Cilmibaaris: Maxaa carruurta Nairobi ku dhasha ugu wacan in caqligoodu ragaaso?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cilmibaaris cusub oo ay wadajir u sameeyeen saynisyahanno kala socda Kenya iyo Mareykanka, ayaa lagu ogaadey in carruurta ku dhalata magaalada Nairobi ay u badan tahay in ay ku dhashaan garaadyari.
Warbxinta cilmibaaristan oo todobaadkii hore lagu daabacay warsidaha caanka ah ee ka faallooda arrimaha fayadhowrka deegaanka ee la yiraa Environmental Health Perspectives Journal ayaa daaha ka rogtey khatarta ku gedaaman dadweynaha ku nool caasimadda Nairobi, gaar ahaan haweenka uurka leh oo halis ugu jira kiimiko la yiraahdo LEAD oo ku badan guryaha la dego iyo ilo biyoodka.
Kiimikadan oo ah bir sumeysan ayaa badanaa laga helaa rinjiga guryaha la mariyo ama agabka aqallada lagu dhalaaliyo, taas oo sida la sheegay ay warshaduhu ku daraan qiyaas ka badan inta la oggol yahay, si uu rinjigu ciyow u qallalo. Waana halkaas halka inta badan carruurta korriinshaha garaadkooda la dersay ay eersadeen, sida ku xusan daraasadda.
Cilmibaaristan oo ay iska kaashadeen khuburro ka kala socda Jaamacadaha Nairobi iyo Washington oo ku kala yaalla Kenya iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in ilmaha uurka ku jira iyo kuwa naaska nuugaya ay halis ugu jiraan calaannimo dhanka maskaxda ah.
Cilmibaarista oo si qoto dheer loogu kuurgalay sida ilmuhu ku qaadaan kiimikadan maskaxda ragaadisa ayaa tibaaxday in hooyada uurka leh ama irmaan ay kiimikada Lead toos ugu gudbin karto ilmaha uurka jiifa, gaar ahaan marka ay qaadato cunto iyo cabitaan sumeysan.
Suntan oo raacda aalaaba qulqulka dhiigga ayaa waxay si fudud ugu gudubtaa ilmaha uurka jiifa, iyadoo sii mareysa xuddunta. Sidoo kale waxay raaci kartaa caanaha naaska sidaasna waxay ugu gudbi kartaa cunug kasta oo jaqa caanaha hooyada sumeysan.
Kumannaan carruur reer Nairobi ah ayaa dhasha iyagoo horay ula dersey kiimiko ragaadisa korriinsha garaadkooda, sida lagu ogaadey baaritaan lagu sameeyey haween ku dhalay isbitaalka Pumwani ee ku yaal degmada Kamakunji ee ay ka tirsan tahay xaafadda Eastleigh ee inta badan Soomaalidu degto.
Hooyooyinkan dhiiggooda uu baaray sheybaarka dowladda Kenya ayaa lagu arkay raadka birta Lead-ka oo heerkoodu sarreeyo, taas oo xaadir ku ah dhiigga hooyada iyo xuddunta cunugga.
Baaritaankan lagu sameeyey haweenka ayaa muujinaya haweenka ka soojeeda degmooyinka isku-raranta ah ee nadaafadooddu hooseyso inay aad ugu nugul yihiin kiimikada Lead-ka oo si fudud ugu gudbi karta ilamaha ay uurka ku siaan ama ay nuujinayaan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhallaanka ku sumooba kiimikada Lead ayaa ka dhaxli kara dhibaato caafimaad darro iyo cillad aan laga soo waaqsan oo saameeya ilmaha uurka jiifa. Waxaana cilladaha ugu badan ee lagu arko ciyaalkaas ka mid ah xaaladda loo yaqaan Maskax Ragaaska Waara (Permanent Mental Retardation) oo ah in maskaxda cunuggu aysan u korin sidii la rabay.
Sida ku cad tusmada fayadhowrka walxaha khatarta leh ee Ururka Caafimadka Adduunka (WHO), ilmaha uurka ku jira waa kuwa ugu nugul in ay ku sumoobaan kiimikada ka soo gorota jirka hooyada, ka dibna qayb ka noqda ubadka ku dhex abuurmaya.
Khuburrada baaritaanka sameysay ayaa xoogga saaray xaafadaha Dandora iyo Kariobangi, halkaas oo haween ka yimid ay ku umuleen Isbitaalka Pumwani, dabadeedna dhiigag looga qaaday si loo baaro.
Isku soo wad duuboo, marka la isku eego daruufaha nadaafadeed ee xaafadaha warbixinta lagu xusay iyo tan xaafadaha Soomaalidu degto, sida Eastleigh waa kuwo aad isugu dhow.













