QM oo sheegtay gargaarka Qaza in aan weli la qaybin iyo culays caalami ah oo Israa'iil soo food saaray

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay in aan weli wax gargaar ah laga qaybin Qaza, in kasta oo baabuurta xamuulka ah ee gargaarka ay bilaabeen in ay ka gudbaan xadka ka dib 11 toddobaad oo xannibaado ah.
Saraakiisha Israa'iil ayaa sheegay in 93 baabuur oo xamuul ah ay galeen Qaza Talaadadii, kuwaas oo siday gargaar ay ka mid yihiin bur, cuntada caruurta, qalab caafimaad, iyo dawooyin.
QM ayaa intaa ku dartay in inkasta oo baabuurta xamuulka ah ay gaareen dhinaca Falastiiniyiinta ee Kerem Shalom aysan ilaa iyo hadda jirin wax gargaar ah oo la qaybiyay.
Afhayeenka xooghayaha guud ee QM Stephane Dujarric ayaa sheegay in kooxdu ay "sugeen dhowr saacadood" si ay Israa'iil ugu ogolaato inay galaan goobta, laakiin "nasiib darro, ma aysan awoodin inay sahaydaas soo geliyaan bakhaarkayaga".
Israa'iil ayaa Axaddii ogolaatay "cunto aasaasi ah" inay gasho Qaza, halkaas oo khubarada caalamku ay ka digeen macaluul ku soo fool leh.
Laakiin cadaadiska caalamiga ah ee Israa'iil ayaa sii kordhay.
Ingiriiska ayaa sheegay in uu joojin doono wadahadalada ganacsi, sababtuna ay tahay in ay Israa'iil ku sii kordhinayso milatariga Qaza kuwaasi oo aan la hayn qiil, iyada oo Ra'iisul Wasaare Sir Keir Starmer uu ku tilmaamay xaaladda mid aan loo dulqaadan karin.
Dhanka kale, Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Kaja Kalas ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameyn doono heshiiska ganacsi ee ay la leeyihiin Israa'iil iyadoo la eegayo falalka ay ka waddo Qaza.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dujarric wuxa uu sheegay in hawlgalka gargaarka laga dhigay "mida adag" iyada oo Israa'iil ay u sheegtay QM inay uga baahan tahay "in ay ku dejiso sahayda dhinaca Falastiin ee Kerem Shalom, ayna dib u rarto si gaar ah marka ay u hubiyaan gelitaanka kooxaheenna ee gudaha marinka Qaza".
Waxa uu intaa ku daray in imaatinka sahaydu ay tahay horumar wanaagsan balse waxa uu ku tilmaamay "tiro iyo dadaal yar oo farqi sameyn".
Hay'adaha Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay 600 oo baabuur oo xamuul ah maalintii in loo baahan yahay si ay wax uga qabtaan dhibaatada bini'aadantinimo ee Gaza.
Madaxa bini'aadantinimada ee Qaramada Midoobay Tom Fletcher ayaa BBC-da u sheegay in kumannaan carruur ah ay ku dhiman karaan Qaza haddii Israa'iil aysan si degdeg ah u oggolaan gargaarka.
Isaga oo la hadlayay barnaamijka maanta ee BBC-da, Mr Fletcher ayaa yiri: "Waxaa jira 14,000 oo carruur ah oo dhiman doona 48-da saacadood ee soo socda haddii ayaynan gaarin."
Waxaa wax laga weydiiyay sida ay tiradaasi kula yimaadeen, waxaana uu sheegay inay jiraan "kooxo xooggan oo deegaanka ku sugan" oo ka shaqeeya xarumaha caafimaadka iyo dugsiyada-laakiin ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
BBC-da ayaa markii dambe weydiisay in la caddeeyo tiradaas xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini'aadantinimada (UNOCHA), kaasi oo yiri: "Waxaan ku soo jeedinaynaa lagama maarmaanka ah in sahayda la keeno si loo badbaadiyo qiyaastii 14,000 oo caruur ah oo la ildaran nafaqo-xumo ba'an oo Qaza ah, sida bahwadaagta IPC ay ka digtay. Waxaan u baahanahay inaan saadka ku helno sida ugu dhaqsaha badan saacadaha soo socda."
Waxa ay iftiimisay warbixin ka soo baxday IPC oo lagu sheegay 14,100 xaaladood oo nafaqo-xumo ba'an ah in la filayo inay ku dhacdo carruurta da'doodu u dhaxayso lix ilaa 59 bilood inta u dhaxaysa Abriil 2025 iyo Maarso 2026.
Toddobaadkii hore, maamulka wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in 57 carruur ah ay u dhinteen nafaqa-daro 11-kii toddobaad ee la soo dhaafay.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii soo dhaweeyay go'aanka Israa'iil ay ku ogolaatay xoogaa mucaawino ah oo gala Qaza, isaga oo u sheegay guddiga xiriirka arrimaha dibadda ee Senate-ka: "Waan ku faraxsanahay inaan aragno in gargaarka uu bilaabay inuu mar kale soo galo."
Isaga oo u jawaabayay Dimuqraadi sheegay in tirada baabuurta gargaarka ee loo ogol yahay in ay aad u yar tahay, Rubio ayaa yiri : "Waan fahmay qodobkaaga in aanay ahayn xaddi ku filan, laakiin waanu ku faraxsanahay in aanu aragnay in go'aanka la gaaray."
Isniintii, hogaamiyayaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Canada ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan xukuumadda Israa'iil inay "joojiso howlgalkeeda militari" "si degdeg ahna u ogolaato gargaarka bini'aadanimo inuu galo Qaza".
Iyada oo qayb ka ah ku dhawaaqisteeda maanta, Ingiriiska waxa ay sidoo kale soo saartay cunaqabatayn lagu soo rogay dhowr ka mid ah dadka caanka ah ee xoog deegaamaysi Israa'iil iyo kooxaha lala xiriirinayo.
Israa'iil ayaa Qaza ka billowday olole millatari oo ay kaga jawaabayso weerarrada xudduudaha ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo qiyaastii 1,200 qof lagu dilay 251 kalena lagu qafaashay.
Ugu yaraan 53,475 qof ayaa lagu dilay Qaza tan iyo markaas, oo ay ku jiraan 3,340 oo iyagana la dilay tan iyo markii Israa'iil dib u billowday weerarada, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.










