Sida macallinkan diinta Masiixiga dhiga uu u soomo bisha Ramadaan iyo qisada ka qabsatay

Ramadan

Mika Stevens, waa 15 sano jir u dhashay dalka Nederland, wuxuu bilaabay inuu soomo bishan Ramdaan isagoo tilmaamay inuu doonayo in bisha dhan uu soomo.

Wiilkan Mika, ma aha Muslim ee waa macallin diinta masiixiga dhiga, wuxuu BBC News Carabi u sheegay: “Laba sano ka hor, walaalkay iga weyn, oo hadda 18 jir ah, wuxuu bilaabay inuu soomo oo si qarsoodi ah u qaato diinta Islaamka. Ma uusan hubin falcelinta qoyskayga sababtoo ah tillaabada noocaas ah lama aqbalin." Hore ayay uga dhacday qoyskayaga Masiixiyiinta ah."

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri “Laakiin markii ay waalidiintu ka war heleen arrintan oo ay kala hadleen, waxa ay soo dhaweeyeen go’aankiisa, waxa ay u furan yihiin xorriyad iyo dhaqamo kala duwan, aniga oo og in aabbahay aanu diin lahayn, hooyadayna ay tahay Kirishtaan tahayn ayaan haddana soomaa."ayuu yiri Mika.

Wuxuu sheegay in walaalkiis u ahaa Masiixi ilaa uu 16 sano jir ahaa, balse markii uu la hadlay asxaabtisa oo muslimiin ah ka dinba uu akhiryey kutubkta Islaamka uu si qarsoodi ah u qaatay diinta islaamka, Mika wuxuu intaas ku daray in walaakkiisa ay la tahay "in wixii uu doonayey uu ka helay."

Mika waxa uu BBC-da u sharraxay sida ay isaga iyo walaalkii uga wada hadlayeen arrimaha diinta, wuxuu sheegay in walaakiisa uu leeyahay saddex saaxiibo ah oo dhammaantood ah Muslimiin ku dheggan soonka Ramadaanka.

Go’aansiga u dhawaanshaha Alle

Ramadan

Mar la waydiiyey Mika, sababta uu soomo oo u qaado dariiqa Islaamka maaddaama uu yahay Masiixi wuxuu yiri, "waxaan dareemayaa in aan Ilaahay u dhawaado."

Waxaa xusid mudan in tobankii sano ee la soo dhaafay ay ku soo bateen tirada Muslimiinta Yurub oo ay ku jirto Holland, gaar ahaan ka dib markii ay dagaalo ka bilowdeen wadamo badan oo Bariga Dhexe ah sida Suuriya, Yemen, Liibiya iyo kuwo kale, iyo qulqulka qulqulka. boqollaal kun oo muslimiin qaxooti ah oo Yurub galay.

Sida uu muujiyey sahan laga sameeyey dalka Nederland sanadkii 2021-kii ayaa xogta laga dhambalay ay sheegtay in inuu jiro hoos u dhac dhanka diimaha ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin xogtu waxay xustay in wada jirka iyo wanaagga bulshada in 58 boqolkiiba dadka Nederland ee da'doodu tahay 15 sano iyo wixii ka weyn aysan ka tirsanayn koox diimeed ama fikrado.

Iyadoo oo uu hoos u dhac ku yimi xiriirka diimaha, ayaa qayb ka mid ah dadka Holandiska ahi ay u janjeeraan inay raacaan diimaha kale oo ay qaataan diimo kala duwan sida Islaamka, qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay caadooyinka qaxootiga cusub ee muslimiinta ah, gaar ahaan inta lagu jiro bisha Ramadaan.

Mika, wuxuu sheegay in walaalkii Levis, uu yahay qofka isaga baray Islaamka, isaga oo arrintaas sharaxayey wuxuu yiri, "Wuxuu ii sharaxay waxay ay aamisan yihiin, waana qofka ugu badan walaalkey Levi cida an isla falanqayno diinta, wax badanna aan ka bartay, waxaa ii dheer wada-hadallada aan la yeelanayo asxaabtayda dugsiga."

Waxa uu intaasi ku daray inuu akhriyo buugaagta uu walaalkiis haysto uuna isku dayo inuu fahmo, sidoo kalna uu wado akhris iyo cilmi baaris badan si uu u barto diimaha oo dhan

Isagoo sharaxay muhiimada uu ka leeyahay inuu sooman yahay bishan Ramadan, ayuu Mika ku sheegay in marka hore uu wali daacad u yahay diintiisa Masiixiga balse uu sidan u sameyey in uu naftiisa xakameeyo iyo inuu ka tanaasulo ku raaxaysiga nolosha Alle dartiisa.

Wuxuu intaas ku dary in uu doonayo inuu dareemo gaajada sida uu u dareemayo qofka saboolka sidoo kale uu ka mahadnaqo sida uu hadalka u dhigay nimcooyinka uu Eebbe ina siiyey.

Saamaynta saaxiibkiisa Iskoolka

Ramadan

Gabi oo ah 16 sano jir Suuriyaan ah, waa mid ka mida saaxiibada ugu dhow Mika oo ay isku iskool dhigtaan, waana kan saamaynta ugu badan ku yeeshay saaxiibkiis.

Wuxuu jiray shan sano Gabi, markii uu qoyskiisa oo ka koobnaa waalidkiisa iyo walaashii ay tageen Naderland sanadkii 2016-kii

“Aniga oo sagaal jir ah ayaan bilaabay in aan soomo si qarsoodi ah,waalidkay kama qarin balse waxay ka naxeen markay ogaadeen, wayna isku dayeen inay iga hor istagaaan balse kama laaban ee waan watay soonkayga” ayuu yiri Gabi.

Hooyada dhashay Gabi ayaa BBC-da u sharaxday: “Maalin ka mid ah, ayuu ka soo noqday dugsigii oo uu ka soo saaray cuntadii iskuulka, isagoo ku dhawaaqay inuu u soomay sidii saaxiibkii oo fasalka dhexdiisa ku jiray.

Mika, ayaa sheegay in bisha Ramadaan uu sii wadi doono soonka isla markaana uu sii wadi doono raadinta aqoonta isagoo ilaalinaya diintiisa Kirishtaanka oo uu si weyn ugu ixtiraamayo