka
waaxyaha kala duwan ee ciidanka hawada sare ee Ilaalada Kacaanka uu ka sarreeyo
heerkii uu ahaa ka hor bishii Juun 2025.
Madaxweynaha Jubbaland oo ugu baaqay Somaliland in xalka ay Soomaali ka raadiso
Madaxweynaa Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay arrimaha Somaliland ayaa sheegay xalkooda uu ka jiro Soomaalida ayna tahay in aysan ka raadin meel kale.
''Somaliland cabasheey muddo badan ka hadlayeen waxay sheeganayaan duruufo hore iyo in dhibaato soo gaartay ay jirto, laakiin waxaan oran lahaa Somaliland meesha aad ka raadinaysaan idinkama jirto, baahidiina iyo waxa aad u baahan tihiin iyo la xaajoodkiina Soomaali buu idinkala jiraa, Soomaali beeyna ku xiran tahay, wixii xal ah ee aan raadnaynona aan Soomaalinimo ku raadino, maal kale oo xal laga raadin karaa ma jirto, taasaa asal u ah'' ayuu yiri.
Axmed Madoobe ''Dowlada dhexe ee Soomaaliya ayaa sabab u ah wax badan oo sii kala fogaansho ama burbur keenaya
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Madaxweynaa Jubblanad Axmed Madoobe
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ka hadlayay kalfadhigii labaad ee baarlamanka Saddexaad ee Jubbaland ayaa sheegay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sabab u tahay wax badan oo kala fogaansho ah ama burbur keenaya
''Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadaa sabab u ah wax badan oo sii kala fogaansho ah ama burbur keeni karaya sababto oo ah waxa ay noqotay dowlad,nidaamkii dowladnimo, ilaalintii nidaamka oo ay noqoto koox yar oo wax deydey ah oo xalkii siyaasada dibadda iyo tii gudaha intaba dayacday''
Maraykanka oo hoos u dhigay shaqaalaha saldhiggooda diyaaradaha ee Qatar
Xigashada Sawirka, TSGT Scott Reed, USAF
Qoraalka sawirka, Saldhigga cirka ee ciidamada Maraykanka
Maraykanka ayaa dhimaya tirada shaqaalaha ka jooga
saldhiggiisa cirka ee Al-Udeid ee dalka Qadar, sida ay sheegtay CBS News oo ah bahwadaagta
BBC ee Maraykanka, tallaabadaas oo ay saraakiishu ku tilmaameen “tallaabo
taxaddar ah”.
Bayaan ay soo saartay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in
tallaabadan la qaaday “iyadoo laga jawaabayo xiisadaha ka taagan gobolka
xilligan”.
Arrintan ayaa imanaysa kaddib markii madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump uu sheegay in Maraykanku qaadi doono “tallaabo aad u adag” oo ka
dhan ah Iiran haddii ay mas’uuliyiintu fuliyaan dilka dibadbaxayaasha ka soo
horjeeda dowladda.
Iran ayaa sheegtay inay ka aargudan doonto haddii Maraykanku
weeraro.
Sida ay sheegayaan ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, in ka
badan 2,400 qof oo dibadbaxayaal ka soo horjeeda dowladda ayaa lagu dilay
banaabaxyada ka dhanka ah dowladda Iiraan.
Cirro ''Soomaaliya waa ku jabaysaa haddii ay Somaliland kusoo duusho''
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada in Soomaaliya ay ku jabayso haddii ay kusoo duusho Somaliland
''Soomaaliya haddii ay kusoo duusho Jamhuuriyadda Somaliland sidii barigii hore ugu jabtay duulaankeedii si ka xun bay ugu jabi-doontaa, reer Somaliland waa u diyaar difaacidda dalkooda'' ayuu yiri.
Cirro ''Warqada aan u qoray Ra'iisul wasaaraha Israa'iil mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga''
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu warqada uu u qoray ra'iisul wasaaraha Israa'iil mid lamid ah uu u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, uusana midkoodna u soo jawaabin.
"Warqada aan u qoray
Ra'iisul mid la mid ah ayaan u qoray Sucuudiga, Masar iyo Turkiga, midkoona
iima soo jawaabin , balse rabitaanka shacabigeyga waxaa ka soo jawaabey
Dawladda Israa'iil." ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro.
