Sababta dalkan Afrikaanka ah uu ugu hanjabay in maroodiyaal uu u dirayo dal Yurub ku yaalla

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Botswana ayaa ku hanjabay in 20,000 oo maroodi ay u diri doonaan Jarmalka, kaddib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labada dal.
Horraantii sanadkan, wasaaradda deegaanka ee Jarmalka ayaa soo jeedisay in la adkeeyo xaddidaadda saaran koobabka laga sameeyo ugaarsiga xayawaanka.
Madaxweynaha Botswana Mokgweetsi Masisi ayaa u sheegay mid ka mid ah warbaahinta Jarmalka in tallabadaasi ay dadka dalkiisa gelineyso Fakhri hor leh.
Wuxuu sheegay in tirooyinka maroodigu ay aad u bateen natiijadaas oo ka dhalatay dadaallada ilaalinta keymaha ee Botswana, ugaarsigana uu hadda ka caawiyay in la xakameeyo si aysan faraha uga bixin.
Jarmalku waa inay "la noolaadaan xayawaanka, sida ay isku dayayaan in ay noo sheegay," Madaxweyne Masisi ayaa u sheegay wargeyska Jarmalka ee Bild. "Tani ma aha kaftan,” ayuu sii raaciyay.
Botswana waxay hoy u tahay saddex meelood meel maroodiyada adduunka in ka badan 130,000, waxa ayna haystaan meelo ay ku xanaaneeyaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maroodiyaashu ay burburinayaan hanti, iyagoo cunaya dalagyada beeraha, isla markaana ay cagta mariyaan dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanadaasi.
Markii hore, Botswana waxay siisay 8,000 oo maroodi ah dalka ay dariska yihiin ee Angola, iyo boqolaal maroodi ah oo la siiyay Mozambique, si ay u yareeyaan tirada ku nool dalkaas.
"Waxaan jeclaan lahayn inaan hadiyad taas la mid ah siino Jarmalka," ayuu yiri Masisi, isagoo raaciyay inuusan jawaab u qaadan doonin maya.
Wasiirka Duur joogta Botswana Dumezweni Mthhimkhulu ayaa bishii hore ku hanjabay inay 10,000 maroodi ah u diri doonaan beerta Hyde Park ee London.
Kooxaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa ku doodaya in ugaarsiga iyo toogashada xoolaha iyo farsamaynta xubnaha jirkooda, sida madaxa iyo haragga, ay tahay mid naxariis darro ah oo ay tahay in la mamnuuco.
Jarmalku waa dalka Midowga Yurub ee leh maamuuska ugu badan ee ka samaysan qaybaha Maroodiga ee Afrika, sida lagu sheegay warbixin 2021-kii ay soo saartay hay’adda Humane Society International.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Botswana ayaa mamnuucday 2014-kii, balse waxa ay qaaday xayiraadda 2019-kii, kaddib cadaadis uga yimid bulshooyinka maxalliga ah.
Dalku hadda waxa uu soo bandhigaa qoondada ugaarsiga sanad walba, isaga oo sheegay in uu dhaqaale fiican ka helo dadka deegaanka, sidaas darteedna aanay danaynayn ugaarsiga duurjoogta, isla markaana uu haysto ruqsad iyo xakamayn aad u badan.
Afhayeen u hadashay wasaaradda deegaanka oo ku taal magaalada Berlin ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in Botswana aysan arrintan walaac ka muujinin.
"Sababtoo ah khasaaraha ba'an ee kala duwanaanshaha noolaha, waxaa na saaran mas'uuliyad gaar ah inaan sameyno wax walba si aan u hubinno in soo dejinta koobabka qaybaha maroodiga ee ugaarsiga ay tahay mid waara oo sharci ah," ayay tiri.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaraddu waxay sii waday wada hadallada ay la yeelanayso dalalka Afrikaanka ah ee ay saameeyeen sharciyada wax soo dejinta, oo ay ku jirto Botswana, ayey sii raacisay afhayeenka.
Australia, France iyo Belgium ayaa kamid ah wadamada mamnuucay ka ganacsiga koobabka laga sameeyo qeybaha maroodiga ee la ugaarsado.
Bishii Maarso, xubnaha baarlamaanka Britain ayaa u codeeyay in la ansixiyo sharciga lagu mamnuucayo soo dejinta calaamadaha, laakiin sharciga ayaa dib u eegis dheeri ah lagu sameyn doonaa ka hor inta uusan dhaqan gelin.
Ballanqaad lagu mamnuucayo soo dejinta billadaha laga sameeyo qaybaha Maroodiga ayaa lagu daray barnaamijka doorashada 2019-kii ee xisbiga muxaafidka ah.
Botswana iyo dalalka deriska la’ah, Zimbabwe iyo Namibia, ayaa ku andacoonaya in loo ogolaado inay iibiyaan tiro badan oo maroodi ah, si ay lacag uga helaan.
Waddamada ku yaalla bariga Afrika iyo sidoo kale hay’adaha u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa arrintaas ka soo horjeestay, iyagoo sheegay inay dhiirigelinayso ugaarsiga xoolaha.













