Maxaa Itoobiya ku khasbi kara inay ka laabato heshiiskii Is-afgardka ahaa ee ay Somaliland la gashay?

Xigashada Sawirka, Somaliland
Sida ay qortay warbaahinta qaar, dowladda Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay ka fikireyso ka laabashada heshiiskii is fagarad ee ay ku kireysan leheed dhul badeed 20 km taas oo badalkeed ku aqoonsan leheed Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Heshiiskaas oo ay ka carootay Soomaaliya ayaa waxaa cambaareeyay wadamada gobolka qaarkood, waxaana ay Soomaaliya sheegtay in dagaal diblumaasiyadeed oo ay la gashay Itoobiya uu cadaadis saaray
Balse Itoobiya iyo Somaliland oo heshiiskaan galay, labaduba midna kama aysan hadlin ka laabashada heshiiska.
Haddaba ma jiraan sababo ku qasbi kara Itoobiya inay ka laabato heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland?

“Waxaa ku kallifi kara laba arrimood oo waaweyn. Tan ugu weyn ayaana ah culeyska kaga yimid diblomaasiyadda gaar ahaan dhinaca Mareykanka, Midowga Africa iyo Turkiga oo hadda Soomaaliya la saxiixday xiriir qoto-dheer oo xitaa taabanaya xagga difaaca, middaas waa midda diblomaasiyadda iyo arrimaha kaga yimid adduunyada,” ayuu yiri Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha geeska gaar ahaan Itoobiya.
“Tan labaad waxaa weeye Itoobiya gudeheeda oo xaalada adag ku jirta dagaallana ka socdaan iyo adduunkii oo Itoobiya ku oranaya haddii aad rabtaan inaad adduunka kale gaar ahaan Mareykanka iyo IMF la macaamishaan waa inaad marka hore dejisaan arrimaha gudihiina ah marka labadaas ayuu ugu waaweyn arrimaha ku khasbi kara inuu Abiy ka noqdo heshiiskaas, waaba haddii uu ka noqdaba,” ayuu hadalkiisa raaciyay Feysal oo la hadlay BBC-da.
Heshiiska is-afgaradka oo la saxiixay 1-dii Janaayo 2024, ayaa qorshuhu ahaa in lagu fuliyo bil gudaheed, waxaana hadda socota bishii saddexaad.
Balse Somaliland ayaa dhankeeda ku adkeysaneysain heshiiskaas in uu fuli doono, waxaana uu wasiirka warfaafinta oo BBC da la hadlay uu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu guddi u saaray sidii heshiiskaas ay ula lafa guri lahaayeen dawladda Itoobiya.
“ si fiican ayuu u socdaa, si dhaqso leh ayaa loo gaba gabayn doonaa dhawaan waxaana la hor gayn doonaa barlamaanka labada gole ee Somalland, sidaas ayuuna dhaqan gal ku noqon doonaa” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan oo BBC da la hadlay.
Wuxuu ku eedeeyay Soomaaliya in ay galaan heshiisyo sanad walba, laakin ay hadda ku foogan yihiin kaliya heshiis kiro ah oo Somaliland la gashay Itoobiya, "waana dagaal qaawan oo ay dowlada Xasan Sheekh la galeen Somaliland" ayuu hadalkiisa raaciyay.
Khilaafka

Xigashada Sawirka, EBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Heshiiska ayaa ku saleysnaa in Itoobiya ay dhul badeed hesho iyo in saldhig ciidan ay ka dhisan doonto dhulka Somaliland, waxaase ka biyo diidday dowladda Soomaaliya oo sheegtay in dhulka ay Itoobiya dooneyso uu ka mid yahay "dhulkeeda".
Heshiiskaas oo muran badan dhaliyay ayaa Somaliland waxa ay ku adkeysatay in wax waliba oo dhulkeeda ah ay u madax bannaan tahay ayna masuul ka tahay, isla markaana aysan cidna kala tashan doonin. Heshiikaas, ayay Itoobiya ku dooneysay inay ku isticmaasho Badda Cas, iyadoo uga beddelaneysa Somaliland aqoonsi.
Heshiiska is-afgarad ayaa xiisad siyaasadeed ka dhaliyey dalalka deriska ah, iyada oo Soomaaliya ay wacad ku martay “inay difaaci doonto madax-banaanideeda dhuleed” halka Masar iyo dalal kale ay ku baaqeen feejignaan.
Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in dawladda Itoobiya ay isku dayday in ay ka hor istaagto shirkii Midowga Afrika ee bishaan ka dhacayay magaalada Addis Ababa, isaga oo sheegay in markii dambe uu raacayay madaxweynaha Jabuuti, kadib markii wafdigiisa la hor istaagay.
Itoobiya oo warkaas ka jawaabeysay ayaa beenisay in ay sameysay wax is hortaag ah oo ka dhan ahaa wafdiga madaxeynaha Soomaaliya, balse waxay dhanka kale sheegtay in ay diideen in ciidamo hubaysan ay gudaha u galaan gudaha xarunta uu ka dhacayay shirku, maadaama ay iyagu masuul ka ahaayeen amniga xarunta.
Soomalaiya ayaa kiiskaan u gudbisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan Golaha Amaanka, iyada oo marar kala duwan soo saartay war-saxaafadeedyo.
Itoobiya ayaa dhankeeda soo jeedisay in heshiiska aan lala aadin Golaha Amaanka, balse looga hadlo kulanka Midowga Afrika.
Shirar kale oo looga hadlay arrintaan ayaa waxa ay ka dhaceen magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay isugu yimaadaan madaxda dalalka ku midoobay urur goboleedka IGAD.













