Ramadan 2025: Maxaa sannadkan ku gaar ah bisha Soon?

RAMADAAN

Xigashada Sawirka, YOUTUBE

Sannadkan, waxay dunidu u joogtey dhacdo dhif iyo naadir ah, ka dib markii bilashada bisha Ramadaan ee sannadkan 1446 ay ku beegantay 1-da bisha Maarso 2015, taas oo ah isku aad ay adag tahay in la isla helo. Sababtoo ah bilaha sannadka Hijriga iyo kuwa Miilaadigu isma waafaqaan shintiriska ay ku socdaan oo kala duwan awgood.

Shintiriska Hijrigu wuxuu ku saleysan yahay wareegga dayaxa, bil walbana waxay ka billaabataa marka la arko bilashadeeda. Sannadka Hijrigu wuxuu ka kooban yahay 354 ama 355 maalmood, taas 10 illaa 12 maalmood ka yar kan ku saleysan shintiriska Miilaadiga ee loo yaqaan Gregorian.

Dhanka kale shintiriska miilaadiga (Gregorian) wuxuu ku saleysan yahay cadceedda, taas oo micanheedu yahay in uu la socdo wareegga dhulku ku sameeyo qorraxda. Sannadka Miilaadigu wuxuu ka kooban yahay 365 maalmood. Laakiin xilliyada qaar waxaa dhacda in maalin dheeri ah lagu daro shintiriska si la isku waafajiyo shin sanadeedka sida dhacday 2024, taas oo maalmaha sannadka ka dhigeysa 366 maalmaamood.

Soomaaliya ayaa saacadaha ugu gaaban laga soomayaa 2025

Ramadan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maaddaama meertada sanadka Hijrigu uu ka gaaban yahay kan Miilaadiga, waxaa caado ah in maalmaha, bilaha sanadkuba isguraan, taas oo keeneysa in 33 sano oo kastaba mar ay kulmaan labada shintiris. Waana sababta bilashada Ramadaanku ay sanadba bil gooni ah ugu aaddo marka laga eego bilaha Maalaadiga.

Sidoo kale waxaa isgura saacadaha maalmaha la sooman yahay, iyadoo maalinba maalinta ay ka dambeyso ay soo gurmayaan gooraha la saxuurto iyo kuwa la afuro, taas oo ku qotonta wareegga qorrxda ee xilliyada sannadka. Waxaana saacadaha ugu dheer iyo kuwa ugu gaaban laga soomaa labada cirif ee dunida oo mid marka cadceeddu ka qasoonto ay kan kale ku maqan tahay.

Sida uu sheegayo Eng. Majed Abu Zahra oo madax ka ah urur ay leeyihiin cirbixiyeennada magaalada Jidda ee dalka Sacuudi careebiya, isku aadka bilashada labada shintiris ee 1-da Ramadan 1446 iyo 1-da Maarso 2025, waxay muujineysaa sida ay iskula jaanqaadaan meertada xiddigaha iyo maalmaha adduunku.

Waxaa la saadaalinayaa in bilashada bilahaha Hijriga iyo Maalaadigu ay mar kale isku beegmaan 33 sano ka dib, walow bilahu kala duwanaan karaan.

Sannadkan saacadaha ugu dheer waxaa laga soomayaa magaalada Kiruna ee dalka Sweden, halkaas oo Muslimiintu soomanaan doonaan 20 saacadood iyo 30 daqiiqo.

Marka la eego dunida Islaamka, dalka Soomaaliya ayaa saacadaha ugu gaaban laga soomayaa, taas oo ah 13 Saacadood oo qura.

Sannad labo jeer la sami doono

Ramadan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ramadhaan kasta waxa uu soo durkaa 10 ilaa 11 maalmood, maadaama bilaha sanadka Hijriga ay ka maalmo yar yihiin kuwa sanadka Miilaadiga, taasoo ka dhigan in sanad kasta uu Ramadhaanka u soo dhawaado bisha January.

Kala duwanaanshaha maalmaha labada tirsi ayaa ka dhigan in dhowr iyo sodonkii sano ba sanad Miilaadi ah laba goor la soomo. Markii ugu dambeysay ee taasi oo kale ay dhacday ayaa ahayd sanadkii 1997.

Marka aad eegto kalendarka Sacuudi Carabiya ee sanadka 2030 oo aad ka heli karto timeanddate.com, waxaad arkaysaa in Ramadhaanka koobaad uu billaaban doono 6-da January, halka Ciidda ay ku beegan tahay 5-ta February. Ramadhaanka labaad ayaa ku beegan 26-ka December ee isla sanadkaas.

Taasi ayaa ka dhigan in sanadka 2030 ay Muslimiinta ka soomi doonaan qiyaastii 36 maalmood, Ramadhaan 1451H oo dhamaystiran iyo Ramadhaan 1452H oo ay lix maalmood ka qaadan doonaan.

Sanadka Hijriga ah ayaa ka kooban 354 ama 355 maalmood, halkan kan Miilaadiga uu ka kooban yahay 365 maalmood.

Muslimiinta isticmaala Twitter ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay labada soon ee 2030.