Carruurta UK oo la ogaaday khatarta uu ku hayo telefoonka

Carruurta UK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxa shirkadda telefoonnada Samsung ee UK ayaa sheegay in gabadhiisa uu telefoonkeedii u horreeyay u iibiyay markii ay 11 jir ahayd.

“Shakhsiyan, ma jecli in carruurta da’da yar la siiyo telefoon. Waalidiinta ayaa leh go’aanka xilliga ay carruurtooda telefoon u iibinayaan,” ayuu yiri James Kitto.

Waxa uu intaa raaciyay in da‘ kasta oo qofka uu ku qaato telefoonka, arrinta muhiimka ah ay tahay in ay ka badbaadaan xumaanta iyo dhibaatada taalla internet-ka.

Xafiiska tayada waxbarashada ee UK ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah carruurta dhigata dugsiyada hoose ee dalkaas ay haystaan telefoonnada casriga ah.

Carruur ay da’doodu tahay 9 jir ayaa telefoonnadooda ka daawada muuqaallada galmada, sida lagu ogaaday daraasad laga sameeyay UK.

Kitto ayaa sheegay in xilligan la joogo ay muhiim tahay in carruurta iyo dadka kale ay ka digtoonaadaan khatarta uga iman karta telefoonnada casriga ah ee internet-ka leh.

“Go’aan kasta oo aad gaarta ama u aad mid aan u gaartay carruurtaada, waxaa muhiim ah in la xaqiijiyo in macluumaadka laga helayo internet-ka ay yihiin kuwo badqab leh,” ayuu sheegay Kitto oo u warramay BBC-da.

Dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada telefoonnada ayaa leh hannaan uu waalidka ku xakameyn karo waxa ay daawadaan carruurtiisa, sida uu sheegay xafiiska isgaarsiinta, kaasoo uga digay carruurta in ay sawirro xasaasi ah ku wadaagaan baraha bulshada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Daraasad ay samaysay shirkadda Childwise ayaa muujinaysa in 75% carruurta da’doodu tahay 9 jir iyo 10 jir ee UK ay heli karaan telefoon.

60% carruurtaas ayaa leh telefoonno u gaar ah, halka inta soo hartayna ay isticmaalaan kuwa qoysaskooda.

Isla warbixintaas ayaa lagu sheegay in 8% carruurta da’doodu tahay 5 jir iyo 6 jir ay leeyihiin telefoonno u gaar ah, halka tiro intaa la egna ay isticmaalaan telefoonnada ehelka.

Madaxa xafiiska tayada waxbarashada, Amanda Spielman, ayaa bishii hore sheegtay in ay aad uga walaacsan tahay carruurta da’da yar ee sida xakameyn la’aanta ah u isticmaala internet-ka.

Waxa ay sheegtay in wax badan laga qaban karo ka hortagga in carruurta ay daawadaan filimada anshax xumada ah.

Ra’yi ururin laga sameeyay dhalinyaro da’dooda u dhexayso 16 ilaa 21 jir oo la weydiiiyay markii ugu horreysay ee ay daawadaan muuqaal anshax xumo ah, ayaa waxaa lagu ogaaday in kala bar kamid ah dhalinyaradaas ay xumaanta arkeen markii ay jireen 13.

Walaaca jira ayaa ah in tiradaas ay hadda aad u sarayso, maadaama carruur badan ay heli karaan telefoonnada casriga ah ee internet-ka ku shaqeeya.

Ururada qaabilsan difaaca carruurta ayaa sheegay in xogtaas ay muujinayso khatarta ay wajahayaan da’ yarta UK.