Pakistan: Dood ka dhalatay da'da guurka gabdhaha iyo shareecada Islaamka waxa ay ka qabto

Da'da guur gabdhaha ayaa ah arrin marar badan muran ka dhilisay Pakistan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Da'da guur gabdhaha ayaa ah arrin marar badan muran ka dhilisay Pakistan

Maxkamadda sare ee Pakistan ayaa xukuntay in sharciga da'da ugu yar ee dhallinyarada loo ogolaan karo in ay guursadaan ee dalkaasi u yaalla aysan ahayn mid ka hor imaanaysa diinta Islaamka.

Maxkamadda Shareecada Federaalka ayaa sheegtay in da'da guurka gabdhaha oo hadda ah 16 sano ay gacan ka geysanayso inay helaan ugu yaraan waxbarashada aasaasiga ah ka hor inta aysan guursan.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay mid waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah iyadoon loo eegin jinsiga.

Dalka Pakistaan da'da ugu yar ee ay wiilasha ku guursan karaan ayaa ah18 sano jir, halka gabdhuhu ay tahay 16 sano jir.

Horaantii todobaadkan ayay maxkamaddu sidoo kale ku dhawaaqday in caadada ah in gabdhaha yar la bixiyo iyada oo magdhow ama xal looga dhigayo khilaafka qabaa'ilada ka dhaxeeya ay tahay sharci darro..

Dadka u ololeeya arrimahan ayaa sheegaya in guurka caruurta yaryar uu yahay dhibaato ka taagan Pakistaan islamarkana kumannan gabdhood la guursado iyaga oo ay da'dooda ka yartahay 16 sano jir.

Waxa ay doonayaan in waqtiga sharciga ah ee gabdhaha lagu guursan karo in laga dhigo 18 sano jir.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, .

Sida uu go'aanka ku yimid

Saddex garsoore oo fadhida maxkamada shareecada Islaamka ee Pakistan uuna horkacayay madaxa cadaalada Maxamed Nuur Meskanzai, ayaa qaaday codsiga Farooq Omar Bhoja ee ka soo horjeeda faqrooyiinka 4, 5, 6 ee sharciga guurka.

"Kadib markii aan eegnay codsiga, waxaan u aragnaa in codsiga si qaldan loo dhigay, sidaas daraadeed, codsiga waa la diiday," ayuu yiri Dr Syed Mohammad Anwer.

Go'aanka maxkamada oo ka koobnaa 10-ka bog , ayay maxkamdu sheegtay in faqrooyiinka da'da ugu yar ee xeerku ee guurka gabdhaha iyo wiilasha aysan ahayn kuwo ka hor imaanaya diinta Islaamka.

Waxa jira waddamo badan oo Islaam ah oo ay ka jiraan sharci noocan oo kale ah taasi oo lagu xaddidayo da'da ugu yar ee guurka gabdhaha iyo wiilasha, sida Urdun, Malaysia, Masar iyo Tunisia, sida go'aanka maxkamada lagu shegay.

Maxkamada ayaa sidoo kale cadeysay muhiimadda ay leedahay waxbarashada iyo in gabdhaha iyo wiilasha ay u sinaadaan.