Maxay tahay halista ay wajahayaan dameeraha Kenya

Xigashada Sawirka, The Donkey Sanctuary
Dalka Kenya qaylo dhaan ayaa ka jirta, taasoo la xiriirta dameero la xadayo, ka dibna la gawracayo ayadoo hilibkood a iyo maqaarkooda laga ganacsanayo.
Dadka u oloyana in la joojiyo xatooyada dameeraha ee la qalayo waxaa ka mid ah Dennis Bahati oo ka tirsan hay’adda Africa Network for Animal Welfare (ANAW).
Wuxuu sheegay in sannadkii hore ilaa 10,000 oo neef maqaarkooda loo dhoofiyey Shiinaha, inkastoo ay dawladda Kenya mamnuucday ka ganacsiga hilibka d ameeraha iyo maqaarkooda.
Hore waxay dawladdu u xirtay sanooyin ka hor laba kawaan oo dameeraha lagu qali jiray, ka dib markii ay soo baxday qaylo dhaan la xiriirta tirada dameeraha oo aad hoos ugu dhacday, gawraca dartiis.
Xatooyada dameeraha ee hadda laga cabanayo waxaa dadka ka cabanaya ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka waqooyi bari, ayadoo Soomaalidu ay yihiin qowmiyadda ugu badan ee sida aadka u dhaqata, una manaafacaadsata dameeraha.
“Dhibaatadaas la xiriirta xatooyada dameeraha la qaado ee ka dibna la qalo waa mid gobolkeenna haysata, waxayna aad ugu sii badan tahay deegaannada Garissa, Masalani iyo Faafi” ayuu yiri Dubbad Cali Camey oo ah guddoomiyaha guddiga suuqgaynta xoolaha ee Kenya. Wuxuu intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan kiisas laga soo sheegayo deegaannada ay ka midka yihiin waheer iyo Mandheera.

Xigashada Sawirka, The Donkey Sanctuary
Wuxuu sheegay in taranka dameeraha oo awalba gaabis ahaa ay arrintan saamayn ku yeelatay. “Dameeruhu waxay ku dhalaan 13 bilood oo la mid ma aha lo’da iyo ariga, ayagoo sidaas ah, xanaanada la siiyana ay yar tahay, tiradooduna ay aad ugu hoosayso xoolaha kale ayaa misna waxaa u sii dheer in la xadayo oo la qalayo, taasina waxay khatar galinaysaa jiritaankooda” ayuu sii raaciyey.
Xaawa Guuleed oo ka tirsan hay’ad ka shaqaysa dhowrista dameeraha ayaa sheegtay in muhiim uu u yahay noloshooda.
“Waa in aan la illoobin in aan ku noolnahay deegaanno ay gaadiidku ku yar yihiin, sidaa darteedna waxaan ku tiirsannahay in aan xayawaankan gaadiid ahaan u rarano marka aan geeddi galayno ee aan biyo iyo baad u hayaamayno” ayey tiri Xaawo Guuleed.
Dhibaatada dameeraha lagu hayo waxaa isna iftiimiyey Sarkaalka caafimaadka xoolaha u qaabilsan degmada Mooyaale Xasan Nura oo sheegay in dameerihii gudaha markii la mariyey iminka dalalka jaarka ah laga keenayo.

Xigashada Sawirka, The Donkey Sanctuary
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wuxu intaa ku daray in wixii ka dambeeyey xilligii xanuunka koroonaha deegaannadooda ay aad u yimaadeen ganacsatada xoolaha ka baayac mushtara ee deegaannao kale oo Kenya ah ka soo safra.
Wuxuu intaa ku daray in dhawaan ay soo rogeen sharci dhigaya in wixii ka badan 4000 oo dameer oo loo safrinayo in la xanaanaysto loo baahan yahay in ruqsad loo jaro, taasoo ay haddaba ku dhaqaaqeen mar dameero loo safrinayey deegaanka Isiolo (Siyeelow).
Dubbad Cali Cameey oo BBC la hadlayey ayaa isna arrin taa u dhow soo qaaday, isagoo maamulayaasha farriin u diray.
“Madaxda deegaannada gobolkeenna waa in ay goobaha laga gudbo aad u koontaroolaan haddii ay dhacdo in dameero badan laga gudbinayo buundooyinka ay ka midka tahay midda Gaarisa” ayuu yiri Dibbad.
Wuxuu ugu baaqay dadka xoolo dhaqatada ah in aysan iska aamusin haddii ay la kulmaan xatooyada xoolahooda. “Waa in dadka xoolaha leh ay tagaan saldhigyada booliska oo ay ku wargeliyaan ciidanka booliska OB-na laga qoraa, halkii ay iska aamusi lahaayeen” ayuu ku taliyey Dubbad Cali Camey.













