Maxay yihiin dadka aan Muslim ka ahayn ee sooma bisha Ramadaan?

Xigashada Sawirka, AFP
Soonka bisha Ramadaan ayaa ka mid ah cibaadooyinka aasaasiga ah ee Islaamka, waana waajib Alle barakeeyay oo dhaca sanadkii mar.
Balse waxaa su'aal mudan sababta dad aan Islaamka rumaysanayn ama xitaa aan diin oo idil aaminsanayn ay u soomaan bisha Ramadan.
Qaar ka mid ah wadamada Islaamka, gaar ahaan kuwa carabta, waxaa lo ogyahay in jiraan dad muslim ah oo aan cibaadada laasimin inta badan balse sooma bisha Ramadaan. Dadkaas ayaa bulshooyinka carabta qaarkood looga dhex yaqaanaa "soon caabudayaal".
Balse kuwaas ma ahan kuwa aan ka hadlayno, ama xitaa kuwa u sooma si ay isaga yareeyaan cadaadiska uga imaanaya bulshada. Waxaan rabnaa inaan diiradda saarno dad aan diin oo dhan shaqo ku lahayn balse sooma Ramadaanka.
BBC laanteeda afka Carabiga ayaa waxa ay su'aalo waydiisay haween iyo rag ka soo kala jeeda wadamo kala duwan oo carbeed oo arrinkaan sameeya. Maadaama arrimahani ay xasaasi yihiin waxay la galnay shardi ah in aynu xogtooda shaqsiga ah banaanka keenin.
Laba arrimood ayay u badatay jawaata dadkii nala hadlay kuwaas oo kala ah: in ay u sameeyaan sabab ruuxi iyo maskaxeed iyo sabab bulsho iyo qoys.

Xigashada Sawirka, AFP
Ruux nadiifin
Basma, oo u dhalatay dalka Tunisia, waxay ku nooshahay magaalo ku taal Yurub, waxaanay bilawdaa isu diyaarinta bisha Ramadaan toddobaadyo ka hor bilowga bisha. Diin kama ahan mana ku dhaqanto wax caadooyin diimeed ah sanadka oo dhan.
"Hooyaday waxay ahayd qof diin leh oo aad ugu heellan, laakiin markaan weynaaday oo aan gurigayagii ka tagay, waxaan ka caasiyoobay caadooyinkaas, geeridii aabbahay iyo safarkaygii ka dib, Ramadaanku wuxuu qalbigayga ku lahaa meel gaar ah, taas oo ah nooc ka mid ah xusuusihii aan dhaxlay ee aan jaleeco ee la xiriira xilliyadii qoyskeenu isku imaan jireen."
Basma waxay aad u jeceshay soonka, diyaarinta miiska cuntada iyo qurxintiisa, soo iibinta saxanada, go'yaasha, iyo ubaxyo, waxayna ku dadaashjaa inay u yeerto ehelkeeda si isu salaamaan, oo ay maalin walba waydiiso cuntooyinka ay u diyaarinayaan afurka.
Marka laga yimaado Ramadaanka, waxay sanadkii intiisa kale sameysaa soon aan joogto ahayn, iyada oo ku sifaysay caadada noocaan mid ay " ku nadiifineyso ruuxda, ee aan diin ahayn."
Waxa tiri, "Soonku waxa uu jirka siiyaa awood, marka aad soonto waa in aad si taxadar leh u doorataa waxa aad cunayso, tani waxa ay muhiim u tahay caafimaadka iyo edebta maskaxda labadaba, waxa ay sidoo kale wanaajisaa niyaddayda".
Maskax ahaan
Qodobka nafsiga ah ayaa aad muhiim ugu ah Raghad oo ka timid Lubnaan sababtoo ah waxay ku dhaqmeysaa farsamo maskaxda.
Waxay tiri: "Soonku wuxuu ka caawiyaa fekerka iyo inuu maskaxdaada u keeno tamarta garashada, wuxuu kaa caawinayaa inaad maskax ahaan joogto adigoo meesha ka saaraya fikirka cunista, taas oo ka dhigaysa wacyigaagu inuu ka sii jiro meelo kale."
Raghad yaraanteedi iyo koriimadeediiba waxa ay ahayd qof aad u diin iyo cibaado badan, balse sannadihii dambe ee nolosha waxa ay ka tagtay cibaadooyin badan, iyada oo ku qanacday in ay ilaaliso caadada soonka, waayo, sida ay hadalka u dhigtay, "faa'iido ayaa laga helayaa".