Iiraan oo dardar-gelinaysa Maxkamadaynta dadka loo xiray Mudaharaadyada
Xigashada Sawirka, iranprimer
Qoraalka sawirka, Maxkamad ku taala Iiraan
Iiraan ayaa sheegtay inay dardar-gelin doonto maxkamadaynta
dadka loo xiray mudaharaadyadii ka dhanka ahaa dowladda, iyada oo ay socdaan
aaska dibadbaxayaal badan. Qoyska Erfan Soltani, oo lagu xiray mudaharaadyo ka
dhacay magaalada Karaj, ayaa sheegay in loo sheegay in maanta la dili karo.
Ururka xuquuqda aadanaha ee fadhigiisu yahay Maraykanka,
Hrana, ayaa sheegay in in ka badan laba kun iyo shan boqol oo qof lagu dilay
mudaharaadyada, kuwaas oo ay ku jiraan laba iyo toban carruur ah.
Telefishinka dowladda Iiraan ayaa baahinaya muuqaallo
muujinaya dad aad u tiro badan oo ka qayb-galaya xafladaha aaska ee in ka badan
boqol xubnood oo ka tirsan ciidamada ammaanka iyo kuwo kale oo ay ugu yeeraan
shuhado.
Donald Trump ayaa ku hanjabay tallaabo adag haddii Iiraan ay
daldasho mid ka mid ah dibadbaxayaasha.
Ma ogtahay in 30 dal aad fiiso la'aan ku tagi karo hadii aad sidato baasaboorka Soomaaliya
Xigashada Sawirka, Baraha bulshada
Qoraalka sawirka, Baasaboorka Soomaaliya
Baasaboorka Soomaaliga ayaa u muuqda mid si isa taraysa u soo ceshanaya maqaamkii uu ku lahaa masraxa caalamka, taasoo astaan u ah xiriirka diblomaasiyadeed ee sii kordhaya iyo dib u soo kabashada dalka, ka dib tobanaan sano oo ah go'doon, amni darro iyo masiibooyinka dabiiciga ah.
Tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye 1991-kii, Baasaboorka Soomaaliga waxaa lagu sameeyay isbedello is-bedel ah oo ay ka mid tahay in la sameeyo nooc casri ah oo muddo shan sano ah soconaya.
Qoraalka sawirka, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ammaanay doorka Sacuudiga ee taageerada Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku yiri ''Boqortooyada (Sacuudi carabiya) iyo boqorka Xaramaynku waa sharfan yihiin Allaha barakeeyo, waxay inoo muujiyeen garab istaag walaaltinimo oo ku qotoma taariikh iyo caqiido''
Safaarada Maraykanka "Waa been abuur, ma aynu soo saarin digniin safarka Laacsaacood"
Xigashada Sawirka, Safaarada Maraykanka
Qoraalka sawirka, Safaarada Maraykanka
Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda bulshada ku sheegtay inay been abuur tahay qoraal la isla dhex marayay oo ahaa in ay digniin safaaradu kasoo saartay safarka Laascaanood.
"WAR BEEN ABUUR AH!
Safaaradda Mareykanka ma soo saarin digniin amni oo ku saabsan safarka Lascanod. Fadlan la soco boggayaga rasmiga ah iyo akoonnada baraha bulshada si aad u hesho macluumaad lagu kalsoonaan karo" ayaa lagu yiri qoraalka safaarada.
Ilhaan Cumar ''ICE haka baxdo gobolkeena, waa in argagaxa la joojiyaa''
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto Minneapolis ayaa wareysi ay bixisay ayaa ku sheegtay in la qasay nolosha dadka.
''Waxaan rabnaa ICE in ay isaga baxdo gobolkeena'' ayay tiri, iyada oo intaasi raacisay ''Waxaynu doonaynaa in la joojiyo argagaxa''
Xigashada Sawirka, The new yorker
Qoraalka sawirka, Ilhaan Cumar
Trump oo ka digay "tallaabo culus" hadii qof la daldalo iyadoo tirada dhimashada Iran ay korortay
Xigashada Sawirka, Hengaw Organization for Human Rights
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku uu qaadi
doono "tallaabo aad u adag" oo ka dhan ah Iran haddii ay disho
dibad-baxayaasha, ka dib markii uu horay ugu sheegay dadka reer Iran "caawimaad
ay soo sosocto".
