Waa maxay xanuunka laga qalay Netanyahu?

Xigashada Sawirka, Reuters
Raysal wasaaraha Israa’iil Benyamin Netanyahu ayaa maray qalliin lagu guuleystay galinkii dambe ee Axadda ka dib shir ay yeesheen golaha wasiirada dagaalka.
Netanyahu oo 74 jir ah, ayaa lagu sameeyay suuxdin buuxda intii lagu jiray qalliinka ka dhacay Isbitaalka Hadassah Ein Kerem ee magaalada quddus si looga qalo xanuunka Hernia.
Dhakhaatiirta iyo xafiiska Netanyahu ayaa bayaan ay soo saareen abbaare 1:30 Axadda ku sheegay in qalliinku uu u dhacay sidii loogu talagalay, guulna laga gaaray.
Netanyahu oo sidoo kale laga qalay Hernia sannadkii 2013 - ayaa kala kulmay dhaleeceyn sii kordheysa masraxa adduunka iyo gudaha labadaba, taas oo ku aaddan sida Israa’iil ay u wajahayso dagaalka Marinka Qasa. Xulafada muhiimka ah ee Israa’iil sida Mareykanka ayaa dhaleeceeyay dhimashada sare ee dadka rayidka ah waxayna soo jeediyeen baaqyo deg deg ah oo ku aaddan Israa’iil in ay ogolaato gargaar dheeri ah oo la geeyo deegaanka.
Dhanka Israa'iilna, dibad-baxayaashu waxay dalbanayeen in Netanyahu uu mudnaanta siiyo sii-deynta la haystayaasha lagu haysto Qasa oo uu heshiis xabbad-joojin ah sameeyo.
Benyamin Netanyahu waxaa kale oo uu dhaleecayn ba’an kala kulmayay saaxiibadiisa isbahaysiga midigta-fog, taas oo ku aaddan calaamad kasta oo muujinaysa inuu ka gaabsanayo dagaalka ka dhanka ah Xamaas ama ballaarinta deegaamaynta Israa’iil ee Daanta Galbeed ee la haysto.
Saacado ka hor qaliinka lagu sameeyay Netanyahu, waxa uu magaalada Qudus kula kulmay qoysaska askarta lagu haysto Qasa.
Netanyahu ayaa xanuunka laga helay xilli lagu guda jiray baaritaankiisa caafimaad ee caadiga, waxaana la sheegay in uu galay suuxdin buuxda markii la qalayey.
Bishii Luulyo 2023, Netanyahu waxaa lagu rakibay qalab ka caawiya garaaca wadnaha.
Waqtigaas, Israa'iil waxay dhexda uga jirtay mashaakilkeedii ugu xumaa ee gudaha, tobannaan sano ka dib markii mudaaharaadyo baahsan ay ku soo urureen xawli ay kaga soo horjeedaan qorshaha dib u habeynta garsoorka ee xukuumadda midigta fog ee Netanyahu.

Xigashada Sawirka, Reuters
Waa maxay Hernia?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hernia waa wax sida burada oo kale ah oo ka soo baxda gudaha saableyda, balse waxay dhacdaa marka qayb ka mid ah jidhka gudaha ay kasoo dhex baxdo xubinta jidhka bannanka ah ee haysay ama ay daciifnimo ku timaado halkii xajinaysay qaybtaa jirka ah ee bannaanka usoo baxday.
Inta badan Hernia waxay ku lug leedahay mid ka mid ah xubnaha caloosha oo soo riixa mid ka mid ah darbiyada godka caloosha. Hernia waxay si tartiib tartiib ah u dhici kartaa marka aad sii weynaato oo jeexjeexyada muruqyadaadu ay bilaabaan in ay isku darsamaan. Waxay sidoo kale ka dhalan karaan dhaawac, qalliin ama cillad dhalmo.
Badanaa Hernia ma noqoto wax halis ah, laakiin waa wax dhici kara in ay halis noqoto. Waxay kaloo noqon kartaa mid aad u daran waqti ka dib.
Hernia waxay noqotaa mid halis ah marka ay ku dhegto daloolkii ay kasoo baxday dibna ay u noqon waydo. Tani waxay noqon kartaa mid xanuun leh, xaaladaha ugu waa in unugyada uu ka go'o isusocodka dhiiggu, taas oo keenta necrosis (dhimashada unugyada).
Maadaama noocyada kala duwan ee Hernia ay u muuqdaan in ay ka sii daraan waqti ka dib, badanaa waxay u baahdaan qalliin lagu hagaajinayo.
Si kastaba ha ahaatee ka sokow, qaliinka uu hadda galay, Netanyahu ayaa wajahaya culaysyo badan oo siyaasadda gudaha ah.
Sidoo kale dagaalka ay isaga iyo golahiisa wasiirada kula jiraan Xamaas ayaa u soo jiiday dhaleecayn ka dib markii kumanaan caruur iyo dumar u badan ay ku dhinteen duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee ay ka wadaan Qasa.
Shaqaalaha gargaarka ayaa ka mid ah dadka halkaas ku dhinta iyadoo toddobo ka mid ah ay maanta Talaadadii lagu duqeeyay gaari ay saarnaayeen, taas oo Netanyahu uu ku tilmaamay in ay ahayd mid aan ula kac ahayn.
Kala badh dadka ayaa wajahaya heerar masiibo oo gaajo ah.
Nidaamkii caafimaadka ayaa qarka u saaran inuu burburo, iyadoo dhakhaatiirta qaar ay awoodi waayeen in ay daweeyaan bukaanada sababo la xiriira agabka aasaasiga ah oo gabaabsi ah.













