Dalalka soonkoodu dheeraan doono sannadka 2026

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jadwalka Islaamka ee sanadka 2026 ayaa la filayaa inuu ka billowdo Talaadada, 17-ka Febraayo ama Arbacada, 18-ka Febraayo, gudaha Nigeria iyo dalal kale oo badan oo caalamka ah.
Soonka bisha Ramadaan waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, waana mid waajib ku ah dhammaan Muslimiinta adduunka, haddii ay buuxiyaan shuruudaha soonka.
Ramadaanta waxaa la soomaa 29 ama 30 maalmood, laga bilaabo waaberiga ilaa qorrax-dhaca.
Si kastaba ha ahaatee, waqtiga soonku wuu kala duwanaanayaa, taasoo keenta in saacadaha soonka ay ku kala geddisnaadaan dalal badan oo caalamka ah.
Xilliga xagaaga, dalalka waqooyiga sida Yurub waxay leeyihiin maalmo aad u dhaadheer ka hor waaberiga, halka dalal ka mid ah Afrika ay la kulmaan kuleyl aad u daran xilliga xagaaga, taasoo ka dhigaysa xilliyadooda soonka kuwo ka duwan dalalka kale.
Iyadoo la eegayo kala duwanaanshahan waqtiga, BBC ayaa falanqeysay saacadaha soonka ee dalal kala duwan oo caalamka ah.
Si loo fahmo sababaha ka dambeeya kala duwanaanshaha waqtiga soonka ee dalalka kala duwan, BBC ayaa la hadashay xubin ka tirsan Guddiga Aragtida bisha Ramadanee Nigeria, Simwal Usman Jibril, kaas oo sheegay in ay jiraan arrimo badan oo la tixgeliyo.
Wuxuu sheegay in inkastoo soonku waajib ku yahay qof walba, haddana muddada soonka maalinlaha ah ay aad u kala duwan tahay, isla markaana waxa ay ku xidhan tahay cimilada iyo xilliga sanadka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Simwal Usman Jibril ayaa sidoo kale sheegay in soonka ugu dheer laga helo waqooyiga Yurub iyo gobollada Arctic-ga, halkaas oo iftiinka qorraxdu sii kordho ilaa fiidkii inta lagu jiro xilliga xagaaga.
Magaalooyinka leh waqtiyada soon ee ugu dheer waxaa ka mid ah:
Tromsø – Norway: qiyaastii 20 ilaa 22 saacadood
Reykjavík – Iceland: qiyaastii 20 ilaa 21 saacadood
Murmansk – Russia: ku dhowaad 20 saacadood
Stockholm – Sweden: qiyaastii 18 ilaa 19 saacadood
Marka laga hadlayo sababta ay magaalooyinkani u leeyihiin waqtiyo soon oo dheer, khabiirku wuxuu sheegay:
"Sababtu waa inay aad uga fog yihiin khadka dhulbadhaha (equator), halkaas oo saacadaha iftiinka maalintu si weyn u kordhaan marka xagaagu soo dhowaado."
Wuxuu intaas ku daray in marka bisha Ramadaan ay ku beeganto xilliga u dhow xagaaga, qorraxdu ay muuqato muddo dheer, taasoo dheereyneysa waqtiga soonka.
Sida uu sheegay,
"Maadaama Ramadaanku uu ku saleysan yahay jadwalka dayaxa ee Islaamka, kaas oo qiyaastii 10 ilaa 11 maalmood ka gaaban sanadka qorraxda, bisha Ramadaan way isbeddeshaa sanad walba, taasna waxay keentaa in saacadaha soonka ay sannad kasta is beddelaan."
Waxa uu sidoo kale xusay in xaalado adag ay ka jiraan meelaha qaar, mararka qaarkood qorraxdu aysan dhicin, isagoo sheegay in
"culimo Islaami ah ay Muslimiinta ku nool gobolladan siinayaan talo ah inay raacaan waqtiyada dalal kale sida Maka ama meesha ugu dhow ee leh maalin iyo habeen si joogto ah."
Goobaha uu soonku ugu gaaban yahay
Marka laga hadlayo meelaha uu soonku ka gaaban yahay, khabiirku wuxuu sheegay in Muslimiinta ku nool koonfurta dhulka (southern hemisphere) ay la kulmaan waqtiyo soon oo gaaban.
Magaalooyinka leh soonka ugu gaaban waxaa ka mid ah:
Ushuaia – Argentina: qiyaastii 10 ilaa 11 saacadood
Punta Arenas – Chile: qiyaastii 10 ilaa 11 saacadood
Christchurch – New Zealand: qiyaastii 11 saacadood
Cape Town – South Africa: qiyaastii 11 ilaa 12 saacadood
Wuxuu intaas ku daray in haddii Ramadaanku ku beegmo bilaha Maarso ama Abriil,
"wuxuu la jaanqaadaa xilliga dayrta, waana xilli ay maalmaha sii gaabanayaan. Gobolladani sidoo kale kuma yaallaan meel u dhow dhulbadhaha, sidaas darteedna kuma dhaco iftiin qorraxeed aad u daran."
Simwal ayaa sheegay in ay jiraan meelo ka mid ah dalal ku yaalla meel u dhow dhulbaraha (equator), kuwaas oo uusan si weyn isu beddelin waqtiga soonkooda sannad walba.
Magaalooyinka arrintan lagu tusaaleeyo waxaa ka mid ah:
Abuja – Nigeria
Jakarta – Indonesia
Kuala Lumpur – Malaysia
Nairobi – Kenya
Simwal wuxuu sheegay in magaalooyinkan inta badan uu waqtiga soonku u dhexeeyo qiyaastii 12 ilaa 13 saacadood.
Wuxuu sheegay in sababtu ay tahay in yihiin meelaha ku dhow dhulbaraha ay helaan iftiin iyo mugdi qiyaas ahaan isku mid ah sannadka oo dhan, isla markaana ay yaraato kala duwanaanshaha waqtiyada qorrax-soo-baxa iyo qorrax-dhaca.
Sidee loo go'aamiyaa muddada soonka?
Simwal wuxuu sheegay in ay jiraan arrimo lagu go'aamiyo waqtiga iyo muddada soonka. Arrimaha ugu waaweyn ee saameeya muddada soonka waxaa ka mid ah:
Khadka dhulbadhaha ee dunida kala qeybiya
Cimilada
Kala duwanaanshaha waqooyiga iyo koonfurta dhulka
Jadwalka bilaha Islaamka
"Inkastoo saacadaha soonku ay aad u kala duwanaan karaan, Ramadaan waa bil ay Muslimiinta adduunka oo dhan ku cibaadeystaan, ku soomaan, ku tukadaan, sadaqo bixiyaan isla markaana ku dadaalaan camal wanaagsan, iyadoon loo eegin inta uu le'eg yahay waqtiga soonka," ayuu Simwal ku sheegay wareysi uu siiyay BBC Hausa.