Arintan ayaa imaneysa iyadoo qaraabada Erfan Soltani, oo 26
jir ah, oo la xiray todobaadkii hore, iyagoo sheegay in maanta la qorsheeynayo
in la dilo.
In ka badan 2,400 oo mudaaharaadayaal ah oo ka soo horjeeda
dawladda ayaa lagu dilay olole rabshado ah oo ay sameeyeen maamulka Iran, sida
ay sheegtay koox xuquuqda aadanaha oo saldhigeedu yahay Maraykanka.
Trump waxa uu ka fiirsanayay ciidan iyo xulashooyin kale oo
jawaab ah, isaga oo horay u shaaciyay 25% canshuur ah oo la saarayo dal kasta
oo ganacsi la sameeya Iran.
Trump duulaan ma ku qaadi karaa Iiraan?
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa lala wadaagay xulashooyin ballaaran oo ay ka mid yihiin hawlgallo qarsoodi ah iyo kuwo ciidan oo loo adeegsan karo Iiraan, sida ay laba sarkaal oo ka tirsan Waaxda Difaaca Maraykanka u sheegeen warbaahinta CBS News, oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka.
Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay canshuur 25% ah oo lagu soo rogo badeecadaha ka imanaya waddamada xiriir ganacsi la leh Iiraan, xilli ururrada xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in ka badan 600 dibadbaxayaal ah lagu dilay mudaharaadyada ka dhanka ah dowladda ee soconaya saddexda toddobaad.
Mareykanka oo digniin amni u diray muwaadiniintiisa jooga Iiraan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Safaaradda
Mareykanka ee Iiraan ayaa digniin amni u dirtay muwaadiniinta Mareykanka eek u sugan
dalka Iran, iyadoo ku amartay inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan
Bayaanka
lagu daabacay bogga internetka ee Safaaradda Mareykanka ayaa lagu yiri in:
"mudaharaadyada ka socda Iiraan ay sii kordhayaan, waxaana jira cabsi laga
qabo inay isu beddelaan rabshado, taasoo keentay kororka tirada dadka la xiray
iyo dhaawacyada. Tallaabooyinka amniga ayaa la adkeeyay, waddooyinka waa la
xiray, gaadiidka dadweynaha ayaa hakad galay, adeegyada internetkana waa la
joojiyay”.
“Dowladda
Iiraan waxay xaddiday adeegsiga taleefannada. Shirkadaha diyaaradaha waxay
xaddideen ama joojiyeen duulimaadyadii u socday iyo kuwii ka imanayay Iiraan,
halka dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay joojiyeen adeegyadooda," ayaa
lagu yiri bayaanka.
Mas'uuliyiinta
Mareykanka ayaa muwaadiniintooda ku amray inay si degdeg ah uga baxaan Iiraan,
sida lagu sheegay bayaanka, iyagoo intaas ku daray haddii ay suurtogal tahay,
inay maraan dhulka oo ay tegaan dalalka Turkiga ama Armenia.
Hay'adaha
xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in helitaanka xogta saxda ah ay adag maadaama
uu Khadka go’an yahay, laakiin xogaha la helay ayaa sheegaya in tirada
dhimashada ay sii korodhay.
Kooxda xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.
Kooxdu waxa ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.
Tiradani ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.
Kooxda
xuquuqul insaanka ee Hrana, oo saldhigeedu yahay Maraykanka, ayaa sheegtay in
tirada dadka ku dhintay dibadbaxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan
dalka Iran ay ka badan tahay laba kun iyo shan boqol oo qof.
Kooxdu waxa
ay sheegtay in laba iyo toban ka mid ah dadka dhintay ay yihiin carruur.
Tiradani
ayaa la shaaciyay xilli madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku boorriyay
dadka reer Iran inay sii wadaan dibadbaxyada.
Waxa uu tii talaadada
u sheegay weriyeyaasha, inuu isku dayayo inuu soo ururiyo tiro sax ah oo ku
saabsan tirada dadka dhintay oo uu si waafaqsan uga jawaabi doono.
Mr. Trump
wuxuu la tashanayay la taliyayaashiisa amniga qaranka.