Somaliland: ‘Soomaaliya iyada ayaa soo afjartay rajadii ugu dambeysay ee ay isku maaweelin jireen'

Somaliland ayaa war kasoo saartay meelmarinta waxkabaddalka dastuurka Soomaaliya oo xildhibanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ay shalay oo sabti ah ansixiyeen afar cutub oo waxkabaddal lagu sameeyay.
Wasiirka warfaafinta ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday, Cali Xasan Moxamed (Mareexaan) oo waraysi siiyey BBC ayaa sheegay in aysan waxba iyaga ka qusseyn waxkabaddalka Dastuurka ee ay baarlamaanka Soomaaliya sameeyeen isla markaana uu yahay "qodobkii ugu dambeeyay ee ay ku doodi jireen".
Wasiir Cali ayaa sheegay in Somaliland ay dastuur iyada u gaar ah leedahay, kaas oo loo codeeyay sannadkii 2001 dii.
“Marka waa shaqo ay iyagu ay qabsadeen oo iyaga u taalla wax ka quseeyana ma jiraan Somaliland iyaguna way ogyihiin” ayuu BBC da u shaagay wasiir Cali.
Dadka dhaleecaynayey waxkabaddalka dastuurka oo ay ku jiraan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cuskanayey qodobba doodeed ay ka mid yihiin in uu wax u dhimi karo wadahadalkii Somaliland iyo u Dawladda federaalka Soomaaliya u dhaxeeya.
Wasiir Cali ayaa u muuqda in uu taas ka marag kacayo isaga oo yiri: “Waxaa kaliyoo xusid mudan in barigii hore ay odhan jireen oo ay isku maaweelin jireen, ‘dastuurka la ansixin mayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’ taana way soo afjareen,”.

Xigashada Sawirka, GSH
Dhanka kale, in ay jiraan xildhibaanno reer Somaliland ah oo baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyaga ku matala ayuu wasiir cali ku tilmaamay “iskayeelyeel ah” wuxuuna yiri: “Qof ka qoran halkan in uu dembi ka galay oo xilka markuu ka dhamaadana ay tahay in uu cafis weydiisto siduu dal u matalayaa?” isaga oo ula jeeda xildhibaanada kasoo jeeda woqooyiga ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Nuxurka hadalka wasiirka ayaa ahaa in ay Soomaaliya iyadu soo afjartay rajadii ugu dambeysay oo sida uu shegay ahayd ‘dastuurka la ansixin maayo inta Somaliland meel wax la isla dhigayo’.
Hay’adaha kala duwan ee dawladda fedaraalka Soomaaliya ee ay arrintani khusayso oo aan isku danay in aan la xidhiidhno si aan wax uga weydiinno warka ka soo yeeray Somaliland aanay noo suuragalin inaan helno.
Puntland ayaa iyaduna soo saartay warqad ay ku sheegayso in ay xiriirka u jartay Dawladda Fedaraalka Soomaaliya, ansixinta dastuurka awgeed.

Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Xaggee laga aadaya halka la joogo?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Talabaada xigtay ee la filayay kadib meelmarinta wax ka badalka dastuurka ee barlamaanka ayaa ahayd in uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo qalinka ku duugay galabta dhamaanka qodobadii wax ka badalka lagu sameeyay.
Waxkabaddalka dastuurka ayaa abuurtay kala duwanaansho siyaasadeed oo sii xoogaysanaya iyada oo xubnaha mucaaradka ah ay ku dhawaaqeen in ay qaban doonaan shirweyne looga arrinsan doono xaaladda dalka.
Dhanka kale sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, waxaa wakiillada beesha caalamku ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo la doonayo in lagu dajiyo xiisadda.
“Beesha caalamku waxay isku dayi doonaan inay culays ku saaraan labada dhinac sidii loo wada hadli lahaa oo laysu soo jiidi lahaa balse khilaafka ayaa u muuqda inuu taagan yahay meeshii u dambaysay” ayuu yiri Maxamed.
Sidaas oo kale Cabdiweli Maxamuud Guray ayaa sheegay inay muhiim tahay in xilligan laga gudbo khilaafadyada
“Soomaalinimadu in la kala tago maha, dani kuma jirto, caqli maaha, waxaan aaminsanahay in markasta laysaga soo dhawaado arrintaas” ayuu yiri Gurey.
Jamhuuriyadda madax bannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo DFS ayuu wadahadal u scoday iyada oo khilaafkii hadda ugu dambeeyay uu ka dhashay kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo xiisad abuuray.
Somaliland dibad jooga ayey ka ahayd siyaasadda Soomaaliya tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Dhanka kale Khilaafka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa soo bilowday muddo xilleedkii Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo Puntland hugaaminayay, waxaana waxyaabihii uu salka ku hayay ka mida qodobada hadda dhinacyadu ay ku kal aragti duwan yihiin.













