Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda F-16

F-16

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters sanadkii 2007 dii, dowladdii madaxweyne Bush ayaa waxay heshiis la gashay dowladda Morocco, kaa oo ay ka iibsiay 24 diyaaradaha F-16, oo qiimahoodu ku kacayay $2.4 billion oo doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale 2019 kii ayaa mar kale Morocco waxay heshiis diyaarado iibsi ah la gashay dowladda Maraykanka, kaa oo ay doonaysay in ay ku iibsato diyaarado cusub oo F-16 ah, iyo sidoo kale in loo dayactiro kuwii ay horay uga iibsatay Maraykanka.

heshiiskaas ayaa ku kacayay ku dhawaad $4 billion oo doolarka Maraykanka ah.

Inta la ogyahay labadaan waddan ayaa Afrika oo idil ka haysta diyaaradaha dagaalka ee F-16.

F-16

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sida loo adeegsado F-16

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

30 Jannaayo 2026

Iyada oo loo naqshadeeyay qaab yar, oo hadana fudayda ka dhigaya kuna haboon dagaalka hawada, F-16 waxay qaadatay doorar aad u badan oo kala duwan, laga bilaabo weerarada dhulka ilaa iyo kuwa looga hortagga maraakiibta iyo xita doorarka qaadista sawirada sahaminta ganista gantaalaha hawada isaga kala goosha. Tan iyo 2015, waxay ahayd tiradii ugu badnayd ee diyaaradaha milatariga adduunka; in ka badan 2,000 ayaa loo malaynayaa inay weli si firfircoon uga faa'iidaystaan caalamku maanta.

Dhirirka diyaaradaan ayaa ah 15 mitir, waxayna leedahay baal dhirirkiisu gaarayo 9.45 mitir. Waxay ku shaqeysaa matoor koronto dhaliya, kaas oo soo saara 130 kilonewtons oo awooda wax riixda ah, taa oo ku dardargelinaysa diyaaradda in ay ku dhaqaaqdo in ka badan laba jeer xawaaraha codka. Hubka ay xambaarto waxaa ka mid ah madfac wareeg ah oo 20-milimitir ah iyo sidoo kale gantaalo ku rakiban baalasha hoostooda. F-16 waxa uu miisaankeedu yahay 10,000 kg.

Sababaha ay ciidamada cirku ee wadamo badan ay wali u rabaan F-16s waxaa ka mid ah qaabka loo naqshadeeyay iyo casharo adag oo laga bartay dagaalkii hawada ee Vietnam.

F-16 waxay leedahay, Qarniga 21-aad, muhiimad la mid ah tan ay leyihiin diyaaradaha loo adeegsado weerarada dhulka ah - ma ahan wax naqshadeeyayaasheedu ay maanka ku gayeen ama ku dareen sawirada bogaga naqshadeynteeda horraantii 1970-meeyadii. La qabsigaas ayaa u saamaxday in ay qabato doorar aad iyo aad u badan, taas oo ka dhigtay mid soo jiidasho leh oo soo jiidata ciidamada cirka. "Halka uu khilaaf ka jiro, waxaa laga yaabaa inay jirto F-16 ama ay ku lug leedahay," ayuu yiri Robinson oo ah Khabiir ku takhasusay duulista hawada oo ka tirsan Royal Aeronautical Society ee UK.

Naaneysta asalka ah ee F-16 wuxuu ahaa "Fighting Falcon", laakiin magacu waligiis ma xayirin, ayuu intaa ku daray Robinson. "Qofna waligiis ma isticmaalo. Waxay ugu yeeraan Viper, sababta oo ah waxay soo baxday dabayaaqadii 70-meeyadii isla waqti la mid ah [taxanha TV ga] Battlestar Galactica. Waxay u egtahay Viper Colonial, "Robinson ayaa sidaas leh, isaga oo ku micneynaya gantaalaha hawada sabeeya ee lagu soo bandhigay filmkaas. "Weli waxay u muuqataa inay mustaqbalka iska leedahay oo sii jiri doonto."