Gabadha 12 jirka ah ee uu guursday ninka 63 jirka ah iyo sida ay carada ugu abuurtay baraha bulshada

guur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baadari dhaqameed saamayn ku leh dalka Ghana oo 63 jir ah ayaa waxa uu caro ka dhaliyay dalka Ghana kadib markii uu guursaday gabar yar oo da’deedu tahay 12 sano.

Baadariga - Nuumo Borketey Laweh Tsuru – ayaa waxaa uu gabadhaan ku guursaday munaasabad dhacday maalinkii sabtida ee aynu soo dhaafnay.

Iyaga oo arrinkaan dhaliilayay ayaa waxay hugaamiye dhaqameedyada dalkaasi waxay sheegeen in dadku ayna fahansaneen dhaqankooda iyo caadadooda.

Dad’da sharciga ah ee ugu yar ee lagu guursan karo dalkan Ghana ayaa ah 18 sano, waxaana meesha laga saaray dhaqanka guursiga caruurta, inkasta oo uuwali sii socdo oo uusan hakan.

Sida ay sheegtay hay’adda aan dawliga ahayn ee Girls Not brides ee u ololeysa arimaha dumarka, 19% gabdhaha dalkaas ayaa waxaa la guursadaa ka hor inta aysan gaarin da’da 18 sano jirka, halka 5 boqolkiiba la guursado ka hor da’da 15 jirka.

guur

Xigashada Sawirka, AFP

Muuqaalo iyo sawiro laga qaaday munaasabadda arooska ee dhacday sabtidii oo ay ka soo qayb galeen tobanaan ka mid ah bulshada, ayaa waxaa si wayn loogu baahiyay loogana hadlay baraha bulshada iyada oo abuurtay caro iyo qaylo dhaan balaaran oo ay sameeyaan qaar badan oo ka mid ah dadka reer Ghana.

Intii ay socotay munaasabadaas ayaa haweeneey khudbad ka jeedisay arooska oo ku hadlaysay luuqada goonida u ah dadka reer Ghana waxay sheegtay in loo baahan yahay n gabdhuhu u labistaan qaab xadanteyn karta dareenka ragooda.

Sidoo kale waxay goobta ka sheegtay kulana Talisay in ay xaasnimo isku diyaariyaan oo ay sii bartaan shaqooyinka looga baahan yahay ayna isticmaalaan baraafuuno soo jiidan kara dareenka rabitaanka ee odayadooda.

Hadaladaas ayaa waxay sii kordhiyeen carada dadka, maadaama loo arkay macnaha hadalkaas in guurkuba uusan ahayn mid dhab ah oo micno kale ku sii hoos jiro.

Dadka dhaliilay arrintaan ayaa waxay ugu baaqeen madaxda in ay hakiyaan guurka baaritaana ku sameeyaan Tsuru.

Hugaamiyaasha bulshada Nungua indigenous ee ay ka dhasheen baadariga iyo gabadha uu guursadaba ayaa waxay cambaareeyeen dadweynihii dhaliilay arooska, iyaga oo ku tilmaamay dhaliisha dadka mid ay sabab u tahay “Jaahinimo”.

Nii Bortey Kofi Frankwa oo hugaamiye bulsheed ayaa sheegay Axadii , in doorka gabadha ee ah xaas u noqoshada ninka baariga ah in ay tahay “mid cad oo la isla fahan san yahay dhaqan ahaan iyo caadi ahaanba”.

guur

Xigashada Sawirka, Yousef Eldin / BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu intaas raaciyay in gabadha yari ay bilowday tababarka sidii ay xaas u noqon leheed muddo lix sano ka hor ah, nidaamka diyaarinta gabadhuna uusan wax saamayn ah ku yeelan waxbarashadeeda.

Gabadha ayaa waxaa la rajeyn doonaa hadan in loo dhigo munaasabad aroos oo labaad, si loogu diyaariyo doorkeeda xaasnimada ee baadariga. Munaasabadaas ayaa noqon doonta mid loogu tababarayo shaqada xaasnimada oo ay ka mid tahay sida caruurta loo koriyo, sida ay sheegeen warbaahinta gudaha dalkaas.

Tsuru ayaa ah "Gborbu Wulomo", ama baadari dhaqameed aad u heersareeya oo diin ahaan ay ka haybeystaan dadka la yiraahdo Nungua indigeneous ee ku nool caasimadda dalka Ghana ee Accra.

Maadaama uu yahay hugaamiye ruuxeed, baadariga ayaa ka mid ah hugaamiyaasha ugu meeqaamka sareeya ee waliba dhaqanka ah bulshadaas.

Wuxuu sameeyaa falal nafhurnimo ah isaga oo matalaya bulshada uu hugaamiyo, isaga oo u dceeya bulshada si ay baladu uga xijaabanto, isaga oo dhaqan galiya arimaha soo jireenka ah, sidoo kale wuxuu gudoomiyaa munaasabadaha dhaqanka ee lagu duubayo caaqilada cusub ee bulshadani yeelanayso.

Dawladda ayaa ilaa iyo haatanka jawaab ka bixin arrinta guurkaan hadal-haynta dhaliyay.

Sharciga Ghana ayaa waxa uu ogol yahay guurka dhaqanka ku salaysan, balse waxa uusan ogoleyn guursashada caruurta iyada lagu gambanayo dhaqan iyo caado.